TAAGEERAYAASHII WADDANI IYO UCID OO KU QULQULAYA URURKA BARWAAQO

0
gaboose cirro iyo faysal

Taageerayaashii Xisbiga Waddani ee muddada dheer la daalaadhacaynayey Maamul-xumadda iyo hogaamin jilicsanaantii Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa furista Ururadda Siyaasada ee Somaliland waxay u biniixisay fursad siyaasadeed oo ay ku heli karaan Xisbi iyo Hogaamiye dhab ah oo ay kaga soo kaban karaan khasaarihii iyo waqti lumiska ay ku hayaan Musharax Cirro iyo Xirsi Cali X Xasan.

Taageerayaasha Waddani oo hanti iyo dadaal badan geliyey musharaxnimadda Cirro ee Madaxtooyadda Somaliland, ayaa mar walba la kulmayey tacab khasaar iyo hal ku dhigyo aanay jeclaysan sida (WAA LAYNA BOOBAY), sidoo kale abuuris falal amni-darro iyo naceyb oo aan loo baahnayn, kuwaas oo lagu qarinayo khaladaadka iyo hogaamin xumadiisa.

Kumanyaal iyo kumanyaal taageerayaashii WADDANI ka mid ah, oo isugu jira bulshadda qaybaheeda kala duwan, ayaa isu diyaarinaya inay ku biiraan URUR SIYAASADEED BARWAAQO ee uu hogaaminayo dhakhtarka caanka ah ee Dr MOHAMED CABDI GABOOSE, iyadoo saacadaha soo socda ay Magaaladda Burco ka dhici doonto xaflad balaaran oo lagu taageerayo URURKA BARWAAQO iyo Gudoomiye Gaboose.

Sidoo kale,waxaa Ururka Barwaaqo uu saameynayaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Xisbiga UCID ka dhigay meherad yar oo aan lahayn mustaqbal siyaasadeed.

URURKA BARWAAQO iyo DR GABOOSE waxay taageerayaashii WADDANI iyo UCID u yihiin rajo siyaasadeed oo u horseedi karta, suurtogalnimada hogaaminta iyo horumarinta Somaliland, islamarkaana ay kaga reysan karaan muranka aan mirro dhalka ahayn ee ay caadeysteen Gudoomiye CIRRO IYO FAYSAL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here