Taliban oo heshay diyaaradaha dagaalka Afghanistan, maxay ku sameyn karaan?

helicpter ciidan afghanstan

Ciidamada Afghanistan, ee dabka u saaran Taliban (gudaha Ruushka, ururkan waa ka mamnuuc waxaana loo arkaa xagjir), ayaa kooxda uga tagay hub badan iyo qalab militari.

Taliban ayaa helay gawaari gaashaaman iyo kuwa xamuulka iyo boqollaal ciidamo ah. Balse waxa ugu qaalisan ee ay helaan waa diyaaradaha dagaalka.

Ma jirto warbixin ku saabsan inta diyaaradood ay Taliban heshay. Ugu horreyn, waa macquul in ciidamada Afghanistan ay burburiyeen qaar ka mid ah diyaaradaha dagaalka. Marka xigta, waxaa la ogyahay in diyaaradaha qaar la geeyay dalalka deriska ah.

Hadda su’aasha ugu weyn waxay tahay in Taliban ay heli doonto shaqaale uga howlgala waaxda ciidamada cirka, qalab dheeri ah, iyo tan ugu muhiimsan oo ah shaqaale duullimaadka ah oo hawada u kaxeyn kara.

Qabsasho

Ciidamada Cirka Afghanistan, dhammaantood ma aha kuwo xirfad leh. Bilowgii sanadkan, waaxda ciidamada cirka waxay heysteen 50 diyaaradaha dagaalka ah: 17 diyaaradaha dagaalka oo fudud A-29 (Embraer EMB 314 Super Tucano) iyo 10 nooca AC-208 Combat Caravan, iyo 21 diyaaradaha xamuulka ah nooca C -208 Cessna Caravan iyo labo C-130 Hercules ah.

Waxaa intaas dheer, waxaa jiray ilaa 86 helikobtarro dheeraad ah: 12 helikobtarrada Ruushka lagu sameeyay ee Mi-17.

Waxaa intaa dheer, tiro ka mid ah diyaaradaha waxay qeyb ka ahaayeen waaxda cirka ee gaarka ah, balse wax xoog dheeraad ah lagama hayo diyaaradahaas.

Waaxda cirka ee Afghanistan ee haatan waxay qalabka siiyay Mareykanka, waxaan aku jira helikobtarrada Ruuska.

sawirradii ugu horreeyay ee helikobtarrada militariga Afghanistan ayaa baraha internet-ka ka soo muuqday toddobad kahor, wax yar kaddib markii Taliban ay la wareegeen gacan ku heynta saldhigyada cirka ee Kunduz, Kandahar iyo Herat.

Sawirrada iyo muuqaalladu waxay muujinayaan Mi-17, MD 530F, helikobtarrada UH-60 iyo diyaardada xamuulka ee yar C-208.

Taliban
Qoraalka sawirka,Diyaaradda fudud ee MD-530 muddo dheer hawada laguma heyn karo iyadoo sidan qalab dheeraad ah

Mid ka mid ah muuqaallada la sheegay in lagu duubay Kunduz waxaa ka muuqatay diyaaradda Ruushka lagu sameeyay ee Mi-35. Helikobtarrada noocan ah kuma jiraan liiska Mareykanka, balse sida muuqaalka ka muuqatay, lama hubo inay diyaaraddu shaqeyneyso iyo in kale maaddaama qalabka laga bixiyay.

Way adag tahay in wax laga yiraahdo inta badan qalabkii ka muuqday muuqaalladan. Diyaaradaha qaarkood ma duuli karin, waxaa ka muuqatay dhaawacyo iyo qalab laga saaray.

Si kastaba, diyaaradaha Mi-17 ayaa la sheegay in muuqaalka looga qaaday Herat.

Mid ka mid ah sawirrada, Taliban ayaa barbar taagan diyaaradda weerarka ee Super Tucano. Waxaa la sheegay in sawirka lagu qaaday Mazar-i-Sharif.

Duullimaadka

Taariikhdu markay ahayd August 16, dhowr diyaaradood ayaa u duulay Tajikistan, iyadoo ilaa boqol sarkaal oo ciidamada Afghanistan ka tirsa ay ka qaxeen dalka.

Diyaaradaha ayaa bixiyay calaamad muujineysa inay dhibaato ku sugan yihiin waxaana loo oggolaaday inay cago dhigtaan. Wargeyska New York Times ayaa sheegay in shan diyaaradood ay u duuleen Tajikistan.

Lix iyo tobankii August, wargeyska Uzbek Gazeta.uz, oo soo xiganaya waaxda warbaahinta ee Xafiiska Dacwad-oogaha Guud, ayaa ku warramay in 22 diyaaradaha militariga ah iyo 24 kuwa helikobtarka ah oo laga leeyahay Afghanistan ay dalkaasi u duuleen August 14 iyo 15. Waxaa saarnaa 585 ka tirsan ciidamada Afghanistan.

Taliban
Qoraalka sawirka,UH-60 Black Hawk ayaa Afghanistan looga adeegsan jiray siyaabo kala duwan, oo ay ku jirto qaaditaanka dhaawaca

Isla mar ahaantaas, mid ka mid ah diyaaradaha Afghanistan – EMB 314 Super Tucano – oo hawada ku jirta ayaa waxay isku dhaceen Uzbek MiG-29.

Waxaa arrintaas lagu baahiyay qeybta waaxda ee barta Telegram, balse goor dambe Xafiiska Dacwad-oogaha Guud ayaa tiray, wuuxuna ku sheegay in warkaas aan la xaqiijin.

Wixii intaas ka horreeyay, boqollaal ciidamo ah ayaa iyagoo dhulka maraya u baxsaday Tajikistan iyo Uzbekistan. Lama oga intooda ka tirsan waaxda ciidamada cirka, saldhigyada cirka iyo duuliyeyaasha.

Taliban oo diyaaradaha saaran

Markii dhaqdhaqaaqa Taliban (laga mamnuucay Ruushka loona arkay dhaqdhaqaa argagixiso) waxayba heysteen ciidamadooda u gaarka ah ee cirka.

Kaddib dhicitaankii xukuumaddii Mohammad Najibullah sanadkii 1992, Taliban ayaa dhashay haraadigii waaxda ciidamada cirka. Gacanta Taliban waxaa ku jirtay dhowr diyaarado dagaal – oo ay ka mid yihiin MiG-21MF iyo Su-22.

Waxaa intaas dheer, waxay heysteen helikobtarrada Mi-8, diyaaradaha xamuulka iyo kuwa tababarka ee L-39.

Taliban
Qoraalka sawirka,Nin aan la garaneyn oo ku hor sawiran MiG-21

Balse diyaaradahan amaba way hallaabeen sababo la xiriira daryeel la’aan, amaba waxaa lagu burburiyay weerarradii Mareykanka ee sanadkii 2001.

Ilaa iyo hadda waxaa la xusuusan yahay adeegsiga Taliban ee diyaaradaha dagaalka. Taariikhdu markay ahayd August 3, 1995, diyaarad Taliban lahayd oo nooca MiG-21MF ahayd ayaa waxay celisay diyaaradda Ruushku leeyahay ee Il-76TD.

Taliban ayaa diyaaradda iyo shaqaalaheeda heysay muddo ka badan sanad kahor inya aysan duuliyeyaasha kicin diyaaradda oo aysan duulin.

Ciidamada Cirka

Ma jirto diyaarad amaba helikobtar ay leeyihiin ciidamada cirka ee Afghanistan oo ka hortagi karta diyaarad xamuul oo culus, sida uu qabo Vasily Kashin, oo ah baare sare oo ka tirsan Machadka Far Eastern Studies.

Wuxuu rumeysan yahay in xitaa haddii Taliban ay awoodaan in diyaaradaha la qabsaday ay duuliyaan, ma awoodi doonaan inay khalkhal ku geliyaan dalalka deriska.

Maxay qarnigan 21-aad Waaxda Ciidamada Cirka ee Mareykanka ay ugu baahan yihiin diyaarad dagaal?

Taliban
Qoraalka sawirka,Mi-17 Xoogagga Cirka ee Afghanistan

“Halka ay ka jirto dagaal dhanka cirka ah, kama jirto fursad. Kuwani waa mahsiinnada aan fulin karin dagaal cirka ah amaba aan naftooda difaaci karin,” ayuu yiri Kashin.

Sida uu qabo, diyaaradahan waxay Taliban ka anfici doonaan inay howlgallo uga fuliyaan Afghanistan. Haddii ay heli karaan helikobtarrada iyo diyaaradaha inay duuli karaan, waxay u adeegsan doonaan dagaalka ay ugu jiraan hanashada awoodda.

Gudaha Afghanistan, oo intiisa badan buuralley ah, diyaaradaha xamuulka ayaa horumarin kara howlaha ciidamada, sida uu sheegay Kashin.

Joogteynta

Xitaa haddii Taliban ay awoodaan inay helaan diyaarado shaqeynaya, waxay wajihi doonaan caqabadda joogteynta.

Sida uu khabiirka militariga ee Ilya Kramnik u sheegay BBC-da, ciidamada cirka ee Afghanistan waxay keliya heystaan labo nooc oo diyaarado ah oo khubarrada Mareykanka la’aantood la joogteyn karo – waxayna kala yihiin helikobtarrada Mi-17 iyo C-208 Cessna Caravan.

Taliban

Ciidamada Cirka ee Afghanistan waxay heysteen diyaaradaha dagaalka ee A-29, balse keliya maaha Afghanistan, balse sidoo kale khubarrada Mareykanka ayaa ku lug lahaa daryeelka diyaaradahaas.

Diyaaradaha Mi-17 waxaa ada loogu yaqaannay Afghanistan tan iyo malamihii ay joogeen ciidamadii Soofiyeetka.

Inta kale diyaaradaha iyo helikobtarrada, waxay khubarradu aaminsan yihiin, inaysan shaqeyneyn xilligii ay gacanta u galeen Taliban.

Kramnik wuxuu aaminsan yahay in inta badan khubarrada Afghanistan aysan la shaqyen doonin maamulka Taliban: “Raggan, ugu horreyn, waxay fekrad ahaan ka soo hor jeedaan Taliban, marka labaad, wixii ay duulin kareenna, way duuliyeen.”

Sida uu qabo Vasily Kashin, Mareykanku wuxuu isha ku heyn doonaa suuqa qalabka dheeraadka ah ee diyaaraaha Mareykanka lagu sameeyay, haddii ay suurto gal tahayna wuuxu joojin doonaa in la geeyo Afghanistan.

Kuwa soo goostay

Lama hubo diyaaradaha iyo helikobtarrada loo duuliyay Tajikistan iyo Uzbekistan.

Dhanka kale, farriinta Xafiiska Dacwad-oogaha Guud ee Uzbekistan, ee markii dambe la tiray, waxaa ku xusneyd EMB 314 Super Tucano, eeku dhacday diyaarad kale.

Waxaa sidoo kale la qiyaasi karaa in haddii tirada 585 askar ee ku baxsatay 22 diyaaradood iyo 24 helikobtar ay sax tahay, waxaa qasab ah inay jireen diyaarado rakaab ah.

Ma aha markii ugu horreysay taariikhda ee duuliyeyaal militari ay gawaaridooda geeyaan dal kale. Sanadkii 1991, dhowr diyaarado dagaal ayaa loo duuliyay dalka deriska la ah ee Iiraan.

Iiraan ayaa heysatay diyaaradahaas, qaarkoodna ilaa iyo haatan way shaqeeyaan.

Ilya Kramnik wuxuu sidoo kale aaminsna yahay in Uzbekistan aysan diyaaradaha u celin doonin Taliban, balse si shaac ah uma sameyn doonaan, ee dalalka Galbeedka iyo Ruushka ayay kala kaashan doonaan qalabka diyaaradaha.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here