Taliska booliska oo shaaca ka qaaday dad loo qabtay dilka wiilkii iyo gabadhii yaraa ee walaalaha ahaa

Cabdimuni iyo aamina Sheekh Aweys Cabdulahi

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray laba caruur ah oo aacadihii la soo dhaafay meydkooda laga helay xaafad ka tirsan magalaada Baydhaba ee gobolka Bay.

“07th-Apr-2021, ayaa Ciidanka Boliiska Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, lagu soo wargeliyay in la waayay 2 caruur ah oo deganaa Xaafada Cadaada ee Magaalada Baydhabo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Caruurta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray, Cabdimuni Sheekh Aweys Cabdulahi iyo Aamina Sheekh Aweys Cabdullahi waxayna kala ahaayeen 7-jir iyo 9-sano jir.

Qoraalkan ayaa lagu sheeciyey in meydadka caruurta oo gowracan la soo dhigay xaafada Suuqa-Xoolaha ee magaalada Baydhaba.

“Warbixinta oo la soo gaarsiiyay Boliiska ayaa sababtay in la galiyo diiwaanka, baafinta Boliiska iyo idaacadaha Magaalada Baydhabo. Saaka 08th-Apr-2021, ayaa markale Boliisku ka warheleen in meydka caruurta oo gowracan la soo dhigay Xaafada Suuqa-Xoolaha ee Magaalada Baydhaba,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ayaa sidoo kale qoraalkan ku shaaciyey inay socoto baaris qoto-dheer oo ay wadaan ciidanka Boliisku, iyadoo dad lagu tuhmay loosoo xiray arrintaan.

“Walow ay baaristu weli socoto. Cidii ay ku cadaatana Garsoorka awooda u leh lawaafajin doono. Waxaan uga tacsiyeeyneynaa, Xildhibaan hore Aweys Sheekh Cabdulahi falkaas foosha xun iyo geerida ku timid caruurtiisa, waxaana ilaahay uga rajeynaynaa inuu qalbiga u qaboojiyo, Samir iyo iiman ka siiyo, baddal qeyr qabana siiyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here