Taliyaha Ciidamada Booliska Somalia Xijaar oo kulamo ka wada Dhuusamareeb

xijaar taliyaha booliiska

 Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug waxaa ka dhacay kulan looga hadlay ammaanka Magaaladaas, waxaana shir guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Saraakiisha Booliiska DG Galmudug, Taliyaasha Saldhigga Dhuusamareeb iyo waaxyaha magaaladaas ayaa laga xog dhageystay xaaladda ammaanka & qorshaha lagu sugayo oo ay ku howlan yihiin Ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa saraakiisha faray in ay laba-laabaan howsha lagu xaqiijinayo ammaanka oo muhiim u ah xasiloonida deegaannada maamulkaas, maadaama dalka ay kusoo wajahan yahay doorashada 20/21.

Cabdi Xasan Maxamed Xijaar Taliyaha Booliiska Soomaaliya ayaa Dhuusamareeb ka bilaabay socdaal uu ugu kuurgalayo xasiloonida Xarumaha loo asteeyay in lagu qabto doorashada kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu qorshuhu yahay in uu tago xarumaha maamul Goboleedyada ay ku shaqeeyaan si saraakiisha ammaanka qaabilsan uu kala hadlo heerka sugidda amniga & haddii ay jiraan caqabado ay u baahan yihiin in laga garabsiiyo.

Dowladda Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah & taliska Booliiska AMISOM ayaa iska kaashanaya xaqiijinta ammaanka goobaha la dhigayo sanaadiiqda doorashada Baarlamaanka, Meelaha lagu xareynayo Ergooyinka Beelaha iyo musharixiinta xildoonka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here