Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka waramay weerarkii Xabsiga Dhexe iyo sida loo qorsheeyey

Taliyaha asluubta mahad Craxmaan

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faahfaahin aan dhameystirneyn ka bixiyey weerarkii galabta ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kaas oo lasoo afjaray fiidkii hore ee caawa.

Taliye Mahad waxa uu sheegay in weerarka ay fulyeen qaar ka mid ah maxaabiixtii ku xirneyd xabsiga, kuwaas oo askari ka marooqsaday qorigiisa, kadibna toogtay.

Sidoo kale qori labaad ayuu sheegay in uu gacanta u galay kooxdaas, kadib markii ay toogasho ku dileen askarigii lahaa oo saarnaa meel kore oo waardiye uu ka hayey.

Taliyaha Asluubtu haba yaraatee sooma bandhigin khasaarihii labada dhinac ee ka dhashay weerarkaas, sidoo kale waxa uu ka gaabsaday inay jiraan maxaabiis ka baxsatay xabsiga, intii uu iska hor imaadku socday.

Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in afar ka mid ah kooxdii weerarka fulisay la toogtay, halka ugu yaraan laba kalena dhawac lagu qabtay, waxayna maxaabiista weerarkan fulisay ku xirnaayeen qeybta xabsi daa’inka ee xabsiga dhexe.

Sidoo kale waxaa la sheegay in uu baxsaday nin ka mid ah ragii ka dagaalamayey gudaha xabsiga, kaas oo qof shacab ah banaanka ku sii dilay, isla markaana ku baxsaday mooto uu si xoog ah ku kaxeystay.

Xabsiga Dhexe ee Muqdisho waxaa ku xiran maxaabiis xukunno kala duwan ay  ku dhaceen, kuwaas oo qaarkood loo heysto Al-Shabaab-nimo, laguna kala xukumay dil toogasho ah, xabsi daa’in iyo xarig sanado badan qaadanaya.

Marar badan oo hore waxay quburo dhanka ammaanka ah ka digeen in khataro badan ay ka imaan karaan hadii hal goob lagu wada xiro dadka xukunnada madaniga ay ku dhaceen iyo kuwa u xiran falalka argagixisanimo.

https://www.facebook.com/watch/?v=866746840523431

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here