TALIYAHA CUSUB EE CIIDANKA MADAXTOOYADA PUNTLAND OO XILKA LA WAREEGAY IYO KU XIGEENKIISI OO LAGA REEBAY

xil wareejin ciidanka madaxtooyada puntland

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed, ayaa maanta Sabtiya xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Ciidanka  Madaxtooyada G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.

Munaasibadda xilwareejinta, oo ka dhacday Rugta Ciidamada Madaxtooyada, waxaa ka qeybgalay Taliye ku-xigeenka Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland Sareeye Guuto Axmed Cali Salaad, Ku-simaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacade, Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Cabdisalaam Xasan Ducaale, Agaasimaha Maamulka Madaxtooyada Cabdiqaadir Geedi iyo saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada.

Balse, waxaa dib loo dhigay xil-wareejinta Taliye ku xigeenka Cusub ee Ciidanka Madaxtooyada G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali, oo xilka kala wareegi lahaa G/sare Cabdiqani Maxamed Xarbi, kadib Khilaaf ba’an oo ka dhex aloosmay Madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, kaas oo salka ku haya Magacaabista Taliye ku xigeenka cusub ee Madaxtooyada.

Mudane Axmed Karaash, ayaa dikreeto uu soo saaray ku sheegay in Magacaabista Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Madaxtooyada aan midkoodna lagala tashan, isagoo ku amray Taliye ku xigeenkii Hore ee Madaxtooyada in uusan wareejin xilkaasi, balse shaqadiisa sii wato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here