Taliye ciidan oo mar kale afgembi kula wareegay xukunka dalkiisa

Assimi Goita m xigeenka Mali

Millateriga dalka Mali ayaa shaaciyay in meesha laga saray xilalkii ay hayeen madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Bah Ndaw iyo ra’iisal wasaaraha dallkaasi Moctar Ouane.

Labada hogaamiye ayaa lagu hayay saldhig millateri oo ku yaalla duleedka magaalada Bamako tan iyo markii la xiray Isniintii.

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta, madaxweyne ku xiigeenka dowladda ku meel gaarka ah ayaa madaxdaasi ku eedeeyay inay ku fashilmeen hogaaminta isla markaana ay doonayaan inay carqaladeeyaan dowladnimada.

Ururka dalalka galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS, ayaa canbaareeyay xarigga hogaamiyaashaasi, waxayna sheegeen in ay wefdi u diri doonaan dalkaasi.

Xarigga mas’uuliyiinta ayaa yimid saacado kaddib markii isku shaandheyn lagu sameeyay dowladda.

Lataliyaha sare ee madaxweyne ku xiigeenka dalkaasi ee Baba Cise oo ka hadlay telefiishanka qaranka ayaa sheegay in doorashada ay qabsoomi doonto sanadka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here