TALIYE FARXAAN QAROOLE OO LAGU DILAY QARAX MIINO OO LALA BEEGSADAY

Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Basra oo lagu magacaabo Laba-buundaale oo ah barta ugu dambeysa ee ciidan marka laga baxo degmada Balcad oo loo socdo dhinaca beeraha.

Farxaan Qaroole ayaa watay gawaari nooca xabadda aysan karin ah, balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku istaagay.

Miinada ayaa qaraxday xilli ay ciidamada iyo saraakiisha wadaan howlgal miino baaris ah oo laga sameenayey inta u dhaxeyso deegaanada Balcad iyo Basro.

Farxaan Qaroole ayaa dhiiraagalin ugu tagay ciidamada goobtaas ku sugan ee qeybta ka ah howlgalka Al-Shabaab looga saaray Basra. Waxa uu ka mid ahaa taliyayaashii hoggaaminayay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda agagaarka Basra.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar kale oo katirsan ciidamada dowladda.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin geerida taliyihii qeybta booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole oo ahaa nin dhallinyaro ah oo shaqo badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyadda qaraxa lagu dilay Farxaan Qaroole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here