Taliye Odowaa oo war ka soo saaray qaraxii is-miidaamintii ahaa ee ka dhacay Muqdisho

gen odawaa amisom1

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaan Yuusuf Raage ayaa war kasoo saaray qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada General Dhaga Badan oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Odowaa ayaa marka hore faah faahiyey khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo uu fuliyey ruuxu isku soo xiray walxaha, wuxuuna xaqiijiyey inay ku dhinteen illaa 10 ka mid ah dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidanka Xoogga, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.

Taliyaha ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bar-koontarool oo laga galo xerada, xilli ay dhalinyarada sugeysay baaritaan, si ay galayaan gudaha, wuxuuna tilmaamay inuu soo dhex-galay ruuxa is-qarxiyey oo watay jaakadda qaraxyada.

“Allaha u naxariisto waxaa dhintay 10 kamid dhallinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka waxaana dhaawac soo gaaray 20 kale kuwaa oo ku sugnaa banaanka koontarool-ka laga galo xerada Ciidanka ee General Dhaga badan, dhallinyarada ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta uusan dhex galin qof naftii halige ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale dhalinyarada qaarkood ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, iyada oo la geeyey goobaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here