Tigray: 3 maalmood ayaan lugeeynayay si aan wiilkayga isbitaal ugu helo

Solomon Teferi iyo wiilkiisa tigrey

Nolosha dadka ku nool gobolka Itoobiya ee dhagaxa iyo buuraleyda ah ee Tigreega ayaa waxaa ka jirta kala daadsanaan baahsan madaama ay la tacaalayaan macaluul ba’an iyagoo ku dhex nool aagag dagaal.

Ciidamada dowladda oo ay baritaarayaan kuwa dalka deriska la ah Ereteriya, ayaa ku lug leh dagaalka ay kula jiraan xsibiga mucaaradka ee hadda laga saaray gobolka, ee loo yaqaan ‘TPLF’, tan iyo bishii Nofeembar.

Weriyaha BBC-da Kalkidan Yibeltal ayaa booqday gobolka oo ay adagtahay in la galo.

Magaalada caasimada u ah Tigray, Mekelle, waxay u muuqataa mid xasilloon.

Ganacsiyo iyo xafiisyo badan ayaa furan. Marka la barbar dhigo bilihii hore waxaa jira dhaqdhaqaaq badan oo dadka caadiga ah iyo muuqaal yar oo askarta ah. Laakiin muuqaalka caadiga ahi ma ahan mid ka turjumaya xaqiiqada.

Isbitaalka weyn ee Mekelle, Ayder, waxaa buux dhaafiyay bukaanno ka yimid tuulooyinka iyo magaalooyinka ay colaaduhu halakeeyeen.

Buukanada waxaa ka mid ah Getish Solomon oo 13 jir ah, oo la daalaa dhacaya xanuun dhanka wadnaha ah kaas oo ay xaaladdiisu ka sii dartay tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay in ka badan sideed bilood ka hor.

Isaga oo la nool waalidkiis iyo shan walaalihiis ah oo ku nool magaalada Hagere Selam, Getish waxaa lagu qasbay inuu u safro qiyaastii 50 kiilo mitir si uu Mekelle uga helo daaweyn maxaa yeelay xaruntooda caafimaad ee deegaanka ayaa waxyeello ka soo gaadhay dagaalka.https://bbc.com/ws/av-embeds/cps/somali/war-57507974/p09lntnm/soQoraalka Muuqaalka,

Getish Solomon oo 13 jir ah, oo ah la daalaa dhacaya xanuun dhanka wadnaha ah kaas oo ay xaaladdiisu ka sii dartay tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay in ka badan sideed bilood ka hor.

“Waxaan haysanay isbitaalo iyo xarumo caafimaad iyo dhaqaalo wanaagsan. Hadii aan wax u baahanahay, waan ku dag dagi jirnay,” aabaha Solomon Teferi, ayaa sidaasi sheegay.

Maaddaama Getish uu u baahan yahay daaweyn joogto ah, safarka lagu geeyo goob caafimaad mar walba ma sahlana.

“Mararka qaar wadooyinku way xiran yihiin sidaa darteed waa inaan lugeyno saddex maalmood. Taasina aad bey inoo saameysay,” ayuu raaciyay Mr Solomon.

Xarun caafimaad oo xero militari is ubadashay

Waxaan booqday Xarunta Caafimaadka Aleasa oo ku taalla tuulo u dhow Hagere Selam. Xaruntan caafimaad ayaanan shaqeyneyn iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in askartu ay u adeegsadeen xeradooda.

Hadda shaqaalaha gargaarka ayaa saldhig ku leh halkaas, iyadoo boqolaal qof – oo u badan haween iyo carruur – ay isugu soo uruureen si raashin ay u soo qaataan.

Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxay ka tageen guryahoodii markay colaaduhu kacsanaayeen, waxayna ku dhuumanayeen buuraha ku dhow. Qiyaastii 1.7 milyan oo qof ayaa ku barakacay gobolka Tigray tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay.

Dadka deegaanka iyo shaqaalaha samafalka labaduba waxay sheegeen inay jirto cunno yari ba’an – gargaarka loo qaybinayana uusan marnaba ku filnayn.

Toddobaadkii hore, madaxa arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock wuxuu sheegay in ay macaluul ka jirto Tigray – hadalkaas ayuu ku celiyey intii lagu guda jiray kalfadhigii ay albaabada u xirnaayeen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee horaantii todobaadkan.

Nuqul ka mid ah xogtiisa oo la soo dusiyay ayuu Mr Lowcock ku yiri: “Shaqaale gargaar ayaa la diley, su’aalo la weydiiyey, la garaacay, waxaa laga hor istaagey in gargaar loo geeyo dadka gaajada iyo silica wajahaya, waxaana loo sheegey in aysan soo laaban.

“Maamulka Tigray ayaa soo sheegay in dad u dhinteen macluul.”

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay inay jirto macluul. Waxay sheegaysaa in kala dambayntii lagu soo celiyey gobolka oo dhan isla markaana la ballaariyey gaarsiinta arrimaha bani’aadamnimada.

Wadaadada ladilay

Iskahorimaadku uma aabe yeelin goobaha hidaha iyo diinta, kuwaas oo muddo dheer loo arkaayey inay yihiin kuwo ammaan u ah dadka dhibaataysan.

Waxaan booqday Kaniisadda Orthodox Christian ee ku taal tuulada buurta sare ee Fredashu ee bariga Tigray.

Wadaadkii maamulayay kaniisadda Abrha, oo 32 jir ahaa ayaa la toogtay subaxnimadii ciidda kirismaska.

Mr Tekelehaimanot wuxuu sheegay inuu joojiyay inuu aado kaniisada maadaama xanuun badan ku dareemay.

Dukumiinti laga helay xafiiska kaniisadda Orthodox ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 100 mas’uuliyiin diimeed iyo fannaaniin la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday.

Magaalada Adigrat, oo u dhow xadka ay la wadaagto Eritrea, ayaa la duqeeyay xaruntii Kaniisadda Katooliga, taasoo oo sababtay in maktabadda iskuulka iyo gurigii aaska uu burbur soo gaaro.

“Toddobadii bilood ee la soo dhaafay xaalad adag ayaan ku jirnay oo meel kasta waxaa buux dhaafiyay xoogag hubeysan oo ka socda dhinac walba,” ayuu yiri Abune Tesefaselassie,

Burburka soo gaaray dhismayaasha mar dhow ayaa dib loo dhisi karaa balse burburka soo soo gaaray maskaxda iyo qalbiga bini’aadamka, aad ayay u adagtahay in dib loo dhiso.”

XIG: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here