Tirada dadka u dhintay iyo kuwa uu haleelay COVID-19 ee Soomaaliya oo kordhay

Coronavirus2

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay kordheen tirada dadka ugu geeriyoonaya iyo kuwa uu cudurka COVID-109 kusoo ridanayo gudaha dalka Soomaaliya.

Guddiga qaran ee ka hor-tagga COVID-19 ee Soomaaliya, ayaa qoraal ay galabta soo saraeen ku xaqiijiyay in laba qof oo kamid ah dadkii laga helay cudurka COVID-19 ay geeriyoodeen, islamarkaana 62 qof oo kale oo hor leh uu cudurka soo ritay, 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Dadkan cusub ee cudurka laga helay ayaa 44 kamid ah lab yihiinna, halka 18 qofood oo ka mid ah bukaannada cusub ay yihiin haween ah.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur, oo xubin ka ah guddiga kahor tagga COVID-19 ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen laba qof oo kale, taas oo 10 qof ka dhigeysa tirada guud ee ka caafimaaday cudurkaan.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa noqotay 390 qof, halka halkan guud ahaan bukaanada dalka ugu dhintay cudurka ay yihiin 18.

Soomaaliya ayaa hadda dalka labaad ee ugu kiisaska badan cudurka ee dalalka Bariga Afrika, marka laga yimaado dalka Jabuuti.

Dowladda, ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka COVID-19, si loo yareeyo faafitaanka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here