Tirada iyo magacyada Soomaalida ku geeriyootay Ethiopian Airlines oo la shaaciyey

ethiopianairlines muqdisho

Waxaa sii kordhaya tiradda dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Shilkii diyaaradda  Ethiopian Airlines ee maanta ka dhacay dalka Itoobiya.

Qaar ka mid ah Eheladda dadkii Soomaalida ahaa ee diyaaradda Saarnaa ayaa xaqiijiyay Geeridda shan qof oo Soomaali ah, kuwaasoo heystay Baasabooradda dalalka Canada iyo Mareykanka.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Haweenay Soomaali ah iyo wiil ay dhashay oo lagu kala Magacaabo Sahra Xasan Saciid iyo wiilkeedii Nasruddin Cabdulqaadir, Cabdishakuur Shahaad oo ka mid ahaa Shaqaallaha Xafiiska ra’iisul Wasaaraha iyo nin Magaciisa lagu soo koobay Cabdi Diinle oo Soomaali ah.

Waxaa jira sidoo kale Gabadh Soomaali ah oo deganeyd dalka Kenya, taasoo aan wali la shaacin Magaceeda.

Cabdishakuur Maxamed Shahaad ayaa ka tirsanaa Hab Maamuuska Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur.

Diyaaradda oo ah Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Cabdishakuur ayaa ka imaaday Sweden, wuxuuna Transit ku ahaa dalka Itoobiya oo uu doonayey inuu kaga sii gudbo Magaalada Nairobi oo ay ku wajahneyd diyaaradda Burburtay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Liiska Wadamada dadkii Dhintay

32 Kenyans

18 Canadians

9 Ethiopians

8 Italians

8 Chinese

8 Americans

7 British

7 France

6 Egyptians

5 Holland

4 Indians

4 Slovakia.

3 Austrians

3 Swedes

3 Russians

2 Moroccans

2 Spain

2 Poland

2 Israel

1 Belgium

1 Indonesia

1 Somalia

1 Norway

1 Serbia

1 Togo

1 Mozambique

1 Rwanda

1 Sudan

1 Uganda

1 Yemen

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.