Tirada Xisbiyada Siyaasadeed ee la diiwaan geliyay oo gaaray 63 Xisbi

xisbiyo diiwangelin

Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran ayaa maanta diiwaan geliyay illaa Xisbi oo cusub, kuwaasoo la guddoonsiiyay shahaadada KMG ee Xisbiyada Siyaasadeed.

Xisbiyada maanta la siiyay shahaadada diiwaan gelinta ee KMG ah ayaa kala ah Xisbiga Qaran, Xisbiga Horu-socodka Shaqaalaha, Xisbiga Dhaq dhaqaaqa, Xisbiga Saanuu, Xisbiga Midnimada iyo Xisbiga Hoggaan Qaran.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa sheegaya in diiwaan gelinta Xisbiyada ay muujineyso sida dalka uga hana-qaadayo nidaamka xisbiyada badan, inkastoo ay calaamad su’aal dul saaran tahay Xisbiyada qaar oo ay ka tirsan tihiin qof iyo labo, taasna aanay ka mid aheyn shuruudihii laga rabay Xisbiyada

Tirada Xisbiyada siyaasadeed ee sida KMG ah u diiwana gishan ayaa hada gaaraya illaa 63 Xisbi, taasoo ka dhigan in Xisbiyada ay tirada ka bateen, taasoo aan la ogeyn sida lagu kala yareyn doono, marka la gaaro doorashada, inkastoo weli aanay jirin Xisbi buuxiyay shuruudaha looga baahnaa, ee ah inuu diiwaan geliyo illaa 10,000 oo xubnood iyo inuu xafiisyo ka furto Gobolada.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan kulan kula leh Xarunta Madaxtooyada qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda, iyadoo kulanka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka sanadka 2020 ee la qorsheynayo in doorasho qof iyo cod ka dhacdo dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here