Tiro dad ah oo ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday gobolka Canfarta

ethiopia map

Tiro dad ah ayaa ku dhintay weerar culus oo lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.

Dhakhtar ku sugan goobta la weeraray ayaa BBC u sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.

Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka, inkasta oo TPLF aysan ka hadlin eedeymahan loo jeediyay.

Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.

Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here