TRUMP IYO CARRUURTIISA OO DACWAD LAGU SOO OOGAYO

trump

Donald Trump iyo saddex carruur ah oo uu dhalay ayaa waxay wajahayaan dacwad wax is daba marin ah kaddib baaritaan ka dhacay magaalada New York oo lagu sameeyay shirkadda qoyskooda – Ururka Trump.

Waxay dacwaddu sheegeysaa inay ka been sheegeen qiimaha guri ay leeyihiin si ay u helaan deymo ayna u bixiyaan canshuur yar.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Ururka Trump uu ku kacay falal badan oo wax is daba marin ah intii u dhaxeysay 2011 iyo 2021.

Mr Trump ayaa beeniyay eedeyntaas wuxuuna ku tilmaamay “arrin kale oo loo soo maleegay”.

Labo xubin oo sare oo Ururka Trump ka tirsan, laguna kala magacaabo Allen Weisselberg iyo Jeffrey McConney, ayaa ka mid ah kuwa dacwadda lagu soo oogay iyo sidoo kale madaxweynihii hore iyo carruurtiisa waaweyn, Donald Jr, Ivanka iyo Eric Trump.

Dacwaddan ayaa waxaa soo gudbisay Xeer Ilaaliyaha Guud ee New York Letitia James, oo ah qareenka ugu sarreeya ee gobolkaas, kaddib saddex sano oo ay baaritaan sameyneysay.

Xafiiskeeda awood uma laha inuu soo gudbiyo eedeymo dembi, balse waxay u sii gudbisay dacwad-oogayaasha federaalka iyo Waaxda Maaliyadda Gudaha.

“Isagoo caawinaad ka helaya carruurtiisa iyo xubnaha sare ee Ururka Trump, Donald Trump wuxuu si been abuur ah u kordhiyay dakhligiisa oo uu ku daray balaayiin doollar si uu si aan caddaalad ahayn isaga dhigo taajir una khiyaamo hannaanka,” ayey tiri Ms James.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here