TRUMP OO QIRTAY IN KOONTO UU KU LEEYAHAY BANGIYO KU YAALA SHIINAHA

trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qirtay in uu koonto ku leeyahay Bankiyo ku yaala dalka Shiinaha, sida uu baahiyay wargayska New York Times.

Koontada Trump waxaa maamulaya waaxda Hotelada caalamiga ah ee Trump, waxaana uu bixiyay canshuur 2013 ilaa 2015 sida ku cad warbixinta wargayska.

 Trump ayaa si weyn uga soo hor jeeda ganacsiga la la xiriiriyo Shiinaha arrintaas oo abuurtay dagaal ganacsi oo u dhexeeya labada dhinac tan iyo intii uu xafiiska yimid.

New York Times ayaa arrintan ku ogaatay markii ay heleen diiwaanka canshuur bixinta Trump taas oo ka kooban midda ganacsigiisa iyo shakhsi ahaantiisa.

Wargeyska ayaa horay u baahiyay canshuur bixinta Trump oo gaaraysa 750 dollar intii u dhexeysay 2016 ilaa 2017, isagoo Bankiga Shiinaha oo uu koontada ku leeyahay laga bixiyay 188,561 dollar oo canshuur ah oo la siiyay Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here