Trump oo si rasmi ah u qoray amarka ciidanka Mareykanka looga saarayo Soomaaliya

trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa lagu wadaa inuu amro in kumanaan ciidamada Mareykanka ah laga soo saaro dalalka Soomaaliya, Iraq iyo Afghanistan, sida uu weriyey wargeyska New York Times.

Amarkan oo qabyo qoraal ah oo Isniintii la dhex-wareejinayey xarunta waaxda gaashanadhigga Mareykanka ee Pentagon-ka, ayaa ilaa bar dhimaya ciidamada Mareykanka ee Afghanistan oo gaaraya 4,500.

Sidoo kale ciidamada Mareykanka ee Iraq ayaa lagu soo koobi doonaa in ka yar 3,000, halka dhammaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya oo gaaraya 700 lasoo saari doono.

Qorshaha ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya ayaan saameyn ku yeelan doonin ciidamada Mareykanka ee jooga dalalka Jabuuti iyo Kenya, kuwaas oo badankood fuliya howl-gallada diyaaradaha drone-ka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya.

Ku sii-haynta ciidamadaas ee Jabuuti iyo Kenya ayaa sii wadi karta awoodda ay Mareykanka u leeyihiin inay fuliyaan duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo arko inay halis ku yihiin danaha Mareykanka.

Inta badan ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ah ciidamada howlgallada gaarka ah, waxayna kala joogaan dhowr saldhig oo kala duwan oo ku yaalla dalka.

Howlgalkooda waxaa ka mid ah inay tababaraan ciidamada Soomaaliya, islamarkaana siiyaan talooyin la xiriira ka hor-tagga argagixisanimada.

Qorshaha Trump ayaa ah in dhammaan ciidamadan lasoo saaro ugu dambeyn 15-ka Janaayo, shan maalmood ka hor inta uusan xafiiska ka tegin.

Ma cadda in sidoo kale lasoo saari doono shaqaalaha kale ee Mareykanka sida wakiilada CIA-da, safiirka iyo diblomaasiyiinta kale ee degan xarunta Xalane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here