Trump: Ramadaan gudaheeda waxaan haysannaa fursad aan kaga fekerno nimcooyinka Alle na siiyay

donald trump11

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa farriin uu xalay soo saaray muslimiinta dunida ku hambalyeeyay, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo maanta koow ah.

Farriintan oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee aqalka cad, ayaa Trump si cajiib ah uga hadlay fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan.

 Waxaan salaam diirran u dirayaa dhammaan muslimiinta u dabbaal-degaya bisha Ramadaan” ayaa Trump ku bilaabay farriintiisa.

Mr Trump ayaa sheegay in Ramadaan tahay, markii Qur’aanka kariimka ah lagu soo dejiyay nebi Muxamed SCW, oo qoysaska iyo bulshooyinka muslimka ah ay ku maamusaan  Qur’aan akhris, khushuuc iyo salad.

Ramadaanta, muslimiintu waxay soomaan laga bilaabo waaberka  ilaa makhribka iyagoo Qur’aanka akhriya, shaqooyin wanaagsan qabta, dadka kalena u samafala, waxaana ay arrimahaasi u samaynayan, si ay u gaaraan safarka noloshooda ee ku jihaysan in ay naxariista Alle helaan” ayuu yiri Trump.

Bishan gudaheeda, dhammaanteen waxaan haysannaa fursad aan kaga fekerno nimcooyinka Alle na siiyay, waa in aan si wadajir ah uga shaqeynaa saaxiibnimada iyo  kalgacaylka dhexdeenna ah, waxaan xaqiijin karnaa bulsho ku nool isku duubni iyo ixtiraam” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyntii, wuxuu farriintiisa ku geba-gabeeyay in isaga iyo xaaskiisa Melania, ay khayr badan u rajaynayaan muslimiinta dunida ee ay u bilatay Ramadaan.

Halkan ka akhriso qoraalka:

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.