Turkey oo duqeyn ku dilay 2200 askari oo ka mid ah ciidamada dowladda Syria

madaxweyne erdogan

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa daabacday in dowladda Turkiga ay duqeyn ku burbirsay saldhigyo ciidamada Syria ay ku lahaayeen magaalada Idlib ee dalkaas.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay duqeyntaas ku burburisay sideed diyaaradood oo Helicopter, hal diyaarad oo kuwa duuliye la’aanta ah, iyo 100 Taangi oo ay lahaayeen ciidamada dalka Syria.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay inay duqeyntaas ku dileen 2,200 ka mid ah ciidamada dowladda madaxweyne Bashar Al-Assas, oo ku sugnaa saldhigga weerarka lagu qaaday.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ujeedka laga lahaa howlgalkaas uu yahay is difaacid ka dhan ah askarta taliska Asad ee weerarka kusoo qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada Turkiga.

Duqeynta ay Turkiga la beegsatay saldhigga ay ku sugnaayeen ciidamada Syria ayaa kusoo aadayo xilli maalmo ka hor ay ciidamada Syria dileen 34 ka tirsan ciidanka dalka Turkiga.

Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa horey ugu hanjabay inay jawaab Militari ka bixin doonaan weerarkii askarta looga dilay.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada Turkiga ay ka shaqaynayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen dadka rayidka ah ee maxalliga ah iyada oo qayb ka ah heshiiskii Sept. 2018 ay la galeen Ruushka, kaas oo mamnuucaya falalka gardarada ah ee aagga dib-u-celinta ee laga sameeyay agagaarka Idlib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here