Turkey, Qatar iyo Malaysia oo dhisaya isbahaysi Islami ah oo Sacuudigu ku jirin

Tamim bin Hamad Al Thani mahathir erdogan

Dowladaha Qadar iyo Turkiga ayaa balaadhin ku sameeyay isbaheysigoodii wada shaqeyneed ee dhanka Dhaqaalaha, Millateriga iyo farsamada Technologyada casriga ah.

Isbaheysiga labada dal kuma hakan keligood, balse waxay kusoo dareen dalalka Malaysia, Pakistan iyo Indonesia, kuwaasi oo si wada jira uga shaqeyn doona sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalalka Islaamka.

Isbaheysigan cusub ee ka kooban shanta dal ee islaamiga ah, ayaa waxay isku af-garteen in shirweyne Islaamiya la qabto bisha soo socota ee December ee sanadkan 2019-ka.

Waxaana isbaheysigan iyo shirweynahaasiba ka horeeyay, qorshe cusub oo ay hore u qaaday Dowlada Qadar, iyadoo la kaashanaysay Turkiga iyo Malaysia, kaasi oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dhisi lahaa 3-xarumood oo caalami ah oo dhanka dhaqaalaha ah.

Saddexdaasi xarumood ee ay qaybta ka yihiin Doha, Istanbul iyo Kuala Lumpur, ayaa waxa loo hirgelinayey sidii ay u dabooli lahaayeen dhamaan lacagaha maaliyadeed ee Islaamka ee wadamada adduunka.

Mahathir Mohamad, Raysul wasaaraha Malaysia ayaa isagu shaaciyay in waddankiisu marti-gelin doono shirweynahaasi islaamiga ah ee shanta dal, isla markaana ay yeelan doonaan kulankooda ugu horreeyay 19-ka bisha December.

Wuxuuna ka dhawaajiyey in shirkaasi diirada lagu saari doono todobo arrimood oo muhiim ah, oo kala ah: horumarinta dhaqaalaha, difaaca iyo dhowrista madax-bannaanida, qiyamka dhaqanka, xorriyadda iyo caddaaladda, iyo weliba la socodka tiknoolajiyadda casriga ah.

Shirkan ayaa qabsoomi doona isagoo uu ka maqanyahay Sacuudigu, kaasi oo uu hore u dhaleeceyay Mahathir Mohamad, isagoona sheegay xiligaasi ‘in waddankiisu uu ka niyad jabay dowladda Sacuudi Carabiya’.Dunida Islaamka ayaa inta badan waxa la sheega inay leeyihiin awood iyo ilo badan oo dhaqaale, oo dhanka kheyraadka ah, gaar ahaan dalka Turkiga oo isagu dhanka farsamada, difaaca iyo warshadaha militariga aad ugu sareeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here