Turkiga iyo Ruushka ma cadow ayay yihiin mise saaxiibbo?

erdogan iyo putin

Xiriirka ka dhexeeya dalalka Turkiga iyo Ruushka cidna kama qarsoona. Waxaa la rumeysan yahay inuu jiro xiriir wanaagsan oo u dhexeeya labada dal, balse haddii aad si taxaddar leh u fiiriso, xiriirka ayaa ka muuqda amba inta badan laga arkaa dhinacyada ganacsiga iyo dalxiiska. Hase yeeshee xaqiiqadu waxay tahay in Turkiga iyo Ruushka ay tartan adag galiyaan qaybo kala duwan.

Markii Turkigu ku dhawaaqay inuu Ruushka ka iibsanayo nidaamka difaaca gantaalaha ee S-400, dalalka NATO, oo uu ku jiro Mareykanka, waxay ka codsadeen Turkiga in aanu tallaabadaas qaadin oo uu joojiyo hubka uu ka soo iibsanayo Ruushka.

Xitaa Mareykanka ayaa xoogaa xayiraad ah ku soo rogay warshadaha difaaca ee Turkiga, balse Turkigu wuxuu caddeeyay inaysan jirin cid ka hor istaagi karta inuu sidaas sameyo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalna uusan ku amri karin inuusan iibsan gantaallada S-400.

Arrintaas ayaa iftiimisay in xiriirka Turkiga iyo Ruushka uu yahay mid xooggan siina jiri doona muddo. Waxaa kale oo go’aanka Turkigu muujinayay inay sax tahay oo xiriirka ganacsi ee labadooda uu yahay mid qoto dheer.

Ruushka ayaa u dhoofiyay ku dhawaad kala bar gaaskiisa si uu u isticmaalo Turkigu tan iyo sannadkan. Sanadkii la soo dhaafay, saddex meelood meel kaliya oo ah gaaska ayaa laga soo iibiyay Ruushka.

Dhinaca kale, ka hor inta uusan bilaaban cudurka faafa ee Covid-19 sanadkii 2019-kii , 7 milyan oo dalxiisayaal Ruush ah ayaa tagay Turkiga, kuwaas oo ahaa tiradii ugu badneyd dad ka soo jeeda Ruushka oo taga Turkiga.

Isla xilligaas Ruushku wuxuu koonfurta Turkiga ka dhisayay warshad nukliyeer ah, taasoo shaqayn doonta ilaa sanadka 2023. Toddobaadkan mar uu Madaxweynaha Turkiga Erdogan booqday Ruushka, wuxuu ammaanay iskaashiga Ruushka ee dalxiiska.

Dhinacyada aaney saaxiibka ku ahayn

In kasta oo uu jiro iskaashi ganacsi oo aad u ballaaran oo labada dal ay waddaagaan ,haddana meelo badan waxaa ka jira jahawareer u dhexeeya xiriirka labada dal taasina waa dhinaca dagaalkii dalka Suuriya.Suuriya ,markii Ruushka uu taageerayay xukuumadda Bashar al-Assad, Turkigu wuxuu taageerayay dagaalyahannada fallaagada ah.

Turkigu wuxuu aaminsanyahay in ururka PKK, uu yahay argagixiso wuxuuna rumaysan yahay in YPG ee ka dagaallama Suuriya uu yahay laan ka farcantahay PKK. Dhawaan, Madaxweynaha Turkiga Erdogan markuu booqday Ruushka wuxuu la kulmay Madaxweyne Vladimir Putin.

Markii uu ka soo laabtay socdaalkiisii uu ku tagay Ruushka , Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu uu ku adkeysanaayo go’aan kasta oo Ruushku ka gaaro Suuriya oo aysan su’aal ka taagneyn in dib loogu laabto.

Marka laga hadlayo weeraradii dhawaan ka dhacay Suuriya , Erdogan wuxuu sheegay in heshiis lala galay Ruushka si gobolka looga tirtiro kooxda argagixisada ee YPG/PKK, kaas oo la fulin doono.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in intii uu booqashada ku joogay Ruushka in si dhab ah la iskula soo qaaday arrinta joogitaanka kooxda YPG/PKK wuxuuna xusuusiyay Putin inay tahay inuu iskaashi xooggan kala yeesho la dagaalanka argagixisada.

Maxaa kale oo uu sheegay Erdogan?

Turkigu wuxuu rumaysan yahay in ugu yaraan 40,000 oo qof, oo ay ku jiraan haween, carruur iyo dhalinyaro ay dhinteen intii uu socday weerarka 35-ka sano ee PKK. Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa ururkan ku daray liiska ururada argagixisada.Mareykanka ayaa sidoo kale ahaa dhinac saddexaad dagaalka Suuriya, kaasoo mar taageeray dagaalyahannada mucaaradka, oo ay ku jiraan PKK.

Markii uu ka soo laabtay socdaalka uu ku tagay Ruushka, Erdogan wuxuu sheegay inuu magaalada Rome kula kulmi doono Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Erdogan ayaa sheegay in Brett McGurk, oo ah isku-duwaha Aqalka Cad ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, uu yahay “agaasimaha PKK/YPG/PYD”.Erdogan ayaa sheegay in ay tahay in Mareykanku uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxo Suuriya kuna wareejiyo dadka dalka iska leh.

Meelaha kala ee Turkigu iyo Ruushku ku kala aragti duwanyihiin

Liibiya, Turkigu wuxuu faragelin ku sameeyay Tripoli si uu u caawiyo dowladda caalamku aqoonsan yahay, laakiin waxaa weeraray ciidamadii Khaliifa Haftar.

Khuburo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in kooxda Ruushka ee Wagner ay dirtay dagaalyahanno si ay u caawiyaan Haftar, halka Turkigu u diray dagaalyahanno Suuriyan ah si ay u caawiyaan xukuumadda Tripoli.

Labada dhinac ayaa gaaray heshiis xabbad -joojin bishii Oktoobar ee sannadkii hore, laakiin dagaalyahannada ajnabiga ah ayaa ahaa inay ka baxaan Liibiya marka la gaaro Janaayo. Illaa hadda labaduba way iska indho tireen taariikhdan u dambaysa.

Marka taa laga soo tago, Turkigu wuxuu si cad ula saftay Azerbaijan dagaalkii Azerbaijan iyo Armenia. Sanadkii la soo dhaafay, Ruushku wuxuu la jiray dhinaca Armenia intii lagu jiray dagaalkii lagu qabsaday gobolka Nagorno-Karabakh ee Buuraha Koonfurta .Ruushku wuxuu Armenia kula jiraa heshiis ah inuu u ilaalin doono.

Marka laga reebo tan, Turkigu xitaa ma aqoonsana qabsashada Ruushka ee Crimea. Turkiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo madaxbanaanida Ukraine.Ruushku aad buu uga carooday hadalkan Turkiga, laakiin wuu iska indha tiray, Erdoan ayaa mar kale ku celiyay bishii la soo dhaafay hadalkaas.Bishii Abriil, Erdogan ayaa sidoo kale sheegay inuu Ukraine ka caawin doono ka hortagga ciidamada Ruushka ee xadka ku sugan, halka Ruushku uga digay Turkiga qaadista tallaabo keeni karta dhaqdhaqaaqyo ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here