TURKIGA OO DUQEEYEY MEEL U DHOW SALDHIG MAREYKANKA EE SUURIYA

drone bayraktar

Duqeymaha cirka ee Turkiga oo qeyb ka ah duullaan cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdiyiinta Suuriya ayaa ka dhacay meel ku dhow ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Suuriya.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo ay hoos yimaadaan ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah oo ku sugan Suuriya, una xilsaaran ka hortagga kooxda la baxday dowladda Islaamka, ayaa markii ugu horreysay qiratay weerarkan Talaadadii, iyagoo sheegay in xilligaas aysan ku sugneyn saldhigga.

Laakiin sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka ayaa  sheegay goor dambe oo Arbacadii in ciidamada Mareykanka ay ku dhow yihiin meel 300 mitir u jirta saldhigga, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Hasakah.

Ilo ku dhow hoggaanka ciidamada SDF ee uu Maraykanku taageero ee Suuriya, ayaa VOA u sheegay in saldhiggan uu ka mid yahay dhismo weyn, isla markaana ciidamada Maraykanku ay ku jireen dhismo kale oo aan ka tirsanayn saldhigga laftiisa.

Saraakiisha ciidamada Maraykanka ayaa ka warwareegay in ay bixiyaan tafaasiil dheeri ah, balse waxay u muuqdeen inay garwaaqsan yihiin halista dhacdada bayaan ay soo saareen gelinkii dambe ee Arbacadii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here