Turkiga oo Imaaraadka Carabta ku bahdilaya dagaalka ka socda Libya

erdogan Khalifa b Zayed A Nahyan

Dagaal dhanka afka ah ayaa Khamiistii ka dhex billowday Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kadib markii Abu Dhabi ay sheegtay in Ankara ay dhibaato ka waddo dalal Carbeed oo ay ku jirta Libya, halka Ankara ay ku eedeysay Abu Dhabi inay taageerto kooxo argagixiso oo ay ka mid tahay Al-Shabaab.

Dagaalka dhanka afka ah ee labada dal ayaa yimid xilli Imaaraadka Carabta iyo Jeneraalka ay taageeraan ee fallaagada ah ee Khalifa Xaftar guul-darrooyin culus ay ku wajahayaan dagaalka Libya.

Ciidamada dowladda fadhigeedu yahay Tripoli ee loo yaqaan GNA ayaa maalmihii dhowaa dhulal badan ka qabsaday kooxda Xaftar ee la baxay LNA.

Ayada oo Turkey ay ku caawinayaan diyaarado drone ah oo hubeysan, dagaal-yahanno Syrian ah, iyo hub casri ah, ayaa ciidamada dowladda waxay kooxda Xaftar ka qabsadeen saddex magaalo oo ku teedsan xuduudda, waxayna kusii siqayaan saldhigga howl-gallada kooxdaas ee Tarhouna, oo 65km koonfur bari kaga aadan magaalada Tripoli.

Guul laga soo hooyo Tarhouna ayaa soo geba-gebeyn karta dagaalka sokeeye ee Libya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Guulaha is-daba joogga ah ee ciidamada dowladda ay ka gaareen fallaagada Xaftar ayaa mowjado argagax leh u diray Abu Dhabi, oo diyaarado Drone ah laga soo iibiyey Shiinaha iyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah ku taageeray Xaftar, si loo rido dowladda.

Xaftar ayaa dhowaan sheegtay inuu yahay madaxweynaha Libya, kadibna ku dhowaaqay xabad-joojin Ramadanka soconeysa, taasi oo dadka siyaasadda fallanqeeya ay ku qeexeen isku day uu doonayo inuu dib isugu soo abaabulo.

Bayaanka Khamiistii kasoo baxay Imaaraadka ayaa lagu macneeyey mid ka tarjumaya carrada Imaaraadka Carabta ay ka qaadeen xaaladda Libya, oo ay u babac dhigi waayeen awoodda Militari ee Turkiga ku taageeray dowladda, ayada oo ballaayin dollar oo ay ku bixiyeen Xaftar kadib ku guuleysan waayeen inay dowladda ridaan.

Xiisadda Turkey iyo Abu Dhabi ayaa aad u sarreysay tan iyo afgambigii 2016-ka fashilmay ee Turkey.

Inkasta oo labada dowladooda ay kala taageereen dhinacyo badan oo isku haya dalal badan oo Bariga Dhexe, oo ay ruxeen kacdoonadii Carabta, Ankara waxay hadda rumeysan tahay in Abu Dhabi ay isku dayeyso in afgambi kale ka fuliso Turkey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here