Turkiga oo si rasmi ah ugu eedeeyey Imaaraaadka in ay taageeraan Al-Shabaab

Hami Aksoy

Turkiga ayaa ugu baaqay dowladda Imaaraadka Carabta inay joojiso siyaasaddeeda cadaawadda ay ku dheehan tahay ee ku wajahan Ankara, islamarkaana ay aqoonsato mas’uuliyadeeda.

“Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta iyo xiriirka caalamiga ah, waa laba wajiilenimo siyaasadeed oo uu muujiyey dal taageero siiya kooxo afgambi raadinaya,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda dibedda Turkey Hami Aksoy.

Waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Imaaraadka ee ah in Ankara ay faro-gelin ku hayso siyaasadda Carabta uu yahay mid aan sal lahayn, wuxuuna sheegay in Turkey ay sii wadi doonto inay dalalka kale ku taageerto si sharciyad iyo xal siyaasadeed leh.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Turkey Hami Aksoy ayaa sidoo kale ku eedeeyey Imaaraadka Carabta inay taageeraan kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya, sidoo kalena ay xasilooni darro ka waddo dalal kale.

“Ma ahan wax qarsoon in Imaaraadka Carabta ay muddo taageerayeen ururo argagixiso, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab, iyo kooxda gooni u goosadka Yemen,” ayuu yiri.

Waa markii ugu horreysay ee dowladda Turkiga ay si rasmi ah oo shaacsan ugu eedeyso Imaaraadka inay taageeraan kooxda Al-Shabaab.

Xiisadda Turkey iyo Imaaraadka ayaa dhowaanahan sare uga sii kaceysay dalka Libya, halkaasi oo Ankara ay tagaeerto dowladda la aqoonsan yahay ee dalkaas, Imaaraadkuna ay taageeraan Jeneralka fallaagad ah ee Khalif Haftar, ee doonaya inuu rido dowladda.

“Muddo sanado ah, waxay Imaaraadka hub, qalab militari, iyo taageero calooshood u shaqeystayaal siinayeen kuwa afgambiga qorsheynaya ee Libya,” ayuu yiri Aksoy.

Ankara ayaa marar badan ugu baaqday quwadaha caalamka inay joojiyaan taageerada maleeshiyada Haftar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here