Turkiga oo Soomaaliya u tababaraya cutub wata tababarka caalamka ugu sareeya

danab kumandoos

Sawlada Turkiga ayaa ku dhowaaqday inay Soomaaliya u tababarayso cutub ciidan ah si gaar ah loo tababayo, lana siinayo tababarka caalamka ugu sareeya.

150 askari oo iminka tababarku u socdo ayaa waxaa la siinayaa mid la mid ah tababarka ay qabaan komaandoosta lagu dhaarto ee wadanka Turkiga, waxaana loo isticmaali doona xaaladaha adag.

Ciidamadani waa kuwo loo carbinayo inay waxyeelo xoogan gaarsiiyaan cadowga ay markaas is hayaan, sida ay cadeysay Wasaarada difaaca dalka Turkiga.

Tababarka nooca gaar ah ayaa yimid xili ay dawlada Maraykanka oo gacanta ku haysay tababarka iyo howlgalada ciidamada Danab ay sheegtay inay Soomaaliya ka baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here