Tuugo barta Instagram ka raacdo dadka caanka ah si ay u dhacaan hantidooda

tuug

Koox tuugo ah oo ka hawlgasho magaalada Milaano ayaa la ogaaday in dadka caanka ah iyo kuwa dhaqaale ahaan ladan ay ka soo raacaan barta Instagram, si ay ugu dhacaan guryahooda oo ay u bililiqeystaan hantidooda.

Tuugadani ayaa daalacda sawirrada dadka caanka ah si ay u helaan meelaha ay deggan yihiin iyo xilliyada ay bannaanka u soo baxaan.

Muuqaallo ay baahiyeen saraakiisha dalkaasi Talyaaniga ayaa muujinaya tuugadaasi oo fuulaya dabaqyo dhaadheer.

Dhibbanayaasha kooxdani waxaa ka mid ah gabadha caanka ah ee Diletta Leotta iyo ciyaaryahan kubadda cagta ee Achraf Hakimi.

Mid ka mid ah kooxdaasi tuugada ahi ayaa la soo qabtay bishii Jannaayo, halka saddex kalena la soo qabtay Arbacadii dhaweyd, kuwaa oo mid ka mid ah uu ahaa wiil 17-sano jir ah oo dhawaan la soo taagi doono maxkamad.

Dhacii ugu horreyay ayaa dhacay 6-dii Juun ee sanadkii hore, xilligaasi oo tuugadaasi ay u dhaceen guriga Leotta, isla markaana ay ka qaateen alaabo qiimahoodu lagu qiyaasay 160,000 oo doolar.

Alaabtaasi ay tuugadani dhacday waxaa ka mid ah dahab, boorsooyinka garabka iyo dhawr saacadood oo ah nooca Rolex.

Lix bilood kaddib, isla xeeladdii ay ku dhaceen Leotta ayay adeegsadeen, si ay ugu dhacaan guriga gabar kale oo caan ah oo lagu magacaabo Eleonora Incardona.

Tuugadani ayaa khibrad dheeri ah u leh in ay dibadda ka soo fuulaan dabaqayda dhaadheer ee ku yaal magaalada Milaano.

Sida ay baahisay warbaahinta Talyaaniga, guriga Eleonora Incardona ayaa waxa ay tuugadani ka dhaceen sagaal shandadood, laba suun, shan fasaleeti, laba xabbo oo dhega-dhega ah, silsilad, jijin, boorasada jeebka, shandad iyo lacag dhan 1,212 oo doolar.

Guud ahaan hantidaasi ay gurigaasi ka dhaceen ayaa lagu qiyaasay tobanaan kun oo Yuuro.

Booliisku waxay rumeysan yihiin in kooxdani ay muddo dheer darsaan sawirrada ay soo geliyaan Instagram-ka shakhsiyaadka caanka ahi, si ay u ogaadaan nooca ay hiyiin daaqadaha guryaha shakhsiyaadkani, arrintaa oo u fududeynayso qorshahooda ah in ay guryahaasi u dhacaan.

Muuqaallo ay bishii Diseembar duubeen kaamerooyinka qarsoodiga ahi ee CCTV-da loo yaqaan ayaa muujinaya mid ka mid ah tuugadani oo fuulaya gidaarka dhismo dabaq ah, halka mid kale uu hoos u taagnaa oo uu ilaalo ka hayay.

Francesca Crupi oo ka tirsan xafiiska xeer-ilaalinta Talyaaniga ayaa sheegay in sidoo kale laba nin oo kale ay gudaha ku sugayeen ninkaasi dabaqa fuulayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here