UGU SAWIRTA Wasiir Koore ee Taleex oo xiisad colaadeed ka buuraysa Puntland iyo Somaliland

0
saleebaan koore taleex5

Xilli Somaliland iyo Puntland ay u baahan yihiin deganaansho colaada Goboladda ay ku muransan yihiin ee SSC, ayaa hadana waxaa muuqata in qaar ka mida Wasiiradda Xukuumadda Somaliland ay degaamadaas ka bilaabeen barnaamijka lagu naaneyso IGU SAWIR, kaas oo ah dacaayad kalsooni daro salka ku haysa oo masuulku isugu muujinayo wax aanu ahayn iyo Guulwadeyn xadka dhaaftay.

Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shalay degaamo ka tirsan degmadda Taleex ka sameeyey UGU SAWIRO, taas oo ay wararka Garoowe naga soo gaarayaa ay sheegayaan in Maamulka Puntland uu bilaabay shirar uu kaga arinsanayo ficilkii uu kaga jawaabi lahaa, iyadoo laga yaabo inay ka abuuranto xasarad colaadeed iyo furin dagaal oo hor leh.

Dagaal iyo colaad kasta oo Puntland iyo Somaliland dhexmarta waxaa khasaaraha ugu weyni ku dhacayaa Somaliland oo ku doodaysa inay tahay dal badaxbanaan oo xuduudii Ingiriiska sheeganaya, waxaana u fiican inay xoogeeda iyo murankeeda la sugto Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Barnaamijka UGU SAWIR waxaa Wasiir Koore ku weheliyey Xildhibaan Hanad Xaashi oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa, wuxuuna ka mid yahay dhalinyaradda ay Madaxweyne Muuse isku degaanka ka soo jeedaan ee sheegta inay Madaxtooyadda Somaliland ku dhow yihiin, waxaana degaamadda SSC looga naaneysaa WASIIRKA MUSTACMARAADKA.

Wasiir Koore iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku kala aragti duwanaa Xil ka qaadistii Gudoomiyihii hore ee Puntland Dhoobadaareed, iyadoo Wasiir Koore uu eeda saaray Maamulka Puntland, halka Madaxweyne Muusena uu ku tilmaamay xasilooni daro ay Dawladda Federaalku ka wado Maamulka Puntland. Dad badan ayaa wasiir Koore ku xamanaya inuusan jeclayn xasiloonida Somaliland iyo Puntland, balse uu doorbidayo xasarada iyo saxaafad isaga jawaabka.

DAAWO SAWIRRADDA IGU SAWIR:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here