UK oo ergey gaar ah usoo magacowday Somaliland

ukflag

Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay gaar ah oo Arrimaha Somaliland lagala xaajoon doono.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri Barwaaqo ayaa shaaciyay in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay cusub, kaasi oo ka dhigan in loo aqoonsaday dowlad madaxbanaan.

Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa intaasi ku daray in safiirka UK ee Somaliland uu fadhigiisu ahaan doono magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, taasi oo shaki badan dhalin karta.

Wasiirka wuxuu sheegay in ergaygaasi uu Somaliland wakiil kaga noqon doonaa wasaarada arrimaha dibadda Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka.

“Runtii waxaan la kulmay uqaabilsanaha Wasaaradda arrimaha dibada UK ee Somaliland, oo fadhigiisu noqon doono Addis Ababa, dhawaanna la wareegi doono xafiiska, wax badan ayaan kala hadalnay, baahida ay dadka Somaliland qabaan”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Marka laga yimaado hadalka wasiirka Warfaafinta Somaliland Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Ingiriiska oo ay kaga hadleyso warka kasoo yeeray maamulka Somaliland.

Arrintaani ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhawaan xoghayaha difaaca Britain uu booqasho aan hori loo sii shaacin ku tagay Somaliland, balse isagu qudhiisa kama uusan hadal arrintaani.

Dowladda Ingiriiska ayaa kamid noqotay dowladaha daneynaya inay saldhig ciidan ka sameystaan dalalka Bariga Africa, gaar ahaan gobolka Awdal ee maamulka Somaliland.

1 COMMENT

  1. WAA KAA INGIRIISKU RABO INUU AQOONSADO SOMALILAND.
    WAXAANA SABAB U AH CAQLI IYO AQOON XUMIDA DAD-XUNKA UU HOGGAAMIYO FARMAAJO.
    INTA AY ROOBOOW XIREEN, LAFTA GAREEN SANKA KA GELIYEEN REER BAYDHABA, 15 RUUX RASAAS KU DILEEN, BAY HADDANA ERYEEN WAKIILKII XOGHAYAHA GUUD EE SOOMAALIYA OO AH Nicholas Haysom oo keliya codsaday in warbixin laga siiyo dadkii lagu laayay Baydhaba iyo xarigga daba dheeraaday aan sharciga aheyn ee Roobow.
    OO hadddiiba aan lala hadli karin autistic Farmaajo iyo damiiniinta ku hareereysan, Sow istaahilkooda noqon meyso in
    dawlad-ku-sheegga aan dhaafin Villa Somalia dab lagu shido?
    Ingiriisku sidaas buu u fekerayaa.
    Natiijada ay soo jiideen laba-miirre Farmaajo iyo qamarjiyaasha ku hareereysan waxay u egtahay mid horseedi karta in dalka
    la kala jaro oo Somaliland la aqoonsado.

    Khasaarahaas waxaa masuul ka noqon doona oo lagula xisaabtami doonaa, laguna maxkamadeyn doonaa, Farmaajo iyo qashinka uu wato

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.