UK oo sheegtay in ay hub u diri doonto Ukraine

ukflag

Xoghayaha gaashaandhigga ee waddanka Britain, Ben Wallace, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in UK ay tiro aan badneyd oo ah hubka laga rido gantaallada ridada dheer iyo rasaasba u diri doonto Ukraine.

Mr Wallace ayaa sheegay in hubkaasi uu Ukraine ka caawin doono inay iska caabbiso gardarrada Ruushka.

Go’aan midkaasi oo kale ah ayaa waxaa qaadatay dowladda Mareykanka, Hasayeeshee madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inuu ballaarin doono weerrarka ay ciidammadiisa ka wadaan gudaha waddanka Ukraine haddii dalalka reer Galbeedku ay Kyiv u soo diraan hubka ridada dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here