URUR SIYAASADEEDKA REJO OO MAANTA DOORTAY GUDOONKII URURKA

cabdillaahi dahab gudoomiye rajo

Urur Siyaasadeedka REJO oo maanta galay maalintii labaad ee shirwynaha 1aad ee ururka, ayaa waxaa goobta ka soo xaadiray Ergooyin tiro badan oo ka kala socday Gobolada Somaliland, aasaaseyaal iyo taageerayaal, kuwaas 1000 kor u dhaafayey.

Ergooyinka Ururka ayaa shir gudoonka Ururka u xushay xubno waayo-aragnimo siyaasadeed oo fog leh, kuwaas oo ururka hagi doono.

Siyaasiga Cabdillaahi Axmed Maxamed (Dahab), ayaa loo doortay gudoomiyaha Ururka, halka Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (XAAJI SANWEYNE), oo ah maayorkii ugu horeeyey ee Somaliland ee Laascaanood ayaa loo doortay Gudoomiye ku xigeen.

Sidoo kale waxaa la doortay Gudoomiye ku xigeeno kale.

Urur Siyaasadeedka REJO ayaa siyaasiyiinta iyo shacabka Somaliland ay si gaar ah isha ugu hayaan.

DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here