Ururka Midowga Yurub oo lacag fara badan ugu deeqay Soomaaliya iyo wadamo kale

eu flag

Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in dalal ay ku jirto Soomaaliya uu ugu deeqayo lacag badan, si ay ula dagaalamaan Covid19.

War ka soo baxay ururka ayaa lagu sheegay in wadamada dhaca Geeska Afrika oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay uu siinayo dhaqaalle dhan  € 105.5 milyan oo dheeri ah.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay in lacagtaasi wax looga qaban doono xaaladaha bani’aadanimo ee gobolka, gaar ahaan la-tacaalida cudurka Coronavirus.

“Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu gacan ka geysto wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalalka Geeska Afrika, Gargaarka Midowga Yurub wuxuu taageeri doonaa bulshada dhibaateysan, wuxuuna xoojin doonaa tillaabooyin looga hortagayo faafitaanka coronavirus” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Midowga Yurub.

Warsaxaafadeedkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyey sida wadamadaasi loogu qeybinaayo lacagta, waxaana Jabuuti ay heleysaa adduun lacageed dhan (€500,000 oo Yuuro), Ethiopia (€42 million oo Yuuro), Kenya (€15 million oo Yuuro) iyo Soomaaliya oo ah dalka labaad ee dhaqaalaha ugu badan gaarayo waxaana qayb ahaan kusoo aaday (€48 million oo Yuuro).

Soomaaliya oo haatan fara ba’an ku haya Covid-19 ayaa waxaa u sii dheer fatahaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka, kuwaas oo saameeyey nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here