Villa Somalia oo jawaab ka bixisay eedeynta loo jeediyey shirka Farmaajo iclaamiyey

Villa Somalia2

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeynta la xariirta in shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada lagu xalag-daacinayo shirarka iyo wadahadallada u socda midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Afhayeenka Villa Somalia Cabdirashiid Xaashi oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in u jeedkoodu uusan aheyn carqaladeyn shir kale, balse arrimahani ay yihiin kuwo iskaabaya oo labada shirba ay muhiim u yihiin howlaga socda.

“Hadii madaxda maamul goboleedyadu ay yimaadaan Muqdisho uma maleynayo in taasi ay caqabad ku noqoneyso wadahadallada xukuumaddu ay la furtay mucaaradka inay sii socdaan, waxaana is leeyahay waa fursad lagu wada wajihi karo hanaanka doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu awood booxda u leeyahay in cid kasta uu kala fariisto tabashada ay qabto, isla markaana aysan jirin cid carqaladeyn karta shirarka uu hoggaaminayo.

Mar wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan madaxweynaha hadii shirkan uu baaqdo sidii kuwii hore, waxuu ku jawaabay in marnaba uusan madaxweyne Farmaajo ka daaleyn dadaalka uu ugu jiro in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida uu sheegay.

“Mar hadii la xaliyey waxyaabihii lagu kala duwanaa oo madaxweynuhu tanaasul xoog leh sameeyey, si loo qanciyo walaalaha kale, waxaan aad ugu raja weynahay in shirka 4-ta bishan ay ka soo qeyb geli doonaan madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here