Vladimir Putin iyo suntii cadawga loo qooshi jiray

vladimir putin

Hay’adda sirdoonka Ruushka waxaa lagu magacaabaa FSB, mana ahan magac ay dadka inta badan garanayaan, balse waa hay’ad meelo badan oo adduunka ka mid ah ka hawlgashay, gacanteedana ay gaartay, waliba marar badan si arxan daro ah.

Asal ahaan waxa ay kasoo jeedaa laantii sirdoonka booliiska Midoowgii Soviet ee loo aqooni jiray KGB, waxaana jira sheegashooyin ah dilal ay dowladda go’aamisay iyo xiriir dhow oo ay FSB la leedahay madaxweyne Putin.

Maxay qabataa FSB ?

Waxaa la asaasay sanadkii 1995-tii, ujeedkuna ahaa ka hortagista qataro badan oo loo arkayay in ay soo foodsaareen Ruushka, waxaana xiligaas madax ka ahaa Vladamir Putin oo hadda ah madaxweynaha Ruushka.

Iyada oo kaashanaysa booliiska dalal kale oo adduunka ka mid ah, FSB waxa ay la dagaalantay kooxo argagixiso ah iyo kuwa dambiileyaal ah.

Lacago badan ayaa lagu bixiyay la dagaalanka kooxaha gooni isu taaga Jejnina (Chechnya) sanadihii 1990-meeyadii iyo 2000.

Waxaa kale oo ay hay’adan ka hawlgashay dalalka Georgia iyo Ukrain oo ay ka dhaceen kacdoono ka dhan ah Ruushka.

Sanadkii 2015-kii FSB waxa ay ku lug lahayd hawlo sirdoon ah oo ay ka fulisay dalka Estonia oo xubin ka ah gaashaanbuurta NATO.

Markii la qabtay nin sirdoonka Ruushka ah, Estonia waxa ay Ruushka ku eedeysay in ay afduubatay sargaal lagu magacaabo Eston Kohver si ay ugu badalato ninkii laga xiray.

Bartilmaameedsiga Cadawga

Sanadkii 2002-dii, dilkii qaarijinta ahaa ee loo geystay taliyihii kooxaha jihaadka Jejniya ayaa waxaa loo saariyay FSB. Waxaa la sheegay in loo keenay warqad lagu soo laray nooc sunta ka mid ah oo qofka marka uu sanka ka qaato uu durba dhimanayo.

Balse dilkii loo geystay ninkii Ruushka u dhashay ee Alexander Litvinenko ayuu ahaa waxa shaaca ka rogay falalka hay’adan FSB.

Wuxuu ahaa nin ku nool London, islamarkaasna kasoo horjeeda madaxweyne Putin, balse waxaa lagu diley sunta loo yaqaano Polonium-21- sanadkii 2006-dii.

Baaritaan ay dowladda UK ku samaysay dilkiisa ayaa waxaa lagu ogaaday in ay u badantahay in uu amarka bixiyay Putin iyo madaxa sirdoonka Ruushka Nokolai Patrushev.

Ruushka ayaa diiday eedeyntaasi, iyada oo qofkii looga shakiyay in uu dilka gacan weyn ka geystay Andrei Lugovoi ka dhigtay xildhibaan leh xasaanad aanan lagu xiri karin marka uu adduunka safar ku marayo.

Litvinenko ayaa FSB ku eedeeyay in ay hawlgalisay koox qaarijinta ka shaqaysa oo lagu magacaabo URPO.

Waxaa sidoo kale sanadkii 2013-kii dhintay nin lagu magacaabo Boris Bereszovsky, kaas oo balse dilkiisa loo ekeysiiyay in uu ahaa shil dhacay.

Maalmo ka hor dilkii Litvinenko, baarlamaanka Ruushka ayaa waxa uu meelmariyay sharci FSB u ogolaanaya in ay cadawga ku ugaarsato dalka dibediisa.

Dad kale oo Putin aad uga soo horjeeday oo ay wariyeyaal ka midyihiin ayaa ku dhintay sifooyin aanan la shaki miiran ah, waxaana la sheegaa in FSB ay inta badan ka dambeysay dilalkaas.

Sirdoonka dibedda

Shaqooyinka ay qabato hay’adan waxaa kale oo ka mid ah uruurinta siraha iyo xogaha dalalka kale, waxayna adduunyada u dirtaa basaasiin tiro badan.

Waxyaabaha kale ee ay qabato waxaa ka mid ah in la badalo fikirka laga qabo Ruushka, iyada oo isticmaasha baraha bulshada, iyo sidoo kale in la jabsado internetka.

Tusaale hay’adaha sirdoonka Maraykanka waxa ay sheegeen in ay aaminsanyihiin in Ruushka ay u dhaceen habka kumbuyuutaraadka doorashadii Maraykanka, farogalina ku sameeyeen natiijada.

Waxyaabaha arrimaha sii murjinaya ayaa ah in tan iyo markii uu Putun madaxweyne noqday sanadkii 2000, in saraakiil aad u badan oo sirdoonka kala tirsanaa ay galeen qeybaha kala duwan ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here