Waa kuma hoggaamiyaha Xamaas ee la dagaallamaya Israa’iil?

Yaxya Sinwar Xamaas Qaza

Hoggaamiyaha caanka ah ee kooxda Falstiniyiinta ee Xamaas, Yaxya Sinwar, waxuu xilal sare ka soo qabtay garabka militariga iyo midka siyaasadda ee Xamaas, wuxuuna hadda madax ka yahay xarrunta ururka ee Qaza.

Yaxya Sinwar, wuxuu ku dhashay xerada qaxootiga ee Khan Yoonis ee ku taalla Qaza, sannadii 1962.

Waxaa la xiray oo afar jeer lagu xukumay xabsi daa’im sannadii 1988, ka dib markii lagu helay dambi ah in uu aasaasay ururka Al-Jihaad wa Dacwah, oo ah qeybta Xamaas u qaabilsan amniga Gudaha.

Xilligii la aasaasayay laantan waxaa socday kacdoonkii koobaad ee Falatiniyiinta uga soo horjeedeen Israa’iil.

Waxaa xabsiga laga sii daayay sannadii 2011-kii xilligaasi oo ay Israa’iil maxaabiis Falastiniyiin ah ku baddelatay askarigii ka tirsanaa militarigeeda ee la odhan jiray Gilad Shalit.

Labo sano ka dib markii la sii daayay, waxaa loo xushay in uu xubin ka noqdo xafiiska uruuka Xamaas. Sannadii 2015, Mareykanka ayaa ku daray diiwaanka argagixisada caalamiga ah.

Sannadii 2017, ayaa loo doortay in uu noqdo madaxa Xamaas ee Qaza.

Walaalkiis ka yar oo lagu magacaabo Maxamed Sinwaar, oo ku magac dheer yahay Abu-Ibrhaim, ayaa taliye ka ahaa guutada Al-Qasam ee Xamaas. Maxamed ayaa la sheegay in uu ka qayb qaatay dagaalkii sannadkii 2006 lagu afduubtay Gilad Shalit.

Maxamed ayaa ka badbaadday dilal dhowr ah oo qorsheysan oo ay militariga Israa’iil soo abaabuleen, sida ay lagu daabacay shabakadda fadhigeedu yahay Qaza ee Qudsnet, bishii July 2015.

Wuxuu haystaa Shahaadada koobaad ee Jaamacadda, wuxuuna ku taqasusay luqadda Carabiga.

Xog dheeraad ah

  • 1987 – Wuxuu aasaasay ururka Al-Jihaad wa Dacwah – “Majd” – oo ah garabka militariga Xamaas, xilligii uu jiray kacdoonkii koobaad.
  • 1988 – Waa la xiray waxaana afar goor lagu xukumay xabsi daa’in
  • 2011, 18 October – Wuxuu ka mid ahaa 1,027 oo qof oo Falastiiniyiin ah oo Xabsiyada Israa’iil laga siidaayay. Waxaa lagu bedeshay Askerigii Gilad Shalit ee Israa’iil.
  • 2013 April – Wuxuu xubin ka noqday garabka siyaasadda ee Xamaas
  • 2015, 12 July – Waxaa la soo weriyay in masuul looga dhigay maamulka maxaabiista israa’iil ee gacanta ugu jira garabka Al-Qasam, sida lagu daabacay shabakadda Qudsnet
  • 2015, 8 September – Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa ku dartay diiwaanka Argagixisada Caalamiga ah.
  • 2017, 13 February – Waxaa loo doortay madaxa Xafiiska Siyaasadda Xamaas ee Marinka Qaza.
  • 2017, 5 September – Wuxuu la kulmay madaxa hay’adda Bisha Cas, Peter Maurer. Wuxuu u diiday in hay’adda ay la kulanto maxaabiista laga qabsaday Israa’iil. Wuxuuna kala hadlay xadgudubyada Israa’iil ee Qaza iyo go’doominta lagu hayo tan iyo 2007.
  • 2020, 2 April – Wuxuu israa’iil uga digay in haddii qalabka neefta ee Coronavirus aan loo dirin dhanka xeebta ee Qaza, in xamaas ay xoog ku soo qaadan doonto agabkaas.
  • 2021, 10 March – Waxaa markale loo doortay hoggaamiyaha Garabka siyaasadda Xamaas ee Qaza.

Maxaad ka taqaanaa Xamaasta dagaalka culus kula jirta Israa’iil?

Xamaas waa ururka ugu weyn ee jabhadaha u dagaallama Falastiiniyiinta. Ururka oo la asaasay 1987 ayaa magaciisa waxa laga soo gaabiyay Xarakatul Muqaawamah Al-Islaamiyaha. Waxaa Xamaas ka go’an in ay burburiso Israa’iil.

Markii hore waxaa laga lahaa laba ujeedo oo kala ah: Iska caabin hubaysan oo uu fuliyo garabkiisa milateri Izzedine al-Qassam Brigades, iyo horumarinta bulshada.

Hase yeeshee kadib markii ay Israa’iil ka soo baxday Gaza sanadkii 2005, Xamaas ayaa qeyb ka noqotay hannaanka siyaasadda Falastiiniyiinta. Waxa uu ururka ku guulaystay doorashadii baarlamaanka ee 2006, sanad kadibna waxa uu la wareegay gacan ku haysta Gaza kadib markii uu ka eryay dhaq-dhaqaaqa Fatax.

Tan iyo markaas, ururka Xamaas ayaa saddex dagaal la galay Israa’iil. Xukuumadda Tel Aviv iyo dowladda Masar ayaa go’doomiyay marinka Gaza si ay ururka Xamaas ugu cadaadiyaan inuu joojiyo weerarrada.

Ururka Xamaas, gaar ahaan garabkiisa milateri ayaa waxaa argagixiso u aqoonsan Israa’iil, Maraykanka, UK, Midowga Yurub iyo dalal kale.

Cunaqabateyn

Guushii doorashada kadib, Israa’iil iyo saaxiibadeed Galbeedka ayaa xukuumaddii Xamaas la beegsaday cunaqabateyn dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed.

Kadib markii Fatax laga saaray Gaza sanadkii 2007, Israa’iil ayaa waxa ay xoojisay go’doominta dhulkaas, waxaana sii socday gantaallada Falastiiniyiinta iyo duqeymaha Israa’iil.

Israa’iil ayaa mas’uuliyadda dhammaan weerarrada uga yimaada Gaza dusha ka saarta Xamaas, waxaana halkaa ku dhexmaray saddex duulaan oo waaweyn.

Bishii December 2008, milateriga Israa’iil ayaa billaabay hawgal uu ugu magacdaray Operation Cast Lead, si uu u joojiyo gantaallada looga soo gano Gaza, In ka badan 1,300 Falastiiniyiin ah iyo 13 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhintay dagaal socday 22 maalmood.

Israa’iil ayaa mar kale bishii November 2012 waxa ay duulaan la magac baxay Operation Pillar of Defence waxa ay ku qaaday Gaza. Dagaalka ayaa ka bilowday duqeyn ay Israa’iil ku dishay Axmed Jabari oo ahaa abaanduulaha Qassam Brigades. Ku dhawaad 170 Falastiiniyiin u badan rayid iyo lix Israa’iiliyiin ah ayaa ku naf waayay colaadda oo socotay 8 maalmood.

Xamaas ayaa awood ahaan lagu wiiqay labada dagaal, balse waxaa sii xoogeystay taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta oo u arkayay in ururka uu dagaal la galay Israa’iil, isla markaana badbaaday.

Bishii July 2014, labada dhinac ayaa dagaal kale oo xooggan isaga hor yimid. Dagaalka oo socday 50 maalmood ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 2,251 Falastiiniyiin ah oo 1,462 ay rayid yihiin. Israa’iil waxaa laga dilay 67 askari iyo 6 qof oo rayid ah.

Tan iyo 2014, waxaa marar badan sare u kacday xiisadda labada dhinac, balse waxaa guulaystay dhowr xabbad joojin oo ay dhexdhexaadintooda lahaayeen Masar, Qatar iyo Qaramada Midoobay.

Inkastoo ay weli go’doonsan tahay Gaza, ururka Xamaas ayaa sii xajistay maamulka marinkaas, waxaana uu tayeeyay hubkiisa gantaallada ah. Isku-day uu kula heshiis lahaa Fatax ayaa guuldaraystay.

Xaaladda bani’aadannimo ee shacabka labada milyan ah ee ku nool Gaza ayaa ka sii daraysa. Waxa ay dadkaas wajahaan gabaabsi dhanka biyaha, dawada iyo korontada ah.

Waa sidee Awoodda iyo hubka Xamaas? – Jonathan Marcus oo ah falanqeeye ku xeel dheer arrimaha dibadda

Inkastoo qasaare isugu jira dhimasho, burbur iyo dhibaato ay kasoo gaartay labada dhinacba cadaawadda sii xoogeysaneysa ee u dhaxeysa ururrada Falastiinuyiinta ee ku sugan Qasa iyo militariga Israa’iil, haddana farqiga awoodeed ee labada dhinac ayaa ah mid aad u weyn.

Israa’iil ayaa si xad dhaaf ah uga awood badan Falastiiniyiinta, waxaana ciidamadeeda cirka, diyaaradaheeda uusan duuliyaha saarneyn iyo hannaankooda sirdoonka ay sahlayaan in ay fuliyaan duqeymo badan oo ka dhan ah Qasa.

Waxay Israa’iil ku adkeysaneysaa in weerarrada ay qaaddo ay yihiin kuwo xakameysan oo lala beegsado meelo lagu tuhmo in loo isticmaalo dano ciidan. Laakiin saameynta gaareysa dad weynaha iyo sida ay Xamaas iyo kooxaha kaleba ugu hoos gabbadaan dhsimeyaasha dadka rayidka ah ku jiraan ayaa sababeysa in ay suurtagal noqon weyso in laga hortago khasaaaraha gaaraya shacabka.

Xamaas iyo Islamic Jihad – inkastoo ay yihiin kuwo ka awood yar Israa’iil – haddana waxay heystaan hub ku filan inay ku weeraraan Israa’iil. Durbaba waxay isku tayeen isticmaalka xeelado kala duwan.

Qalabka difaaca Israa’iil wuxuu dhulka soo dhigay drone – ay suuragal tahay inay hubeysneyd – taasoo isku dayeysay in ay Qasa uga tallowdo dhinaca Israa’iil.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil-na wuxuu sheegay in “garab ka tirsan Xamaas” ay isku dayeen inay u dusaan Israa’iil iyagoo sii maraya dhuumo dhulka hoostooda ah iyagoo ka baxaya dhinaca koonfureed ee marinka Qasa.

Militariga Israa’iil ayay u muuqatay in ay heysteen digniino lasii gaarsiiyay oo ku saabsan arrintan, sida uu sheegay afhayeenka, waxaana u suurtagashay in ay “dhuumahaas xiraan”.

Laakiin hubka kaas aad uga awoodda badan ugana saameynta badan ee ay Falastiiniyiintu heystaan waa madaafiicda goobaha dagaalka loo adeegsado oo noocyo kala duwan leh. Waxaa kuwaas laga tuuri karaa dhulka iyadoo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha ciidamada ee isla dhulka.

Qaar ka mid ah gantaalladaas iyo kuwo kale (oo lagu riday qalabka lidka taangiyada oo la adeegsaday maalmihii lasoo dhaafay), ayaa la aaminsan yahay in Falastiiniyiinta loo gudbiyay iyadoo loo sii marinayo dhuumo dhulka hoostiisa ah oo ku hoos yaalla gacanka Siinaay ee dalka Masar.

Hase yeeshee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa gudaha Qasa ku sameysta hubka iyagoo ku farsameeya warshado la qariyay oo ku yaalla meelo ka mid ah Marinka Qasa laftiisa.

Khubaro reer Israa’iil ah iyo kuwo caalami aha waxay rumeysan yihiin in seynisyahanno u dhashay Iiraan ay gacan weyn ka geystaan dhismaha warshadahaas lagu sameeyo hubka.

Sida ay Israa’iil ku andacootay, duqeymaheeda waxay inta badan ku beegsataa goobaha lagu warshadeeyo hubka.

Suuragal ma aha in la qiyaaso tirada qantaallada u keydsan ururka Xamaas.

Waxaase hubaal ah in ay heystaan hub faro badan oo tiiradoodu ay meelo kala duwan gaareyso. Sida cad, militariga Israa’iil waxay heystaan qiyaastooda u gaarka ah oo aysan dooneynin inay warbaahinta la wadaagaan. Afhayeennadoodu waxay sheegaan oo kaliya in Xamaas ay dagaalka noocan ah iyo tuurista gantaallada sii wadi karaan “Waqti dheer”.

Gantaallada ay Falastiiniyiintu tuuraan ilaa hadda kama muuqato inay yihiin kuwo cusub marka la eego sida ay u naqshadeysan yihiin. Balse qiimeynta guud ee lagu sameeyo waxay qeexeysaa inay kordhiyeen awooddooda iyo qaraxyada ay sababi karaan.

Walow magacyada iyo naqshdaha gantaallada qaar ay jahwareer keeni karaan, Xamaas waxay soo hindistay gantaallo badan oo kuwa riddada gaaban ah sida midka loo yaqaanno Qassam (oo gaari kara ilaa 10km oo u dhiganta 6 meyl) iyo mid la yiraahdo Quds 101 (oo tiiradiisu ay gaareyso ilaa 16km); kuwaasoo lagu sii xoojiyo qalabka Grad (oo gaarsiinaya ilaa 55km); iyo Seji 55 (oo gaarsiinaya ilaa 55km).

Qalabkan waxaa la aaminsan yahay in ay iyagu soo hindiseen islamarkaana u adeegsadaan inay ku fogeeyaan gantaallada riddada gaaban leh oo lagu sii kordhinayo dab dheeri ah.

Laakiin Xamaas waxay sidoo kale adeegsataa gantaallo nooca riddada dheer ah, sida M-75 (oo gaari kara ilaa 75km); Fajr (oo gaaraya ilaa 100km); R-160 (oo gaaraya ilaa 120km); iyo xoogaa M-320s ah oo gaaraya masaafe dhan 200km.

Sidaas darteed way caddahay in Xamaas ay heysato hub lagu garaaci karo magaalooyinka Qudus iyo Tel Aviv labadaba, iyo in ay halis galin karaan guud ahaan marinta xeebta oo ay daggan yihiin tirada ugu badan ee shacabka reer Israa’iil ayna ku yaallaan kaabeyaasha ugu muhiimsan.

Taliska militariga Israa’iil ayaa sheegay in gantaallada tiradoodu gaareyso 1,000 ee lagu soo tuuray saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay 200 oo ka mid ah ka gaabiyeen bartilmaameedkii loo waday ee laga soo hagay dhinaca Qasa (sababtuna ay u badan tahay in ay tahay gantaallada gudaha lagu farsameeyo oo aan tayo wanaagsan lahayn).

Saraakiisha dhinaca difaaca ee Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in 90% ka mid ah gantaalladii lagu soo tuuray uu qabtay qalabkooda difaaca hawada ee loo yaqaanno Iron Dome. Hase yeeshee, wararku waxay sheegayaan in qalabkii difaacayay hawada magaalada Ashkelon uu mar shaqeyn waayay cillad farsamo awgeed, taasoo meesha ka saartay inuu guto shaqadii loo igmaday, balse micnaheedu aysan ahayn in gantaallada ay awooddooda ku dhaafeen.

Si loo qabto gantaallada lasoo tuuro waxaa jira dhowr tallaabo oo xaddidan. In loo diro qalabka lidka gantaallada. In la duqeeyo keydka gantaalladaas iyo warshadaha lagu sameeyo. In la sameeyo howlgal dhinaca dhulka ah oo dib loogu riixo aagagga laga soo tuuro gantaalladaas oo la geeyo meelo aysan masaafahooda soo gaareynin bartilmaameedka.

Tallaabadan ma suuroobi karto marka la eego xaaladda taagan. Falastiiniyiintu ma laha meel kale oo ay aadaan. Waxaa suuragal ah in la fuliyo howlgal dhinaca dhulka ah oo lagu caburo gantaallada. Laakiin sida uu muujiyay howlgalkii militari ee Israa’iil ay ka fulisay Qasa sanadkii 2014-kii, waa in la eego qasaaraha soo gaaraya dadka.

Intii uu socday howlgalkaas waxaa lagu dilay 2,251 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 1,462 rayid ah, halka dhinaca Israa’iil ay ka dhinteen 67 askari iyo lix shacab ah.

Tuurista gantaalladan ee dib usoo noqotay iyo duqeymaha looga jawaabayo ma aha kuwo labada dhinac midna horumar gaarsiinaya. Waxaa laga yaabaa kaliya in ay socdaan inta wareeg kale laga gaarayo. Dad badan waxay ku doodayaan in xiisadda ka dhalatay Qudus ay sabab u tahay qalalaasahan cusboonaaday, taasoo astaan kale u ah in cadaawadda Israa’iil iyo Falastiin aan waligeed la iska indho tiri karin.

Laakiin maadaama dalal badan oo Carab ah ay marba marka ka dambeysa la heshiinayaan Israa’iil; oo siyaasiyiinta reer Falastiin ay aad u kala qeybsan yihiin xilligan; arrintanina aysan qorshaha ugu jirin maamulka Israa’iil ee hadda jira, waxaa adag in wax horumar ah laga sameeyo helitaanka nabadda.

Si xal loo helo waxaa loo baahan yahay rabitaan dhab ah oo gudaha ah iyo dagaal xooggan oo laga sameeyo dibadda. Balse taasina hadda meelna kama muuqato.

XIGA: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here