WAA KUMA SOOMAALIGA SHALAY KENYA KA BADBAADIYEY QALALAASAHA?

NOOR GABOW KENYA

Baraha bulshada Kenya waxaa harreeeyay hadal heyn ku aadan taliye ku xigeenka booliiska Kenya, Nuur Gaaboow oo ah sargaal soomalai ah oo ay shacabka ugu hambaleynayaan kadib tallaabada ay ku tilmaameen in uu ka hortagay in qalalaaso uu ka dhaco xaruntii lagu tirinayey codbixintii doorashadii guud ee Kenya ee Bomas ee markii damabana looga dhawaaqay natiijada.

Dadka qaar waxay Nuur Gaabow ugu yeereen ‘halyeey’ daacad ah oo aan wax cabsi ah muujin si uu dalkiisa u badbaadiyo.

Waxaa la sheegay in Nuur Gaabow uu shaley amar siiyay ciidamadiisa xaqiijinayay amniga xarunta looga dhawaayay natiijiada si ay sugaan amniga kadib markii uu buuq iyo jahwreer uu hareeyay Bomas xilli la sugayay in lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxtinimada.

Wakiilka madaxa doorashada ee Raila Odinga Saitabao Kanchory ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodin inay hubsadaan qaar ka mid ah natiijada, sidaas darteedna aysan oggolana doonin in musharaxooda madaxweynenimo uu yimaado xarunta looga dhawaaqayay natiijada. Waxay isaga iyo kooxda Raila isku dayeen inay hor istaagaan guddoomiyaha guddiga doorashada.

Dadka qaar waxay Twitter-ka uga mahadceliyeen taliyaha oo ay sheegeen in uu ka hortagay in ‘xaaladda ay faraha ka baxdo.’

“Waxaad ku mahadsan tahay Taliye Nuur Gaabow in aad la wareegto amniga Bomas kana hortagtay in xaaladda ay faraha ka baxdo” ayuu Twitter-ka kusoo qoray, Sanatarkii hore ee Mandheera, Bilow Keerow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here