Waa kumaa aasaasaha Taliban ee maanta Kabul ka degay?

Mullah Abdul Ghani Baradar iyo pompeo

Aasaasaha kooxda Taliban ahna hogaamiye ku xigeenka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa gaaray caasimada Afghanistan ee Kabul.

Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Baradar uu la kulmi doono “hoggaamiyeyaasha jihaadka iyo siyaasiyiinta si loo dhiso dowlad loo dhan yahay”.

Baradar, oo sidoo kale ah madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee Doha, ayaa Talaadadii gaaray Afghanistan isagoo ka degay magaalada Kandahar.

Waa hogaamiyaha ugu sareeya ee Talibaan ee hadda dalka ka jira waxaana loo badinayaa inuu noqon doono hogaamiyahadowlad ay soo dhisi donaan Taliban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here