Waa kumaa dalka kaalinta labaad soo galay dhimashada feyriska Corona?

Coronavirus2

Dalka Brazil ayaa noqday wadanka labaad ee dadka ugu badan ay ugu dhinteen feyriska Corona marka Mareykanka laga soo tago.

Waxaa tirada dhimashada dalkaasi imika ay mareysaa in ka badan 50,000 oo qof.

Xaaladan qalafsan ayaa imanaysa xilli daganaasho la’aan siyaasadeed ay dalkaasi ka jirto iyo waliba maalin uun ka dib markii tirada dadka uu soo ritay Corona ee Barazil ay gaartay in ka badan 1 milyan oo qof.

Khubarada ayaa ka digaysa in toddobaadyada soo socda ay sare u sii kici doonto tirada dadka uu soo ritay feyriska Corona ee dalka Barazil.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee (WHO) ayaa diiwaangalisay tiradii ugu badneyd ee uu caalamka hal maalin soo rito feyriska Corona islamarkana dalalka Latin Amerika ayaa tirada ugu badan ay ku nool yihiin.

Tira dhan 183,000 kiis ayuu feyriska soo ritay guud ahaan caalamka 24 saac ee ugu dambeeysay islamarkana 60% ka mid ah dadkan waxay ku nool yihiin waqooyiga iyo Koonfurta Amerika, sida ay sheegtay hay’adda WHO.

Dibadbaxayaal ka soo horjeeda Mr Bolsonaro
Dibadbaxayaal ka soo horjeeda Mr Bolsonaro

Hasa yeeshee tirada sii kordhaysa ee Corona kama aysan hor istaagin taageerayaasha madaxwaynaha Barazil Jair Bolsonaro inay Axaddii waddooyiinka isugu soo baxaan iyaga oo ka soo horjeeda dibadbaxayaal kale oo madaxwaynaha ku dhaliilay qaabkii uu ula tacaalay feyriska Corona.

Dibadbaxayal ka soo horjeeda Mr Bolsonaro ayaa ku baaqaya in xil ka qaadis lagu sameeyo.

Mr Bolsonaro ayaa wajahaya dhowr dacwadood oo ay ka mid tahay in uu faragaliyay baaritaan ay booliiska wadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here