Waa kuwee wadamada lagu tegi karo baasaboorka Soomaaliga Fiisa la’aan?

passport somalia

Waddamada adduunka ayaa isugu faana awoodda baasaboorrada oo ah inta dal ee qofka wata uu ku tegi karo si sahlan.

Japan iyo Singapore ayaa sanadkan isku heysta kaalinta koowaad, marka la eego qiimaha baasaboorkooda.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan kaalinta 106-aad kasoo galay liiska caalamka. Haddaba waa kuwee dalalka uu qofka Soomaaliga ah gali karo isagoo aan u baahneyn Visa lasii qaato?

Guud ahaan 33 waddan ayaa lagu gali karaa baasaboor Soomaaliga, oo ka horreeya baasaboorrada Yemen, Pakistan, Suuriya Ciraaq iyo Afghanistan.

Hase ahaatee dalalkaas dhammaantood ma wada aha kuwo uu qofka Soomaaliga ah ee baasaboorka Soomaaliga ah wata ku geli kato Visa la’aan.

Sida aan kasoo xigannay bogagga wax ka qora arrimaha socdaalka iyo dal ku galka ee VisaIndex iyo PassportIndex, 9 waddan ayaa baasaboor Soomaali lagu tagi karaa iyadoo aan wax Visa ah la dalbanin.

Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tigidh goosto tooska ugu dhoofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoonsi muujinaya joogitaankiisa.

Dalalkan ayaa kala ah:

Benin – oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Gambia – oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.

Haiti – oo ah waddan ku yaalla gobolka la isku yiraahdo Caribbean oo ka tirsan Latin Ameerika.

Dominica – oo ah dal kale oo ku yaalla isla gobolka Caribbean. Balse ma aha waddanka la dhoho Dominican Republic, inkastoo ay isku gobol yihiin.

Cooc Islands – oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xiriir siyaasadeed la leeyahay waddanka New Zealand.

Malaysia – oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya. Hase yeeshee waqti xaadirkan waxaa baasaboor Soomaaliga looga mamnuucay dalkaas sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Micronesia – oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Ociana oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda uga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.

Niue – oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.

Saint Vincent and the Grenadines – oo ah waddan jasiirado ka kooban oo ku yaalla koonfurta gobolka Caribbean.

Waddamada caalamka ee aan ahayn sagaalkaas dal dhammaantood waxay qofka baasaboor Soomaaliga wata ka rabaan dal ku gal noocyo kala duwan ah.

Qaarkood oo kooban waxay u baahan yihiin in visaha ay kugu siiyaan marka aad gaarto, sida Bolivia, Burkina Faso, Burundi, Cape Varde, Comoros, Ethiopia, Ghana, Guinea-Bissau, Madagascar, Lubnaan, Maldives, Mauritania, Palau, Rwanda, Samoa, Senegal, Togo, Timor-Leste iyo Tuvalu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here