WAA MAXAY TALAABOOYINKA XIGTA EE JAMAAHIIRTA DHALINYARADDA SSC LA GUDBOON?

Fagaaraha Buluuga18012023 3

Waxaa xaqiiq ah Guusha iyo sharafta maanta Laascaanood laysugu yimid inay keentay dhiiggii iyo dheecaankii Jamaahiirta Dhalinyaradda Kacdoonka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ee u dhimatay ama u dhaawacantay, Sidaasdarteed waxaa dhalinyarada ku waajibay inay ku faro adeygaan oo aanay cidna masiirkooda ku aaminin, ilaa ay ka midho dhalinayaan.

WAA MAXAY TALAABOOYINKA LA GUDBOON DHALINYARADDA SSC?

  1. Intaan shirka la furin waa in Isimadda, Cuqaasha, Guddiga 33 iyo Jamaahiirta Kacdoonku isugu yimaadaan Barxadda Shuhadadii Halganka ku dhimatay, Magacyadooda la akhriya, Sawirkoodii la keena, eheladoodii si rasmiya loogu tacsiyeeyaa qof qof, loona duceeyaa oo sharaf loo muujiyaa.
  2. Waa in Jamaahiirta ay shirka ka joogaan ugu yaraan 21 halgame oo waardiyeeya ama ogaada cida doonaysa inay Masiirkooda sarifato iyo qof walbaa kaalinta uu ka qaadanayo.
  3. Jamaahiirtu waa in ay dib u bilaabaan isu imaatinkii FAGAARAHA XORIYADDA BULUUGA ilaa laga soo saarayo goaamo ay ku qancaan, sidoo kale ay muujiyaan in Halganka Dhalinyaraddu aanu u joogsan doonin Isim ama qof kale oo dan gaara wata.

DHALINYARO HALGANKII WUXUU GALAY MARXALADIHII UGU ADKAA, HA ILAAWINA WAAJIBAADKA BUUXA EE IDINKA SAARAN INAAD ILAALISAAN AMMAANKA SHACABKIINA IYO DEGAANKIINA, MIDKASTA OO DIINKA MID AHI WAA INUU WAARDIYEEYAA.

GUUL IYO GOBANIMO SSC.

#SSCGENOCIDE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here