Waa sidee guriga uu ku noolyahay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Mr. Modi?

india parliament
Sawirkadhismaha baarlamaanka oo 100 sano jirka ah

Guriga uu ku nool yahay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ayaa dhaliyay hadal hayn badan kadib markii dowladda dalkaasi ay shaacisay qorshe baraalan oo ay lacag badan ku baxayso kaas oo guri aad u weyn oo kale loogu dhisayo Ra’iisulwasaaraha dalkaas.

Haddaba waa sidee guriga uu hadda degenyahay Mudane Narendra Modi

Waa guri ku yaala goobo raaxo ah, baaxad weyn leh, kuna fadhiya illaa 3KM, islamarkaasna indho daraandar leh qurux ahaan.

Dhulka uu ku yaallo guriga ayaa ah mid weyn, waxaan ku dhisan shan dabaq, waxaana ku taalla beer weyn oo tan nasiinada ah, wuxuu 3 kiiloomitar u jiraa aqalka madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Guriga waxaa ku yaalla qeybaha martida ay seexato oo aad u qalabaysan, xafiisyo, qolal waasac ah oo lagu shiro, meelaha ay diyaraadaha qumaatiga u kaca kusoo degaan iyo goobo maddaalo.

Sanado ka hor, gurigiisa waxaa la qoday waddo weyn oo dhulka hoostiisa marta taas oo ku xireysa garoonka diyaaradaha ee Safdarjung.

“Ra’iisul Wasaaraha Hindiya waxaa u xiran xaafad dhan- halka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK ee 10 Downing Street uu yahay hal albaab oo uu ku qoran yahay hal lambar” ayuu yiri Gautam Bhatia oo ah injineer dhismaha guryaha oo fadhigiisu yahay magaalada Delhi.

Dhisamahan waxaa doortay Ra’isulwasaarihii hore ee Hindiya Rajiv Gandhi sanadkii 1984, waxaana la doonayay in laga dhigo guri kumeel gaar ah, wixii xilliggaas ka dambeeyay wuxuu noqday guri ay degaan Ra’iisul wasaarayaasha Hindiya.

“Xilliggii Rajiv Gandhi wuxuu ka koobnaa saddex dabaq, markii dambe waxaa laga dhigay shan dabaq si loo qaabilo shaqaale iyo laamaha amniga oo badan” ayuu yiri Mohan Guruswamy, oo ah falanqeeya siyaasadda isla markaana si joogto ah u booqan jiray halkaas.

Dhismahan dhowr jeer ayaa dhismahan dayactir lagu sameeyay.

Sanadihii u dambeeyay , dadweynaha waxay u muuqdaan kuwa dusha kala socda waxyaabaha qaar ee ka socda dhismaha uu degan yahay Ra’iisul Wasaaraha xilli dhawaan xafiiska Narendra Modi uu baahiyay muuqaallo ku saabsan Ra’iisul Wasaaraha oo quudinaya shimbirta Daa’uusta, isaga oo sameynaya jimicsiga Yoga iyo xilli uu hooyadii ku riixay baaskiilka lagu qaado dadka naafada ah.

Maxaan ka ognahay guriga lagu wado in uu guuro?

Dowladda Hindiya waxay bilowday mashaaric waaweyn ay ku dhiseyso xarun baarlamaan oo cusub, guryo ay degi doonaan madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaana lagu wadaa in mashruucaas uu ku baxo $2.7 balyan oo doolar.

Sida laga soo xigtay dokumentiyada dowladda, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu degi doonaa guryo cusub oo toban dabaq ka kooban, waxaana sidoo kale halkaas laga dhisi doonaa guriga madaxweynaha iyo xafiisyada wasaaradda gaashaandhigga.

Muxuu u doonaya in uu guuro guryo cusub?

Mas’uuliyiinta waxay sheegayaan in guriga hadda uu degan yahay Ra’iisul Wasaaraha uu ku yaallo meel aanan ku habooneyn oo amnigeedu aanan wanaagsaneyn isla markaana loo baahan yahay in la helo dhismo wanaagsan oo raaxo ah, oo ay fududatahay in la dhowro.

Waxay sheegeen in loo baahan yahay in Ra’iisul Wasaaraha uu helo guri u dhaw xafiskiisa maadama waddooyinka ay saxmadda ka jirto taas oo caqabad ku ah howlihiisa shaqo.

Arrimahan oo dhan ayaa dhacaya xilli dadka dalkaas ay la tacaalayaan cudurka karoonaha.

XIG: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here