Wadahadalka Soomaaliya waxaa ka horeeya raaligelinta xasuuqii Kalshaale iyo tacadiyadii Gobolada SSC

0
madaxda iyo salaadiinta sl2

Magaca iyo Masiirka Somaliland wuxuu isu bedelay mid beelkeliya dusha u saaran (Beesha Dhexe ama SNM), marka masiirka Somaliland laga hadlayo waxaa saxaafada isa soo taagaya 3 nin oo ilmaadeer ah oo sheeganaya Madaxweyne iyo Madaxda Xisbiyadda Somaliland.

cirro faysal muuse
Madaxweynaha iyo Madaxda sadexda Xisbi (Ilma-adeer degaamaddii SNM) ka soo jeeda

Markay noqoto Madax-Dhaqameedyada waxaad arkaysa Isimo Burco iyo Hargeysa (SNM) ka soo jeeda oo shaashadaha taagan, MA JIRTO GARAAD SOO JIREENA OO KA MIDA ISIMADA GOBOLADDA SOOL, SANAAG IYO CAYN OO SOMALILAND KU SUGAN.

Isimadda SNM

Haddii cid aan ilama-adeertaas ahayni ay masiirka Somaliland ka hadasho waxaa khatar gelaya xoriyadiisa ama naftiisa, WUXUUNA KU DAMBEYNAYAA SIDII XILDHIBAAN DHAKOOL OO INTA HARGEYSA LAGA CAYRSADAY FIRXADKIISII OO DEMBIYO BADAN LOO SAMEEYEY LAGU SII DABO JOOGO, sidaasdarteed magaca Somaliland wuxuu noqday hanti beel gaar ahi leedahay, islamarkaana degaamadii kalena lagu waxyeeleeyo.

XASUUQII KALSHAALE IYO TACADIYADII GOBOLADA SOOL, SANAAG IYO CAYN

Intii Somaliland jirtay shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa magaca Somaliland loogu geystay Xasuuq iyo tacadiyo farabadan.

XILIGII MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN TUUR:

Madaxweyne Cabdiraxmaan Tuur iyo beeshiisu talaabadii ugu horeysey ee ay ku kacaan waxay ahayd xasuuq iyo weeraro aargudasho ah oo ay ka geysteen Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, nasiib wanaagse sidii ay rabeen wax uguma dhicin, iyagoo xasuuqyo goos ah ka geystay Goboladda Sool iyo Sanaag.

XILIGII MADAXWEYNE AXMED SIILAANYO:

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ahaa Madaxweynihii xasuuqii iyo tacadiyaddii ugu badnaa ka geystay Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

1. Wuxuu xasuuq beelnimo iyo dhulboob salka ku haya ka geystay degaamo Magaalada Buuhoodle hoos taga oo ay ugu weyn tahay Xasuuqii Kalshaale ee boqolaalka qof dhimashadda iyo dhaawacu ka soo gaaray.

xirsi iyo kalshaale
Xirsi Xaaji Cali Xasan waa abaabulihii Xasuuqii Kalshaale

2. Wuxuu isku dir iyo iska horkeen dhaqaale badani ku baxay ka buuray bulshadda dhexdeedii isagoo adeegsanaya nidaamka qaybi oo xukun, iyadoo ay falkan ku nafwaayeen boqolaal qof oo ka soo jeeda beelihii laysku diray, waxaa lasameeyey Madaxdhaqameed caagle ah kuwaas lagu fasahaadiyey nidaamkii iyo dhaqankii dadka degaanka.

3. Goboladda SSC waxaa ka dhacay tacadiyo iyo dembiyo la mid ah kuwii Gobolka Gedo ka dhacay, Tusaale ahaan Wasiirkii Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan wuxuu ahaa shaqsi dadnimadiisa, damiirkiisa iyo noloshiiso hoosayso, Xukuumadii Tigreega iyo Axmed Madoobe ayaa u xushay inay shacabka Gobolka Gedo ku cabudhiyaan, waxaana loo qoray 1500 ilaa 2000 oo maleyshiyo caagle ah kuwaas oo tacadiyada maanta lagu dabajoogo u geystay shacabka Gobolka Gedo. Xukuumaddii Siilaanyo waxay sameysay SALDIGA TODOBAAD EE LAASCAANOOD oo la mid ah kii Cabdirashiid Janan, waxa saraakiil looga dhigay dad aan u qalmin masuuliyadaas, waxaana loo adeegsaday cabudhinta Gobolka Sool, waxaana loo tirinayaa tacadiyo farabadan oo ay ugu horeyso shacab iyo maanto rasaas lala dhaco.

kalshaale iyo dilalka laascaanood
Cabdirashiid Janan, Xirsi iyo Taliyaha Saldiga 7aad Mahad Canbaashe

Ilaa maanta dhibta ugu weyn ee shacabka Gobolka Sool ka cabanayaa waxay ka timaadaa Saldhiga 7aad, iyadoo ay ugu dambeysay saraakiishii Saldhiga Booliiska jabsaday, sidoo kale waxaan qarsoonayn in Hargeysa aaminsan tahay in Taliyaha SALDIGA 7AAD MAHAD CANBAASHE UU YAHAY NINKA LAASCAANOOD LAGU JOOGO, OO LA MIDA SIDII AXMED MADOOBE U AAMINSANAA IN CABDIRASHIID JANAN UU WELIGIIS GOBOLKA GEDO U HAYN DOONO.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI:

Guud ahaan shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn waxaa laga dareemayaa inuu Madaxweyne Muuse Biixi joojiyey nidaamkii isku dir beelaha ee Qaybi oo xukun ku saleysnaa, waana ku mahadsan yahay, sidoo kale ilaa hadda ma jirto Xasuuq iyo dhulboob la mid ah kuwii masuuliyiintii ka hore iyo geelahoodu ku kaceen, xasilooniduna waa mid guud ahaan laga dareemayo degaanada, balse waxaanu weli waxba ka qaban xansaskii iyo xumaantii ay xukuumadihii ka horeeyey gobolka ku beereen, kuwaas oo weli sii wada dhibtii shacabka.

MAXAA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI LA GUDBOON?

Intaanu Wadahadal Soomaaliya iyo Somaliland raadsan Madaxweyne Muuse Bixii waxaa la gudboon;

  1. Inuu Raagelin ka bixiyo Xasuuqii Kalshaale iyo tacadiyaddii laga geystay degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn.
  2. In baaris lagu sameeyey masuuliyadda Xasuuqii Kalshaale iyo tacadiyadii goboladda SSC.
  3. Inuu bedelo nidaamkan gumeysiga ah ee xukuumadihii ka horeeyey ka abuureen Goboladda SSC, oo uu abuuro jawi wax wada lahaansho, (Nidaamka Somaliland ee maanta Goboladda SSC ka jira hadaan la bedelin sidii Gobolka Gedo ayuu ku dambeyn doonaa).

DAWLADDA FEDERAALKA IYO GUDIGA WADAHADALADA MAXAA LAGUDBOON?

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo gudiga wadahadaladda Somaliland looga baahan yahay:

  1. Inaan wax wadahadal ahi qabsoomin ilaa inta laga abuurayo Somaliland lawada leeyahay oo lagu wada qanacsan yahay oo aan ahayn tan maanta jirta ama sadaxda nin ee Ilma-adeerka ahi tuurta ku sitaan.
  2. Inay diiwaangeliyaan oo hayadaha xuquuqul-Insaamka u gudbiyaan xasuuqyadii iyo tacadiyadii ka dambeeyey dhismihii Somaliland.

FG: Wax kasta oo xaqdaro ku abuurbaa waxay ku dambeynayaan xumaam sida maanta jubbaland ka taagan, ciddii Somaliland cid gaar ah siisaa xumaan uun bay sii kordhinaysaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here