WALAAC KA DHASHAY HIIGSIGA KIM JONG UN EE NUKLIYEERKIISA

kim jong un

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya uu yahay in uu yeesho quwada ugu weyn ee Nukliyeerka caalamka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hadalka Kim ayaa yimid xili uu ku guda jiray munaasabad uu ku dalacsiinayay saraakiil ciidan ah oo ka qeyb qaatay tijaabinta gantaalkii ugu weynaa ee taariikhda dalkaasi soo mara.

Hadalladan ayaa sidoo kale imaanaya wax ka yar laba toddobaad ka dib markii hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu ka qayb galay tijaabada gantaalka ballistic-ga ee nooca Hwasong-17.

Waxaa uu sidoo kale xilligaasi ballan-qaaday inuu ka hortagi doono hanjabaadaha Nukliyeerka ee Maraykanka isga oo isticmaalaya hubka nukliyeerka.

Kim waxa uu sheegay intii ay socotay xafladda dalacsiinta saraakiisha ciidamada in dhismaha awoodda Nukliyeerka looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo sharafta iyo madaxbannaanida dalka iyo dadka.

Waxaa uu farta ku fiiqay in hadafka ugu dambeeya ee dalkiisa uu yahay “inuu hantiyo awoodda istaraatiijiyadeed ee ugu weyn adduunka.

Kim waxa uu gantaalka Hwasong-17 ku tilmaamay “hubka istiraatijiyadeed ee ugu awooda badan caalamka” waxa uuna sheegay in taasi ay muujineyso go’aanka dalkiisa iyo awooda uu u leeyahay in uu ugu danbeyn dhiso ciidamada ugu awooda badan caalamka. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa intaa ku daray in saynis yahanada dalkiisa ay sameeyeen horumar la yaab leh oo ku saabsan horumarinta tignoolajiyada si ay madaxyada nukliyeerka ugu rakibaan gantaalada balaastikada ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay tiradii ugu badneyd ee gantaallada dabayaaqadii October iyo horraantii Novembar ee sanadkan.

Maalintii sadexaad ee bishan ayaa waxa la arkayay tijaabo lagu guul daraystay oo ay Pyongyang ku riday gantaal ah nooca qaaradaha isaga gudba . Iyaga oo ka jawaabaya gantaalada Pyongyang, Seoul iyo Washington waxay kordhiyeen dhoolatuska militari ee wadajirka ah ilaa 5-ta November.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale sameysay dhoolatuska tobanaan diyaaradood oo dagaal afartii isla bishaas, ka dib markii 180 diyaaradood oo dagaal oo ay leedahay waqooyiga ay deriska yihiin ay ku duuleen meel u dhow xadka ay wadaagaan labada waddan muddo saacado ah.

Waqtigaas, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa ku tilmaamay gantaalkii ay tijaabisay Pyongyang inuu ahaa “fal sharci darro ah oo xasillooni darro abuuraya”.

Seoul iyo Washington waxay ballan qaadeen inay qaadaan tallaabooyin cusub si ay u muujiyaan “go’aan iyo karti” iyaga oo wajahaya khataraha sii kordhaya ee Kuuriyada Waqooyi.

Khubarada iyo saraakiisha ayaa sheegay in Pyongyang ay xoojisay tijaabadeeda gantaalada iyada oo ka cabanaysa dhaqdhaqaaqyada militari ee ay sameynayaan Seoul iyo Washington.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here