Wanaaga Madaxweyne Muuse waxaa masaxa tayo xumada MAAYARADA iyo Goleyaasha degaanka

0
maayarada somaliland

Inkasta oo Madaxweyne Muuse Biixi guushiisii ay isbedel ku keentay xilka Madaxtooyada laga magacaabo sida wasiirada, agaasimeyaasha Guud iyo Saraakiisha kale, haddana isbedelkii degaanada iyo shacabka khuseeyey waxay noqdeen kuwo dadka lagu ilaaway oo aanay doorashadii Muuse Biixi iyo isbedelkiisii aanay wax saameyn ah ku yeelan.

Shacabka Reer Hargeysa oo lagu sheego inay hal milyan gaarayaan xiligii Madaxweyne Siilaanyo waxaa hortaagnaa Maayer Cabdiraxmaan Solteco iyo Golihiisa, maantana Cabdiraxmaan Solteco baa hortaagan imaatinka Muuse Biixi saameyn kuma yeelan, ma jirto wax rajo waxqabad ama dhiig cusub oo horumar abuuri kara oo u soo muuqdaa, waxay sheeganaysaa Caasimaddii Somaliland, laakiin dhul ma leh, waa beero dad leeyahay, dadkii wixii aanay beerahaas wax ku lahayni waa ku dulsaar, mana jiro maamul degaan oo abuuri kara nidaam dadka oo dhan wada degaamayn kara.

Reer Laascaanood waxaa ku sii baahay Maamul xumadda INA TAARWALE iyo golihiisa xaaraanta ah, kuwaas oo 100% kor u sii qaaday ku habsigii iyo cadaalad daradii.

Ceerigaabo waxaa haysta Oday mujaahid ah oo kaadidiisa u soo cabay, lalama hadli karo, gorgortana kama ogolada.

Nin baa wuxuu yiri “HOOYADEEN INDHO LA’AANTII DAD-CUNIMO AYEY KU DARSATAY” goleyaasha degaanada iyo Maayeraddii iyagoo maamulxumo lagu qabay ayey hadana noqdeen kuwo waqtigoodii dhacay oo aan dib loo xalaaleynin kuraastana wax ka kiciya waayey.

Marka Xumaantu baahdo Soomaalidu waxay ku maahmaahda CADAABI MEEL QABOW MA LEH, inkastoo maayarada iyo Goleyaasha degaanadu sidii la rabay waajibaadkooda u gudan, misana marka dhinacyo badan laga qiimeeyo waa sii kala daran yihiin.

Dhanka Maamul wanaag Gebilay oo miisaaniyadeedu yar tahay ayaa gelaysa kaalinta Kowaad, Berbera dhaqaalaheeda Badani kabayo waxay gelaysaa kaalinta labaad, odayga Ceerigaabo iyo golihiisu ay noqonayaan kaalinta sadexaad, halka Burco aan lagula murmayn Kaalinta afraad.

Dhanka maamul xumadda iyo rajo beelka waxaa kaalinta kowaad ku jira Magaalada Laascaanood, kaalinta labaad Hargeysa, halka Booramo xejisanayso kaalinta sadexaad.

Madaxweyne Paul Kagame ee Ruwanda wuxuu isbedelkii ka bilaabay Dawladaha hoose iyo maamulka dadka degaanka taabanaya, halka Madaxweyne Muuse xooga saaray Golaha Wasiirada iyo Dawladda dhexe, Waxaa xaqiiq ah in wanaag kasta oo Madaxweyne Muuse Biixi sameeyo ay dib u cunayaan xumaanta Maayarada iyo Goleyaashooda, waxaana haboona in markii uu xilka la wareegay uu isbedelka ka bilaabo hagaajinta iyo habeynta Dawladdaha hoose oo ah kuwa sida tooska ah u taabanaya Bulshadda iyo degaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here