Waqtiga la qabanayo Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo lagu dhawaaqay

baarlamaanka puntland2

Guddigii doorashada dhawaantan loo xilsaaray in ay ka soo shaqeeyaan hab raaca doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha.

Guddiga oo soo saaray hab raaca doorashada ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha la qabanayo 14ka bishan oo ku beegan maalinta Khamiista ah toddobaadkan.

Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Khamiistii toddobaadkii hore xilka ka qaaday guddoomiyihii golaha Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo lagu soo eedeeyay in uu ku xadgudbay sharciga iyo xeer hoosaadka Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here