Home Blog Page 163

Maxkamada Belgium oo meesha ka saartay xayiraaddii saarneyd in maxkamadda gudaheeda xijaab lala galo

xijaab

Amar ka soo baxay maxkamad ku taalla dalka Belgium ayaa meesha ka saaraty xayiraaddii sarneyd in gudaha maxkamadda xijaab lala galo ama qof xijaaban uu maxkamad ka shaqeeyo.

Dowladda Belgium oo ka jawaabeysa digniin uga timid guddiga wasiirrada ee golaha Yurub waxaa wax laga beddelay qodobka 759-aad ee xeerka ciqaabta dalkaas oo mamnuucayey in xijaab lagu xirto maxkamadaha dhexdooda.

Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii ay haweney Muslimad ah ay maxkamadda Yurub ka codsatay iney 2018-kii ka shaqeyso laguna qasbay iney xijaabka iska dhigto balse ay iyaduna diiday.

Kaddib maxkamadda Strasbourg oo kiiskan eegeysay ayaa dalka Belgium ku xukuntay tallaabbada uu gabadha Muslimadda ah uu kaga hor istaagay iney iyada oo xijaabkeeda sidato ay maxkamad ka shaqeyn karto ay tahay “xadgudub xorriyadda waxa uu qofka aaminsan yahay”.

Garsoorayaasha maxkamaddana waxay oggolaadeen in xijaabka maxkamadda lala soo geli karo loogana shaqeyn karo iyaga oo ka duulaya go’aanka “xorriyadda uu qofku u leeyahay waxa uu aaminsan yahay”.

Halka garsoorayaasha maxkamadda qaarkoodna ay ku doodeen in la sii wado dhaqangelinta mamnuucidda xijaabka.

Dowladda Belgium oo ka duuleyso digniinaha uga imanayey golaha Midowga Yurub waxay wax ka baddashay qodobka 759 ee sharciga ciqaabta oo soo baxay qarnigii 19-aad.

Sharcigaasi oo la hindisay xilli uu qof walba oo dalkaasi Belgium ku nool uu koofiyad qaadan jiray, kaasoo dhigaya cid kasta oo maxkamadda hor imaneysa ama ka shaqeyneysa iney madax banneeyso ama qaawiso, aamusaan, iyo ixtiraamna muujiso”.

Kelstman, oo ah agaasimaha xaruunta fursadaha loo siman yahay, wuxuu sheegay “In ugu dambeyn isbeddel la sameeyey. Waan soo dhaweyneynaa horumarkan dhinaca xuquuqda aadanaha loo sameeyey.”

Nato iyo Ruushka oo laga cabsi qabo inay Ukraine isku faro saaraan

Flag Ukraine

Wadamada hodanka ah ee magacooda loo soo gaabiyo G-7 oo shir uga socdo dalka Ingiriiska ayaa Ruushka uga digay in uu dagaal ku soo qaado dalka Ukraine oo uu haatan soohdintiisa ciidamo badan soo dhoobay.

Dhanka kale safiirka Maraykanka ee Midowga Yurub ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago Kiev iyo Moscow si uu isugu dayo in xiisadda taagan wax laga qabo.

Hadaba, maadaama oo aanay ahayn markii ugu horraysay ee xiisaddani mudaba taagnayd oo uu xataa Ruushka hore loogu eedayn jiray inuu si toos ah u farogeliyo arrimaha Ukraine, maxaa haatan keenay in dagaal qarxa farta wadnaha lagaga hayo.

Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo ah khabiir ka faallooda arimaha Yurub ayaa su’aashaas iyo kuwo kaleba falanqaynaya.

Maxaad ka ogtahay janaraalka bidaarta leh ee TPLF u dejiyo kaartada dagaalka

general Tsadkan Gebre Tensaegen tigray

Kaddib gacan bidxeeyntii soo martay iyo in uu ka fariistay hawshii ciidannimada tobanaan sano oo uu hoggaaminayay ciidamada Itoobiya kaddib, janaraal Tsadkan Gebre-Tensae marnaba ma uusan fileyn in uu markale xiran doono tuutahiisa.

Basle markii uu dagaalku ka qarxay gobolka Tigreeda, ayuu dib u soo laabtay Tsadkan oo khabiir ku ah qorshaha iyo xeeladaha milateriga, isaga oo diyaar u ah in uu la dagaallamo ciidankii uu mar hoggaamin jiray.

Dad badan oo falanqeeya arrimaha dalkaasi Itoobiya ayaysan shaki kaga jirin in Tsadkan oo ah nin bidaar leh isla markaana shaarubihiisa dhaadheer iyo wajigiisu ay yaqaaniin dad badan oo reer Itoobiya ah uu yahay ninka leh mas’uuliyadda guulaha iyo horumarka ay dagaalladu ka gaarayeen xoogagga fallaagada TPLF tan iyo bishii Juun ee sanadkan.

30 sano ka hor sanadkii 1991-kii, Tsadkan waxa uu hoggaaminayay duulaankii TPLF ay ku qabsatay magaalada Addis Ababa, iyada oo markaa qayb ka ahayd isbahaysigii xukunka ka tuuray taliskii Mengistu Hailemariam.

Intaa kaddib waxa uu noqday taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya muddo toban sano ah, wuxuuna hoggaaminayay ciidamada intii uu socday dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee uu waddankaasi la galay dalka Eritrea intii u dhaxeysay sanaddadii 1998 ilaa 2000.

Haseyeeshee isaga ayaa hadda go’aansaday in uu dib ugu soo laabto furimaha dagaalka, isaga oo da’diisu tahay 60-meeyo.

“Ninkani waa nin aad u wanaagsan, oo awooday in uu raaxo ugu noolaado meesha uu doonaba,” ayuu yiri Awet Weldemichael, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha ammaanka ee Geeska Afrika, kana tirsan jaamacadda Queen ee dalka Canada.

“Xaqiiqada ah in uu go’aansaday in uu wajaho oo uu ka hortago duulaanka xooggan oo uu garab istaago dadkiisa ayaa ah mid sharaf u ah.”

– ‘Nin u tababaran shaqadiisa’ –

Tsadkan wuxuu ka dhashay qoys beeraley ah, ma jirto cid saadaalinaysay in mustaqbalkiisu uu ku dambeyn doono milatarinimo.

Balse wax yar kaddib markii la aasaasay ururka TPLF sanadkii 1975-kii, si uu ugu doodo xuquuqda dadka qowmiyadda Tigreeda, ayuu ka tagay cilmigiisii sayniska ee uu ka baranayay Jaamacadda Addis Ababa, si uu ugu biiro dhaqdhaqaaqa TPLF.

g

“Milatari ahaan, waa nin loo tababaray shaqadiisa, wuxuuna gaaray darajadii ugu sarreysay,” ayuu yiri Rene Lefort, oo ah taariikhyahan ku takhasusay dalka Itoobiya.

“Waa nin deggan oo aan weligii codkiisa kor u qaadin,” ayuu yiri Lefort, oo dhawr jeer ooh ore la kulmay Tsadkan.

Kaddib markii uu dhacay xukunkii Mengistu, Tsadkan waxaa loo dhiibay hoggaanka ciidamada Itoobiya, wuxuuna ku sameeyay isbaddal weyn, sida uu sheegaya Gerard Prunier, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha dalkaasi Itoobiya.

“Wuxuu ka dhigay ciidam u qalmo ciidamada reer Galbeedka. Isbaddal weyn ayuu ku sameeyay, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray qorista ciidamada iyo tababarkooduba,” ayuu yiri Prunier, oo aqoon ka badan muddo 20 sano u leh Tsadkan.

Ciidamadii uu dhisay isla markaana uu hogaaminayay Tsadkan iyo guud ahaan dowladda oo dhan ayaa waxaa ku badnaa dadka qowmiyaddiisa Tigreeda, arrintaasi oo markii dambe galaafatay xukunkii TPLF.

Haseyeeshee nasiib-darro, intii uu socday dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea ayuu Tsadkan wuxuu noqday mid xiddigiisa uu sii dhacayo, gaar ahaanna markii uu amar ku bixiyay in ciidamadu ay qabsadaan dhul ku yaal gudaha Eritrea, arrintaa oo aad uga careysiisay ra’iisalwasaarihii xilligaasi ee Meles Zenawi.

Arrintaasi ayaa keentay in Meles Zenawi uu sanadkii 2001-dii shaqada ka eryo, wuxuu Tsadkan dib ugu noqday noloshii rayidka kaddib 36 sano oo uu ciidan ahaa.

– Noolashii rayidka –

Tsadkan wuxuu noqday ganacsade, wuxuuna gobolkiisa Tigray ka billaabay shirkad ka ganacsato khamriga iyo wax soo saarka beeraha. Waxaa uu sidoo kale ka mid noqday madaxda shirkado waaweyn sida baanka Lion ee dalkaasi Itoobiya.

Waxa uu lataliye dhanka milatariga u soo noqday dowladda cusub ee Suudaanta Koonfureed, wuxuuna shahaadada labaad ee culuunta siyaasadda caalamiga ahi ka qaatay jaamacadda George Washington ee dalka Mareykanka.

Sanadkii 2019-kii, waxa laga codsaday in uu dhexdhexaadiyo xiriirka sii xumaanayay ee ra’iisalwasaare Abiy Axmad iyo hoggaanka TPLF oo ka careysnaa tallaabooyinka ra’iisalwasaaruhu uu qaaday tan iyo 2018-dii, kuwaasi oo uu xilka kaga xayuubinayay madaxda sarsare ee TPLF.

Dedaalladaasi iyo dhexdhexaadintaasi marnaba ma aysan miro dhalin.

“Saddex jeer ayaan la kulmay Abiy Axmad… balse waa ay iska caddeyd in uusan dooneyn in khilaafkaasi lagu dhammeeyo si nabdoon,” ayuu yiri Tsadkan oo bishii Juun wareysi siinayay telefishinka Tigreeda.

Tsadkan waxaa u caddaatay in dagaalku uu yahay lamahuraan oo aan marnaba laga baaqsan doonin, sidaa awgeedna wuxuu sanadkii la soo dhaafay u wareegay dhanka magaalada Maqalle ee xarunta TPLF.

– Xeeladda dib-u-gurashada –

Markii ra’iisalwasaare Abiy uu ciidamada federaalka u diray gobolka Tigreeda bishii Nofeembar 2020, tallaabadaasi oo uu sheegay in ay jawaab u tahay weerarradii TPLF ay ku qaadeen xeryaha ciidamada, ayaa fallaagada TPLF waxay galeen dhulka buuraleyda ahi, waxaana markiiba dowladdu ay ku dhawaaqday guul.

“Mabda’a koowaad ee kooxda TPLF ayaa ah in aanay waligood galin dagaal aysan ku guulaysan karin”, ayuu yiri taariikhyahan Lefort, wuxuuna sheegay in kaartada kooxdani ay ahayd in ay dib u gurtaan, dib isu soo abaabulaan, ugu danbayna ay dib u qabsadaan dhulkii laga qabsaday.

g
Qoraalka sawirka,Dad ku sugan gobolka Amxaarada oo raashin gargaar ah loo qeybinaya

Tsadkan wuxuu durbaba TPLF u qoray oo uu tababaray dagaalyahanno cusub oo tiro badan, waxayna kooxdu sidoo kale soo dhawaynaysay ciidamada Tigreeda ee shaqadoodii waayay ee laga saaray ciidankii qaranka.

Toddoba bilood kaddib, kooxdaasi ayaa si lama filaan ah u soo laabatay, waxayna dib ula wareegtay inta badan gobolka Tigreeda, iyagoo si deg deg ah ugu fiday gobollada deriska ah ee Axmaarada iyo Canfarta, ka hor inta aysan sheegan in ay qabsadeen magaalooyin ku yaal waddada muhiimka ah isku xirta Addis Ababa iyo qeybaha kale ee dalka gaar ahaan gobolka Amxaarada dhammaadkii bishii Oktoobar.

Guulihii ugu dambeeyay ee dhanka dagaalka ee ciidamada xukuumadda Abiy Axmad ayaa furtay waji cusub oo shaki gelinaya halka uu ku dhammaan doono dagaalka 13-ka bilood socday, iyadoo Tsadkan uu mar kale la filayo in uu door muhiim ah ka ciyaaro xaaladda u ugali doono dalkiisa.

“Waxay sameynayaan isla xeeladdii ay weligood samayn jireen,” ayuu yiri Lefort.

“Wixii ay sameeyeen saandkii 1991-kii ayaa dhiirigelinaya waxa ay isku dayayaan in ay sameeyaan sanadkan 2021.”

Ma dhabbaa in Turkigu uu Soomaaliya siiyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee TB2

drone bayraktar

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah baraha bulshada loogu hadal hayay in dowladda Turkigu ay siisay dowladda Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Droniska nooca uu Turkigu sameeya ee TB2, taas oo sida wararku sheegayaan loo tababaraya ciidamada ammanaka Soomaaliya si ay u adeegsadaan.

Inkasta oo warkaan ay baraha bulshada ku hadal hayaan siyaasiin iyo dadka shacabka ah, haddana ma jirto cid xaqiijisay sax-ahaanshiisa mana jirto cid ka tirsan dowladda oo arrintaa warbaahinta la wadaagtay ilaa iyo hadda. Sidoo kale, dowladda Turkiga iyaduna ma jirto meel ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay siisya ama ka iibisay diyaaradahaan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn TB2.

Balse warbixintaan waxaan ku eegaynaa waxa ay yihiin diyaaradahaan Turkigu naqshadeeyay iyo inta dal ay ka howlgaleen.

Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2?

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah. Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn.

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado tayadoodu sareeyo kana tayo wanaagsan kuwa ay soo saaraan dalal badan. Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

U adeegsiga diyaaradahan goobaha dagaalka

Diyaaradda TB2 oo lagu soo bandhigay dhoolatus ay sameynayay ciidammada Ukraine oo Turkiga ka so iibsaday diyaaraddan

Diyaaradda Drones-ka ee uu Turkigu sameeyay waxay fulin kartaa howlgallo hubeysan. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladd Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF.

Wareysi uu siiyay telefishinka qaranka , Major General Yilma Merdasam, oo ah taliyaha ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.ilaa iyo hadda oo ay dagaalladu socdaan waxaa la sheegayaa in diyaaradahaan ay qayb wey ka qaateen dagaalka ciidamada federaalka Itoobiya ay kula jiraan xooggaga Tigrayga.Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaartay dagaalkii ay la galeen Armenia ee ka dhacay dhulka Nagorno-Karabakh.

Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaalladii gudaha dalka Suuriya uu kula galay kooxda KPP . Dalka Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ay ka fuliyeen howlgallada maadama dowladda Turkigu ay tagaeeraysay xukuumadda Libiya kana soo horjeeday xooggaga ka soo horjeeda.

Erdogan oo shaaca ka qaaday diyaaradda bilaa duuliyaha ee hubeysan ee uu dalkiisa sameystay

Dalalka Afrika iyo diyaaradaha TB 2

Madaxweyne Erdogaan ayaa sanadkaan dhexdiisa booqasho ku tagay dalka Angola wuxuuna xiligaas sheegay inay codsatay dowladda Angola in ay hesho diyaaradaha dagaalka ee uu Turkigu sameeyay.

Toddobaadkii hore uun, Turkiga ayaa la sheegay inuu ballaariyay dhoofinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee caanka ka ah dunid, isagoo heshiisyo la galay dalalka Morocco iyo Itoobiya.

Iyadoo ay jirto tallaabadaan uu Turkigu ku ballaarinayo gaynta diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn dalalka Afrika ayaa hadda waxaa soo baxaya in Soomaaliya uu siiyay hase yeshee warkaas wali lama hubo.

Wasiir hore oo British ah oo loo haysto inuu xaaskiisa kufsaday

Andrew Griffiths uk

Wasiir hore oo ka tirsananaan jiray dowladda Xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa lagu helay inuu kufsaday oo uu jir ahaan dhibaato garsiiyay xaaskiisa.

Xaakimka maxkamadda qoyska ayaa go’aan ku gaaray in Andrew Griffiths, oo 51-jir ah, uu cadaadis ku saaray Kate Griffiths, oo ah xildhibaanka degmada Burton-upon-Trent, inay galmo la samayso.

Mr Griffiths, oo ah xildhibaankii hore ee magaalada Staffordshire, ayaa adeegsaday “hab dhaqan qasab iyo xakamayn isugu jira”.

Bishii July ee 2018 ayuu xilka iska casilay kaddib markii la sheegay inuu farriimo “aanan wanaagsanayn” u diray laba haween ah.

Xildhibaankan hore ayaa gaashaanka u daruuray eedaha ay soo jeedisay Ms Griffiths waxa uuna si “cad oo aan gabbasho lahayn u diiday” inuu kufsaday.

Xaakim Elizabeth Williscroft ayaa dhagaysanaysay dacwadda u dhaxaysa Mr iyo Ms Griffiths, kuwaas oo haatan ku kala tagay, maxkamad gaar ah oo qaadda arrimaha qoyska oo ku taal magaalada Derby.

Xaakimka ayaa xogta ay soo heshay waxa ay doodda u ridday dhinaca Ms Griffiths hasayeeshee waxa ay go’aansatay in aanay shacabka u faafin, si loo ilaaliyo cannuga ay isu dhaleen.

Xaakim ka tirsan Maxkamadda Sare, ayaa sikasta oo uu xaal ahaadaba, waxa uu xukumay inay tahay in la daabaco xogta ay soo heshay Xaakim Williscroft, kaddib markii ururrada warbaahinta ay ku doodeen in danta bulshada ay ku jirto in xogtaas la daabaco.

Ms Griffiths ayaa tallaabadaasi taageerta, middaas oo Mr Griffiths uu diidanaa, waxaana ay ogolaatay in magaceeda lagu sheego warbixinnada warbaahinta, walow dadka dhibbanaha u ah xadgudubyada galmo ay sharciyan xaq u leeyihiin in magacooda la qariyo.

Kate Griffiths
Qoraalka sawirka,Kate Griffiths ayaa xildhibaan loo doortay bishii Nofeembar 2019

Mar ay hadlaysay kaddib markii xaakimiinta racfaanka ay go’aamiyeen suuragalnimada in xogta la shaaciyo, ayaa Ms Griffiths waxa ay sheegtay inay “soo dhawaynayso” go’aanka kaddib kiiska qoyskeeda galiyay “xaaladda dareen iyo midda dhaqaalaba”.

Waxa ay sheegtay inay ka tanaasushay xaqii ay u laheyd in magaceeda la qariyo “sababtoo ah waxaan ogsoonahay xaaladdayda gaarka ah ee aan ku doonayo inaan ku horumariyo waxyaabaha ka soo baxaya kiisaska noocaasi ah, dadka u dulqaata xadgudubyada ka dhaca guryaha iyo tallaabooyinka lagu dhowraba carruurta arrimahaas ku lugla leh”.

Mr Griffiths – oo xildhibaan ka soo noqday degmada Burton iyo wasiirkii ganacsiyada yaryar, marna ra’iisul wasaarihii hore Theresa May u soo noqday madaxii shaqaalaha – ayaa xilka iskaga casilay eedo ah inuu erayo culus ku yiri haweenay 28-jir ah oo ka shaqaynaysay hoteel iyo saaxiibkeed.

Guddiga dhowro anshaxa baarlamaanka ayaa ninkaasi ku waayay dambiga, iyagoo sheegay in aanay soo helin wax caddayn ah.

Ms Griffiths ayaa la wareegtay booskii uu banneeyay ee Xisbiga Conservative-ka oo waxa ay isu sharraxday kursigaas waxaana la doortay bishii Nofeembar ee 2019. Markaas ayaa waxa ay ku dhawaaqday inay ninkeeda iska furayso.

Xaakimka ayaa sheegtay in Ms Griffiths “ay afkeeda iiga caddaysay” in Mr Griffiths “uu kufsaday mar uu baashaal dhexmaray”.

Waxa ay sheegtay in eedaha Ms Griffiths lagu “xaqiijiyay” “jawaabihii” Mr Griffiths.

Ms Griffiths ayaa sheegay in kufsigu uu bilowday mar ay huruday.

Previously unissued photo of Andrew Griffiths arriving at the Royal Courts of Justice in London in July 2021
Qoraalka sawirka,Andrew Griffiths oo ku sugan dibedda maxkamadda

Marka la eego muddada dhacdooyinka lagu soo bandhigay xukunka, lama shaacin taariikhda dembiyada la geystay.

Garsooraha ayaa loo sheegay in lammaanahan ay is guursadeen sanadkii 2013 kaddib markii ay shan sano lahaayeen xiriir, isla markaana Ms Griffiths ay ka war heshay khiyaano uu sameeyay Mr Griffiths oo ay ka mid yihiin “xiriir gogol-dhaaf oo muddo dheer socday” oo uu qof kale la lahaa iyo “diridda farriimo galmo ku saabsan”.

Xildhibaanadda, oo caddeymaha ku soo bandhigtay shaashad laga daaray maxkamadda uu dhegeysiga ka socday si ay aysan u arkin Mr Griffiths, ayaa sidoo kale ka cabatay “tacaddi jireed”.

Garsooraha ayaa sheegtay inay ogaatay in caddeymahaasi ay yihiin “kuwo la xaqiijiyay”.

Garsooraha ayaa sidoo kale ogaatay in Mr Griffiths uu qadaan qadiyay Ms Griffiths xilli ay xaamilo culus ahayd.

Mr Griffiths ayaa qoraal ku yiri: “Aad ayaan uga niyad jabsanahay in Maxkamadda Racfaanka ay oggolaatay in dacwadda ay ka sii socoto maxkamadda qoyska.

Waxaan ka soo tagay ganacsigeyga si aan danyarta u caawiyo

Siman Muxumed Cilmi jigjiga

Haweeney reer Jigjiga ah oo magaaladaas ku laheyd ganacsi ayaa u jihaysatay inay ka shaqeyso u gargaaridda dadka ay haysato dhibaatooyinka caafimaad misana aanan heli karin dhaqaale ay isku dabiibaan.

Siman Muxumed Cilmi ayaa barnaamijkan ay bilowday saddex sanadood ka hor waxaa ka faa’iidaystay boqollaal bukaan ah, iyadoo dhaqaalaha ku baxa adeegyada caafimaad ee dadkaas loo fidiyayna ka aruuriso barteeda Facebook-ga.

Warbixintan oo ka mid ah warbixinnada 100 haween ah oo aan ku eegayno haweenka wax ku soo kordhiyay bulshadooda ayey Siman inagula wadaagtay waxyaabaha ku dhaliyay howshan iyo uurkutaallada ku reebay intii ay howshaasi wadday.

“Kiiskii ugu horreeyay wuxuu ahaa muddo haatan laga joogo saddex sano, wuxuu ahaa wiil yar oo toddoba sanadood salka ku siqayay oo lugta laga hayo, xogtiisa ayaa isoo gaartay waxaa laga keenay magaalada Qallaafe, waa la ii keenay muddo afar bilood ah ayaan gurigeyga ku hayay dhaqtarkaa la geeyay lugta ayaa laga jara, alxamdulillah lug macmal ah ayaa loo sameeyay hadda sida dadka caadiga ah ayuu u socdaa,” ayay tiri.

“Kiiskaasi wuxuu ahaa mid ii horseeday inaan dad kale oo badan noloshooda wax ka beddelo” ayay tiri Siman.

Isbitaal bixin kara adeegyada kala duwan ee caafimaadka oo laga furay magaalada Maxaas

Siman ayaa shahaado iyo billad-sharaf la guddoonsiiyay toddobaadkii hore iyadoo ku muteysatay shaqada ay dadka danyarta ah u heyso. Munaasabadda shahaadada lagu guddoonsiiyay oo ka dhacday magaalada Jigjiga ayaa Siman mar walba waxaa lagu guddoonsiiyaa shahaado.

Xaggee ayay dhaqaalaha ka heshaa?

Siman ayaa caawisa boqollaal bukaanno ah oo ku kala nool deegaannada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, iyadoo barteeda Facebook u adeegsata inay dhaqaalaha ugu ururiso dadka caawinta u baahan.

“Qofka bukaanka ah xogtiisa markii la ii soo diro waan aadaa marka ugu horreysa, kaddib sawir ayaan ka soo qaadaay waxaan soo dhigaa baraha bulshada, walaalaha muxsiniinta ah ayaan ka codsadaa inay qofka danyarta ah ka caawiyaan kharashkii dhaqtarka lagu geyn lahaa nambarkeyga ayaan ku qoraa, dadkuna sidaas ayay iigula soo xiriiraan oo ay ugu soo diraan kharashka, aniguna sidaa ayaan dhaqtarka ku geeyaa,” ayay tiri Siman.

Xiriirka ay Siman la leedahay dadka ay caawiso kuma koobna muddada ay caawineyso ee waxa la yeelataa xiriir dheer oo ay mararka qaar guryahooda booqasho ugu tago.

Siman ayaa sidoo kale bukaannada ka caawisa in loo qaado magaalada caasimadda u ah Itoobiya ee Addis Ababa, si daaweyn caafimaad oo dheeraad ah loogu sameeyo.

Dadka ay caawisay ee ay noloshooda wax ka beddeshay waxaa ka mid ah Amiira oo ah labo jir ku dhalatay dhibaato dhanka habdhiska khashin saarka ah, doc ayay ka saxaroon jirtay taas oo dhibaato badan ku ahayd nolosheeda. Siman ayaa geysay isbitaalka sidaas ayaana gabadha lagu daweeyay.

“Xaaladdan way ku dhalatay, rafaad badan ayaan la soo marnay, waxaa lagu qalay Jigjiga balse ma caafimaadin, Siman ayaa naga caawisay in loo qaado Addis Aababa halkaas oo dhowr jeer qalliin loogu sameeyay balse markii dambe waan ku guuleysannay, hadda xaaladdeedu way fiicna tahay,” ayay tiri Raxma Daahir Cali oo ah hooyada Amiira.

“Saddex jeer ayaan ooyaa”

Siman ayaa BBC-da u sheegtay inay saameyn ku yeeshaan dadka ay caawiso isla markaana ay caqabado badan kala kulanto. “Saddex jeer ayaan ooyaa anigu, marka koowaad waa marka aan bukaanka in badan dhaqtar geeyo, kharash badan iiga baxo, balse la ii sheego inaan waxba laga qaban karin oo gurigiisa lagu celiyo ilaa uu ka geeriyoonayo, ta labaadna waa marka qofka aad in badan is taqaaneen oo aad caawineysay uu geeriyoodo, marka saddexaadna farxad baan la ooyaa oo waa marka uu qofku ladnaado,” ayay tiri Siman Muxumed.

Siman ayaa waxay sidoo kale haatan ka qeyb qaadataa howlaha biya-dhaaminta oo loo sameeyo xoolo-dhaqatada ay abaaruhu saameeyeen. Waxay sheegtay inay farxad iyo dhiirrigelin ka hesho caawinta dadka danyarta ah ayna qorsheyneyso inad sii waddo howshan.

Askar loo qoray ciidanka booliska Kenya oo farxad awgeed hadallo cadho dhaliyay ku hadlay

kenyan police

Taliska ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa cambaareeyay muuqaal laga arkayo koox dhawaan ka qalin jabisay imtixaanka qorashada askarta oo sheegaya sida ay u yihiin “dadka xun”.

Muuqaalkan ayaa si weyn ugu waafay baraha bulshada ee waddankan ku yaalla bariga Afrika, iyadoo dad badanna ay arrintan ka muujiyeen walaac.

Madaxda booliska ayaa hadallada kasoo yeeray askartaas mar dhow la qoray ku tilmaamay “mas’uuliyad darro, wax aan la aqbali karin iyo taxaddar la’aan”.

Muuqaalkan ayaa sii xoojiyay fikradaha ay dadka reer Kenya qaarkood qabaan ee ku saabsan in askartooda qaarkood ay u dhaqmaan sida tuugada oo kale.

“Way dhammaatay, waa sidaas … waan dhammeystirnay, way noo dhammaatay howsha. Wakiil ayaan ka nahay, waa maxay waxaan? Koofiyad Cas!” ayuu yiri mid ka mid ah kooxda muuqaalka ku jira oo ku hadlaya lahjadda Kenya ee loo yaqaanno “Sheng”.

“Hadda waxaan usoo baxeynaa bannaanka [waan qalinjabineynaa], waxaana nahay kuwa xun xun” Pa! Pa! Pa! guutada 26-aad! Waxaan nahay kuwa xun xun.”

Dadka reer Kenya ee isticmaala baraha bulshada ayaa walaaca ay ka qabaan muuqaalkan isla wadaagayay, iyadoo qaarkood ay sheegayeen in tani ay muujineyso koox rag ah oo handadaas sameynaya halkii ay shacabka uga adeegi lahaayeen.

Kuwo kalena waxay sheegeen in erayadooda ay markhaati ka yihiin sida ay u damacsan yihiin inay dadweynaha qaab qallafsan ula dhaqmaan marka ay soo qalin jabiyaan.

Muuqaalkan ayaa yimid xilli kiisaska ku saabsan falalka xadgudubyada ah ee ka dhanka ah booliska Kenya ay sii kordhayaan, iyadoo dhowr bilood uun ay ka harsan yihiin doorashada guud.

Kenya ayaa taariikh dheer ku leh in booliskeeda ay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan fulinta sharciga, taasoo inta badan sababta dhimasho, balse saraakiisha amniga lalama xisaabtamo.

Bayaan kasoo baxay taliska booliska qaran ayaa lagu sheegay in dib u eegis gudaha ah lagu sameynayo arrintan, tallaabooyinka ku haboonna laga qaadi doono.

Booliska ayaa sheegay in muuqaalkaas uusan ka turjumeynin fikirka guud ee ciidanka loo yaqaanno GSU-da, oo ah boolis sida militeriga u tababaran.

Balse qaarkood ayaa dhinaca baraha bulshada ku maadeystay dhacdadaas.

Waxay arrintan buuqa kicisay kusoo aadday kaddib markii askari ka tirsan booliska Kenya uu Talaadadii toogasho ku dilay xaaskiisa iyo shan ruux oo kale, isagoo adeegsanayay qori noociisu yahay AK-47.

Maalqabeen sheegay in uu hawada sare kusoo ciyaarayo

hawada sare yusaku

Bilyandheerka u dhashay dalka Japan Yusaku Maezawa ayaa kusii jeedda xarunta caalamiga ah ee dayaxgacmeedyada, isaga oo noqonaya qofkii ugu horeeyay oo shaqsi caadi ah oo sanadahan dhow sameeya sidaas.

Dayaxgacmeed Ruushku leeyahay ayaa ka qaaday xarun ku taala dalka Kazakhstan, iyada oo mudane Yusaku uu cirka ku maqnaan doono 12 maalmood.

Waxa safarka ku wehliya cirbixiyeen Ruushka u dhashay Alexander Misurkin iyo Ninka kanaalka Youtube-ka leh ee Yozo Hirano.

Qoraal uu soo saaray maalqabeenkan ayuu ku yiri “Dadka waxay leeyihiin riyooyin, qof aniga oo kale ah wuxuu leeyahay riyo ah in uu u safro adduun aanan waxbo laga ogeyn”.

Wuxuu shaagay in uu hawada ka qaban doono illaa 100 hawlood oo kala duwan, waxaana ka mid ah in uu kubadda golf ku ciyaaro Meesha.

Ninkan ayaa safarkan ku isticmaalay lacag dhan $88 milyan oo doolar.

Waxaa ninkan kasii horeeyay ninka u dhashay Maraykan Jeff Bezos iyo kan Ingiriiska Richard Bardson.

Waa kuma Yusaku Maezawa?

Waa maalqabeen Japan u dhashay oo lagu yaqaano dhanka muusiga, isaga oo horey u ahaa nin durbaanka u garaaci jirey. Sanadkii 1998-dii ayuu asaasay shirkad iibisa cajaladaha muusiga.

Markii dambe ayuu abuuray shirkad dhanka online -ka wax ku iibisa, isaga oo noqday ninkii 30-naad ee ugu taajirsan Japan.

Ruushku ma waxa uu isu diyaarinayaa inuu xoog ku galo Ukraine?

vladimir putin

Ciidammada Ruushku ma waxa ay isu diyaarinayaan dagaal ay la galaan kuwa Ukraine? Taasi waa midda ay ka cabsi qabaan hogaamiyayaasha Reer Galbeedka iyo Ukrine laf ahaanteeda.

Todoba sanadood ka hor uun ayey aheyd markii Ruushka uu qabsaday qeyb ka mid ah waddanka Ukraine uuna baritaaray kooxaha goonni-u-goosadka ee colaadda ka bilaabay dhul ballaaran oo ku yaal bariga dalkaasi.

Ruushka ayaa sheegaya in qorshe noocaas ah uusan haatan wadin, haddaba maxaa soconaya.

Xagey ku taal Ukraine?

Ukraine waxa ay xad la wadaagtaa Ruushka iyo Midowga Yurub-ba, hasayeeshee dalkan ka tirsanaan jiray Midowgii Soofiyeet, ayaa xiriir dhaqan iyo shacab oo qotto-dheer waxa uu la leeyahay Ruushka iyadoo luuqadda Ruushka si wayn dalkaasi loogaga hadlo.

Ruushka ayaa muddo dheer hortaagnaa dedaallada Ukraine ay doonaysay inay ugu biirto nidaamka Yurub, qodobada ugu muhiimsan ee dalkeena waa in Ukraine aanay abid ku biirin Nato ama Nato aanay dhulkaasi soo keenin qalabkeeda.

Markii dadka Ukraine ay iska rideen madaxweynihii gacansaarka la lahaa Ruusha sanadkii 2014, Ruushka ayaa gacanka Crimea ka qabsaday Ukraine halka kooxaha uu Ruushku baritaarayo ee goonni-u-goosadka ay la wareegeen dhul ballaan oo ku yaal bariga Ukraine kaas oo loo yaqaan Donbas.

Ma waxaa jirta halis dhab ah oo ah in dalkaas la galo?

Colaadda ka taagan bari Ukraine ayaa socota illaa maantadan. Ukraine waxa ay sheegaysaa in Ruushku uu taangiyo, madaafiic iyo qoryaha wax lagu shiisho uu u soo diray jiidda hore ee deegannada ay fallaagadu haystaan. Hasayeeshee waxa ay ku soo warrantay in ciidammo ka badan 90,000 oo Ruush ah oo ku sugan meel u dhaw xadka Ukraine ay tahay arrinta walaaca ugu badan ku haysa.

Ma muuqato halis haatan taagan amaba in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go’aansaday in dalkaasi uu xoog ku galo. Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee dalkaasi loogaga arrimiyo ayaa ku baaqay in “la is dajiyo”. Hasayeeshee sirdoonka reer Galbeedka iyo midka Ukraine-ba ayaa qiyaasaya in suuragal ay tahay in weerrarku uu dhaco horraanta 2022.

“Waqtiga diyaar buuxa oo wax lagu samayn karo la gaaro waxa uu noqonayaa dhammaadka Janaayo,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga ee Ukraine Oleksiy Reznikov.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in 175,000 oo askari oo Ruush ah ay suuragal tahay inay ka qeybqaataan howlgalka bilowga Janaayo iyadoo Agaasimaha CIA-da William Burns uu rumaysan yahay in Madaxweyne Putin “uu gaynayo milateriga Ruushka goob ay si degdeg ah wax uga fulin karaan”.

Heerkaas oo kale ayeynu aragnay bishii Abriil ee sanadkan, hasayeeshee waqtigaas Ruushka ayaa halkaas ka sameeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u muuqanayay dhoollatus kaddibna dib ayey u laabteen. Ka hor kulan ay laba saacadood qaatay oo dhanka isgaarsiinta ay ku yeeshee Mr Putin iyo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa shan hogaamiye oo reer Galbeed ah waxa ay Moscow ugu baaqeen “inay xiisadda dajiso”.

Ruushku muxuu leeyahay?

Ruushka ayaa bilowgii hore ku tilmaamay sawirro lagu qaaday dayaxgacmeed oo muujinaya ciidammo uu ku daabulayo Crimea halkaas oo aanan ka fogayn bariga Ukraine kuwo xiisad abuur ah. Hasayeeshee horraantii bishan Diseembar, kaaliye madaxweyne ayaa ku adkaystay in “aan xaq u leennahay in ciidammadayada aynu gayno gudaha dalkayaga”, isagoo diiday in xiisad la abuurayo.

Moscow ayaa dhankeeda Ukraine ku eedaysay in kala bar ciidammadeeda milateriga ay ku soo daabulayso bariga iyadoo Kyiv ku eedaysay inay qorshaynayso inay weerrar ku ekayso dhulka ay gacanta ku hayaan kooxaha goonni-u-goosadka ee uu Ruushku baritaaro. Ukraine waxa ay sheegaysaa in taasi ay tahay uun “borabagaando” la doonayo in lagu qariyo qorshaha Ruushka.

Sheegashada Ruushka ayey suuragal tahay in ay noqoto mid uu ugu duurxulayo tallaabo milateri.

Vladimir Dzhabarov, oo ah ninka labaad ee golaha arrimaha caalamka ee Ruushka ayaa sheegay in horraanta Diseembar nus malyuun qof oo u dhashay Ukraine oo ku sugan deegaannada ay fallaagadu haysato ay haatan haystaan baabasaboorka Ruushka. Haddii hogaamiyayaasha fallaagada ay gacan waydiistaan Ruushkana “dabcan, dhabarka uma jeedin karno muwaadiniintayada”, ayuu yiri.

Ruushku muxuu doonayaa?

Madaxweyne Putin ayaa ka digay in reer Galbeedku aanay ka soo gudbin “khadadka casaanka” ee Ruushka uu dhigtay Ukraine.

Marka maxay yihiin khadadkaasi casaanka ah?

Waxaa ka mid ah in Nato ay joojiso inay isku ballaariso bariga fog, iyo hubka ay gaynayso dalalka dariska la ah Ruushka taas oo dalkaasi halis ku keeni karta. Waxaa jirta cabsi gaar ah oo ku saabsan diyaaraha drones-ka ee ay Ukraine ka soo qaadatay Turkiga ee ay u adeegsato ciidammada uu Ruushku baritaaro ee ku sugan bariga Ukraine iyo dhoollatuska milateri ee ay reer Galbeedku ka sameeyaan Badda Madow.

Eastern Ukraine map

Ruushka ayaa sidoo kale ka careysan in heshiiska nabadda ee Minsk 2015 ee looga gol lahaa joojinta dagaalka Ukraine uu yahay mid aan weli la fulin. Weli ma jiraan tallaabooyin loo qaaday in si madax bannaan loola socdo doorashooyinka gobollada goonni u goosadka ah. Ruushka ayaa beeniya cabashooyinka Ukraine iyo dalalka Galbeedka ee ku aaddan in Ruushku qeyb ka yahay dagaalka aan dhammaadka lahayn.

Sidee ayay Nato u caawineysaa Ukraine?

Isbahaysiga militari ee Nato ay la leedahay dalalka Galbeedka waa mid is difaacid ah, xoghayaheeda guud, Jens Stoltenberg, ayaana caddeeyay in taageero walba oo militari ay la xiriirto is difaacid.

UK ayaa lagu wdaaa inay Ukraine ka caawiso in labo saldhig oo maraakiibta ah laga dhiso Ochakiv oo ku taalla Bada Madow iyo Berdyansk oo ku taalla Badda Azov. Hubka ka hortagga maraakiibta ee Mareykanka ee Javelin loo yaqaanno ayaa sidoo kale loo diray Ukraine iyadoo sidoo kale labo doomood oo ilaalada xeebaha ah uu Mareykanku siiyay ciidamadda badda.

“Waxay u taallaa Ukraine iyo 30-ka isbahaysi inay go’aansadaan xilliga ay Ukraine diyaar u tahay inay ku biirto isbahaysiga,” Mr Stoltenberg ayaa sidaas yir. Ruushka ayaan “lahayn codka diidmada qayaxan, sidoo kalena xaq uma laha inay farogeliyo hannaankaas”.

Ilaa intee ayay dalalka Galbeedku caawinayaan Ukraine?

Mareykanka ayaa caddeeyay inay ka go’an tahay inuu Ukraine ka caawiyo difaacidda “geyigeeda”, balse Madaxweyne Biden ayaa sheegay in haatan aysan qorshaha ugu jirin tallaabo militari.

Sidaas darteed xitaa haddii uu Mareykanku diido inuu aqoonsado “qadadka cas” ee Ruushka haddii Ukraine ay ku biirto Nato amaba ay wax kale dhacaan, ilaa intee ayuu caawin doonaa Kyiv?

Qalabka ugu weyn ee ay adeegsan doonaan dalalka Galbeedka ayaa u muuqda cunaqabateynno. Madaxweyne Biden ayaa sheegay in cawaaqib xumo dhaqaale ay ka dhalan doonto haddii Ruushku uu qaado tallaabo militari iyadoo saraakiisha Mareykankuna ay ka hadlayaan tallaabooyin dhaqaale oo adag iyo taageeridda militariga Ukraine.

Muxuu sheegay Abiy Axmed markii uu kasoo laabtay jiidda hore ee dagaalka?

abiy axmed2

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dib ugu laabtay xafiiskiisa kadib markii dhawaan uu ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah fallaagada TPLF, sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Waxaan dib ugu laabanaya xafiiska xilli aan si guul ah ugu soo afjaray wajigga koowaad ee dagaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Arrintani ayaa imaaneysaa xilli ciidamada Itoobiya ay magaalooyin muhiim ah ay ka qabsadeen TPLF.

Halka fallaagada ay sheegtay in xeelad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinka ay di u qabsatay dowladda.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY