Home Blog Page 26

CIIDAMADA QOWMIYADAHA ARMENIA OO AQBALAY SHURUUDAHA XABADJOOJINTA

ARMENIA AZERBAIJAN NAGORNO KARABAKH

24 saacadood ka dib markii ciidamada Asarbayjan ay weerar ku qaadeen Nagorno-Karabakh, ciidamada qowmiyadaha Armenia ayaa ogolaaday shuruudaha Ruushka ee xabad joojinta.

Mid ka mid ah dalabaadka muhiimka ah ee ay aqbaleen ciidamada Karabakh ayaa ah soo jeedinta hub ka dhigis oo dhameystiran.

Ilaa 120,000 oo Armeniyiin ah ayaa ku nool deegaanka South Caucasus, oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay qayb ka mid ah Asarbayjan.

Saddex sano ka hor, Azerbaijan ayaa dib u qabsatay degaannada Karabakh iyo nawaaxigeeda waxayna Talaadadii dalbatay inay si buuxda isu dhiibto.

DAGAAL SOOMAALIDA IYO OROMADA U DHEXEEYA OO QOLAJI KA DHACAY

ethiopia map

Wararka laga helayo dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in shalay uu dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada deegaanka Oromada iyo kuwa deegaanka Soomaalida kaas oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qolaji.

Faahfaahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha dagaalka ka dhashay iyo waxa uu salka ku hayo, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka oo saacado qaatay uu gaystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Deegaanka Qolaji waa deegaan ay ku suganyihiin boqollaal barakacayaal ah Soomaali ah oo horey uga barakacay dagaallo dhex maray Oromada iyo Soomaalida.

MAREYKANKA IYO SHIINAHA OO KA WADA HADLAY ARINTA TAIWAN

usa vs china army

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Biden ayaa laba maalmood oo wadahadal ah kula yeeshay Malta diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Jake Sullivan iyo Wang Yi ay ka wada hadleen ammaanka, dagaalka Ukraine iyo arrimaha Taiwan.

Washington iyo Beijing labaduba waxay ku tilmaameen kulammada kuwo “wax-ku-ool ah oo waxtar leh.”

Wadahadallada Malta ayaa imaanaya maalin ka hor iyadoo la filayo in Mr Wang uu gaaro Moscow galinka dambe ee maanta si uu ula kulmo madaxda Ruushka.

In kasta oo ay xulafo la yihiin Ruushka, Shiinuhu waxa uu mawqif aan mugdi ku jirin ka qaatay dagaalka Ukraine.

DABKA WAJAALLE GUBAY WAA ABAALMARINTII DULMIGII AY TAAGEERSANAAYEEN

gubasho wajaalle3

Illaahay SWT waa sheegay cidkasta oo nimcadda uu siiyey ugu mahad niqi weyda inay abaalkooda helayaan, Reer Wajaalle xilligii gubashadda ka hor waxay u banaanbaxayeen oo taageeradooda u muujinayeen dulmigii, duqayntii, xasuuqii iyo barakicintii uu Dhiigyacab Muuse Biixi 8 bilood ka waday Magaaladda Laascaanood, waxay ku faraxsanaayeen soo tebinta sidii shacabka Laascaanood loo duqaynayo, waxay ku baaqayeen in dhiig cusub oo Reer SSC la daadiyo, maalmihii ugu dambeeyey waxay ururinayeen dhaqaale ay ku taageerayaan colaada iyo Dulmiga Muuse Biixi wado, nimcadii Ilaahay siiyey bay diideen inay ku mahadnaqaan oo sidii ugu xumeyd u isticmaaleen.

Illaahay wuxuu ka abaalmariyey taageeraddii ay u muujiyeen dulmigii, cadaawadii iyo dhiigii muslimka ee ay ku baaqayeen in la daadiyo oo naftooda iyo maalkooda ula diyaar ahaayeen, wuxuu ka gubay hantidii ay ku mahadniqi waayeen, fakhri iyo cabsiyina waa la soo deristay, qabashada sidaas oo kale ah ee degdega ah ilaahay uun baa awooda.

Waxaan shacabka Wajaalle ugu baaqaynaa inay ilaahay dib ugu laabtaan oo baryaan inuu ka dhaafo xumaantii Calooshoodda iyo afkooda ka soo burqanaysay ee sababtay cadhadiisa, xuduudkii Ingiriiska ee aad u dagaalamaysaan xuduudkii illaahay iyo wuxuu mamnuucay baa ka weyn, Waxaan kale oo shacabka Somaliland xusuusinayaa in qofkasta oo 8-dii bilood ku faraxsanaa wixii Laascaanood ka socday ay kayd u tahay oo gurigiisa ugu imaan doonto abaalkiisu.

SAWIRRO MAAMULKA SOMALILAND OO CAADEYSTAY INUU CARUURTA ASKAREEYO

caruur somaliland askareysa5

Maamulka Muuse Biixi Cabdi ee ka arimiya magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa caadeystay inuu caruur aan qaangaadh noqon oo tababar ciidan la siinin uu keeno goobaha Dagaalka ee ay isku horfadhiyaan Ciidamadda Maamulka SSC Khaatumo oo tababar iyo khibrad sare u leh dagaalada.

RUUSHKA OO CAYRIYEY DIBLOMAASIYIIN MAREYKAN AH

vladimir putin

Diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Ruushka oo lagu kala magacaabo Jeffrey Sillin iyo David Bernstein, ayaa lagu amray inay isaga baxaan dalka Ruushka.

War ay so saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa lagu sheegay in diblomaasiyiintan ay muddo 7 maalmood gudahood ah ay Ruushka uga baxaan.

Sida lagu sheegay qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sillin iyo Bernstein “waxay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo sharci-darro ah” waxayna xiriir la sameeyeen shaqaale hore oo ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Vladivostok, Robert Shonov, kuwaasi oo ay sirdoonka Ruushka ku eedeyeen ururinta macluumaadka ku saabsan howlgalada ciidamada Ruushka ee Ukraine.

Robert Shonov ayaa ka shaqeynayay safaaradda Mareykanka ee Vladivostok in ka badan 25 sano ilaa Ruushka uu amar ku bixiyay in ceyriyo sanaddii 2021-ka.

WARSAXAAFADEED KA SOO BAXAY WEFTIGII FEDERAALKA EE LAASCAANOOD TEGAY

wefti federaal laascaanood21

War-murtiyeed ka soo baxay weftigii Xildhibaanadda labadda Gole ee Baarlamaanka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

SAWIRRO WEFTI HEER FEDERAAL OO MAANTA LAASCAANOOD TEGAY

wefti federaal laascaanood17

Wafdi Ballaadhan oo heer federaal ah ayaa maanta booqday magaaladda Laascaanood ee Caasimadda Maamulka Khaatumo.

Weftiga ayaa isugu jiray Wasiiro, Xildhibaanada labada Gole ee federaalka, Masuuliyiin kale iyo Madax hore.

GARXAJISOW BIXIYA RASAASTII 11.08.2022 SHACABKIINA LAGU XASUUQAY

caddegude cirro faysal

Markaad qiimeyso qodobaddii Beesha Habarjeclo ka soo saartay doorashooyinka, waxaa kuu muuqanaysa in laga ilaawey hal qodob oo muhiim ah, kaas oo ah in BEESHA GARXAJIS BIXISO RARAASTII IYO QARASHKII HOWLGALKA loo adeegsaday xasuuqii xukuumadu u geysatay shacabkii banaanbaxay 11.08.2022, kaas oo sababay boqolaal isugu jira dhimasho, dhaawac iyo tacadiyo kale.

Ma jirto gunnimo iyo caqlixumo ka weyn in isla ciidamadii daalimiinta ahaa ee shacabka sida naxariis-daradda ah u xasuuqay oo inay dhiig cusub daadiyaan u socda markii layska celiyey magtoodii Garxajis aqbalo, arintani waxay sharciyeysay in waxkasta oo jamhadda Gacan Libaax geysato ay Garxajis geysteen, waana ku saxnaayeen in Reer DHOQOSHAY ay Baabuurii Dawladda 24 saac u qabtaan in loogu soo celiyo, waayo Garxajis ayaa sheegtay waxkasta oo ay geestaan. Waxay ahayd in falka Jamhadda iyo Ciidamadda Somaliland isku mid laga dhigo oo masuuliyadooda ka leeyihiin Muuse Biixi iyo OOFWAREEN.

Waxaa xaqiiq ah hadalkii GARAAD JAAMAC GARAAD CALI EE AHAA IN BEESHA GARXAJIS LAGU GUMEEYEY SOMALILANDNIMADDA, waxay kale oo arintani rumeynaysaa dareenka ah inaan siyaasiyiinta Garxajis u qalmin ama lagu aamini karin hogaaminta Somaliland.

QARAX DAYNIILE KA DHACAY IYO KHASAARAHA KA DHASHAY

qarax muqdisho 2272019

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Dayniile, Cali Cabdi Faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin dheeraad ka ka bixiyay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay gudaha degmadaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarax ayaa waxaa lagu weeraray xarunay ciidamada xasilinta caasimada ku leeyihiin halka loo yaqaano Dhista oo ku dhow agagaarka degmada Dayniile, sida uu shaaciyay guddoomiye ku xigeenku.

Cali Cabdi Faarax ayaa xusay in ciidamada ay markii istaajiyeen gaariga, balse uu ka dhaga adeegay amarka, kadibna rasaas lagu furay ay keentay inuu meesha ku qarxo.

‘Gaariga istaag ayaa la dhahay, markii uu diidayne rasaas ayaa lagu furay, kadibna wuu qarxay oo sidaas ayaa lagu fashiliyay” ayuu yiri Cali Cabdi Faarax.

Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 5 askari iyo sidoo kale qof shacab ah oo waddada marayay.

“Qaraxa waxaa nooga dhaawacantay 5 askari, sidoo kale waxaa dhaawac 1 qof oo shacab ah  wax kale oo dhibaato ah ma jiro” ayuu yiri guddoomiye ku ixgeenka amniga Dayniile.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in qaraxaan loo waday magaalada Muqdisho, balse ay iyagu ka hortageen, wuxuuna sheegay in ay tahay markii labaad.

“Waa qaraxii abaad ee la fashiliyo waxaa dareemee in loo safri rabay magaalada, balse waa laga hortegay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Faarax Cabdi.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY