Home Blog Page 27

HOGGAAMIYAHA SSC-KHAATUMO OO MAGACAABAY XOGHAYEYAASHA GOLAHA FULINTA

hogaamiye ssc cabdiqaadir axmed firdhiye1

Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Xeer Lr. 04 oo ku taariikheysan 12 Sebteembar 2023 ku magacaabay Xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Markuu Arkay: Aragtida Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qaybta 2aad, Qod. 6aad faqraddiisa 1aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo.

Markuu Arkay: Madaxa 2aad, Qod. 7aad Qaab-dhismeedka Maamulka SSC-Khaatumo ee Axdiga.

Markuu Arkay: Madaxa 4aad, Golaha Fulinta, Qod. 13aad ee Waajibaadka Golaha Fulinta

Markuu Arkay: Madaxa 4aad, Golaha Fulinta, Qod. 14aad ee Awoodaha Hoggaamiyaha Golaha Fulinta

Markuu Arkay: Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Maamulka SSC-Khaatumo, Soomaaliya,

Markuu la tashaday: Hoggaamiye Ku Xigeenka Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Tixgeliyay: Baahida loo qabo magacaabidda Xoghayayaasha Xafiisyada Golaha Fulinta oo leh khibradda, aqoonta, iyo mas’uuliyadda loo baahanyahay

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay xubnaha hoos ku xusan

1. Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada.

2. Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

3. Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta.

4. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda.

5. Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka.

6. Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

7. Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga.

8. Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

9. Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska.

Xeerkani waxa uu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo Hoggaamiyaha, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.

MAROOKO OO DIIDAY CAAWIMAADDA DALAL KA MID AH YURUB

dhulgariir

Ururada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa bilaabay codsi degdeg ah oo lagu taageerayo dhibanayaasha dhulgariirkii Jimcihii ka dhacay Morocco.

Agaasimaha howlgallada (Caroline Holt) ayaa sheegtay in xiriirku uu doonayo in uu u ururiyo lacag ka badan boqol iyo toban milyan oo doolar si loo helo baahiyaha ugu daran sida biyaha, nadaafadda iyo hoyga.

Ugu yaraan laba kun iyo sideed boqol oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka, oo inta badan saameeyay tuulooyinka fogfog ee buuraha Atlas.

Maamulka Morocco ayaa cadaadis lagu saarayaa inay u ogolaadaan dalal badan inay caawiyaan.

Gargaarka degdega ah waxa keliya oo laga aqbalay afar waddan oo kala ah Britain, Spain, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Caawimada kuwa kale oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka waa la diiday.

Bill Mato oo ka tirsan hay’adda samafalka Khalsa Aid ayaa ku sugan mid ka mid ah tuulooyinka fogfog.

Waxa uu sheegay in xaaladdu ay tahay mid quus ah, isla markaana gargaarka dowladdu uusan si degdeg ah ku imaan tuuladan.

MAAMULKA KHAATUMO OO KA DIGAY WEERAR SOMALILAND KAGA YIMAADA

calanka khaatumo

SSC-Khaatumo oo digniinii ugu cusleyd ka soo saaray weerarrada qorsheysan ee ay Somaliland damacsan tahay.

JAMHADDA GACAN LIBAAX OO WEERARTAY DEGAANKA DOQOSHAY

gaadiid gacan libaax

Jabhadda Gacanlibaax ayaa saaka waabeerigii weerar aan cidina wax ku noqon ku qaaday degaanka doqoshay oo ka tirsan Gobolka Togdheer, iyagoo halkaas ka soo qabsaday qaar ka mida Gaadiidkii Dawladda.

Jamhadda ayaa si nabadgelyo ah ugu laabatay degaamadeedii iyagoo wata qaniimaddii ay ka soo qaateen Maamulka Muuse Biixi.

DAAWO JAAMAC SHABEEL OO MARKALE BEESHA ISAAQ UGA DIGAY DAGAAL

Daawo Siyaasi Jaamac Shabeel ayaa markale Beesha Isaaq uga digay dagaal lagu hoobto.

DHULGARIIR DHIMASHO BADAN SABABAY OO KA DHACAY DALKA MAROOKO

dhulgariir

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 ayaa ku dhuftay bartamaha dalka Marooko, waxaana ku dhintay ugu yaraan 1,000 qof, waxaana uu geystay khasaarooyin kala duwan.

Meesha xudunta u ah ayaa ku taalla buuraha Atlas ee sare, oo 71km (44 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Marrakesh, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka.

Dhulgariirka ayaa dhacay 23:11 wakhtiga maxaliga ah (22:11 GMT) Jimcihii.

RUUSHKA OO DOORASHO DEGAAN KA WADA DEGAAMADA UU UKRAINE KA QABSADAY

vladimir putin

Dadka ku nool meelaha uu Ruushku haysto ee Ukraine ayaa laga codsanayaa inay codkooda ka dhiibtaan waxa lagu tilmaamay doorashada deegaanka. Kyiv ayaa ku tilmaantay doorashada mid sharci darro ah.

Dhanka kale, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa cambaareysay booqasho ay fannaanad Shiinees ah ku tagay magaalada Mariupol ee uu Ruushka haysto.

Fiidiyowga ayaa muujinaya iyada oo bandhig faneed ku jirta, oo ku dhex jirta tiyaatarka ku burburay duqeyntii Ruushka halkaa ka geystay sannadkii hore.

NIN TAAGEERA MANCHESTER UNITED OO TOOREY KU DILAY TAAGEERE ARSENAL

fred Manchester United

Booliska dalka Uganda ayaa baadi goobaya nin taageero u ah kooxda kubadda cagta ee Manchester United oo lagu eedeeyay inuu mindi ku dilay mid ka mid ah taageerayaasha Arsenal oo ku sugnaa gudaha magaalada Sheema.

Falkaan ayaa dhacay daqiiqado kadib markii ay dhamaatay ciyaarta oo Axaddii ka dhacday goornka Emirates.

Ciyaartaoo ka tirsaneed horyaalka Ingiriiska ee Premier League, ayaa ku dhamaatay 3-1 ay ku badisay kooxda Arsenal, waana arrinta keentay muranka dhex maray labada nin ee kala taageersanaa kooxahan.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday goob ciyaaraha lagu daawado oo ay joogeen dhalinyaro badan.

Ninkaan dilka gaystay ayaa da’diisa lagu sheegay 22 sano jir, iyadoo magaca taageeraha Arsenal ee la dilay boolisku ku sheegeen Jackson Aineruhanga.

MASAR OO DOONEYSA IN HEERKA DALMADA HOOS LOO DHIGO

al sisi

Madaxweynaha dalka Masar Cabadul Fattah al sisi ayaa sheegay in dalkiisu u baahanyahay inuu hoos u dhigo heerka dhalmada sibuu yiri looga baaqsado musiibo.

Madaxweyne al-Sisi waxa uu sheegay in Masar ay ku qasban tahay inay hoos u dhigto carruurta dhalaneyso oo ay ka dhigto 400,000, halka hadda ay tahay in ka badan laba milyan sibuu yiri waddanku fursad ugu helo siinta shaqooyin iyo adeegyo kale muwaadiniintiisa.

Mr al-Sisi ayaa khalad ku tilmaamay hadal ka soo yeeray wasiirka caafimaadka dalkaasi Khaalid Cabdel Ghaffar, oo ku saabsanaa in arrinta dhalista carruurta ay tahay arrin ay xor u yihiin dadweynuhu.

Madaxweynaha Masar wuxuu sheegay in dadka oo xorriyad loo siyaa arrintaan ay abuuri karto dhibaato.

Waxa uu si maldahan u sheegay in Masar ay ku dayan karto siyaasadda Shiinaha ee hal cunug, maadaama Shiinuhu “ku guuleystey siyaasaddooda xakamaynta dadweynaha”.

Tan iyo 2000, dadka Masar, oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan Afrika, waxay kordheen 40 milyan oo qof, waxayna gaareen 105 milyan oo qof, sida uu sheegay wasiirka caafimaadku.

MEYDADKII IYO FIRXADKII SOMALILAND OO MAALINTII 12AAD LA URURINAYO

meydad ciidamada somaliland6

Weli waxaa degaamaddii 25.08.2023 ku dagaalameen ciidamadda Maamulka Khaatumo iyo kuwa Somaliland ka socota Ururinta iyo Aasida Meydadkii Ciidamadda Somaliland dagaalkaas lagaga dilay oo ay ka carareen, iyadoo hayadda Bisha Cas ay 12 maalmood ku mashquulsanayd hawshaas.

Dhanka kale waxaa weli degaamadda kala duwan laga soo ururinayaan firxadkii Ciidamadda Somaliland oo ku kala firdhay jabkii dagaalka lagu gaarsiiyey.

Somaliland ayaa dagaalka loogu jebiyey si aan taariikhda Soomaalida horey uga dhicin, iyadoo lagu tilmaamay hub ka dhigis kadib markii Ciidamadoodii laga dhigay dhimasho, dhaawac iyo firxad.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY