Home Blog Page 28

ODAYAAL MUUSE LACAG KA QAATAY OO BUURTA GACAN LIBAAX AADAY

Guddiga garxejis

Waxaa saaka magaalada Hargeysa ka ambabaxay odayaal dhaqameed ku sii jeeda buurta Gacan Libaax ee bartanka kaga taal magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco.

Odayaashan oo sida dhaqaale xoogan ayaa Ujeedada socodaalkoodu salka ku hayaa sidii loo baabiin lahaa Ciidamada xaq u dirirka Gacan Libaax ee uu hogaami OOFWAREEN.

Berri waxaa ku eg muddadii Beesha habarjeclo u qabtay in meleeshiyaadka Buurta Gacan Libaax lagu kala diro dibna looga soo celiyo wixii hub iyo gaadiid ah oo ay somaliland leedahay oo meleeshiyaadku gacanta ku hayaan.

 KITAABKA QURAANKA OO SWEDEN LAGU GUBAY IYO RABSHADO KA DHASHAY

kitaabka quraanka

Dibedbaxyo rabshado wata ayaa xalay ka dhacay magaalada Maalmo ee dalka Sweden, kaas oo looga soo hor jeedo quraanka kitaabka kariimka oo uu nin ku gubay magaaladaas.

Ninka falkaas geystay ayaa ah isla ninkii dhawaan kitaab quraan ah ku gubay magaalada Stockholm ee dalkaas Sweden.

Haddaba waxa mar kale suurta geliyay falkan kitaabka lagu gubay iyo khasaaraha ka dhashay rabshadihii xalay dhacay, ayaan BBC uga waramey Cabdi Maxamed Ismaaciil oo ah wariye ku nool magaalada Maalmo ee dalkaas Sweden.

SAWIRO HAYADDA ICRC OO SOO ARAGTAY MAXAABIISTII GOOJACADE WARBIXIN BBC

maxaabiis somaliland1

Hay’adda ICRC ayaa markii ugu horreysay booqatay boqolaal maxaabiis ah maalintii Khamiista ee 31-kii August. Maxaabiistan ayaa lagu soo qabtay dagaalladii u dambeeyay ee dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo dabayaaqadii todobaadkii hore

Sida uu sheegay Cabdikariim Maxamed Cabdullaahi, afhayeenka ICRC ee Soomaaliya, lama xaqiijin karo tirada saxda ah ee maxaabiista. “ICRC waxay ku booqatay goobo kala duwan oo ka tirsan Laascanood, iyadoo uu ugu weyn yahay xabsiga dhexe ee Laascanood.” Ayuu yiri Cabdikariim

Cabdikariim Maxamed ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in qaar ka mid ah xabsiyada Laascanood ay ku jiraan maxaabiis, ayna ka caawiyeen afar qof oo qabay dhaawacyo daran in loo qaado isbitaal ku yaalla Garowe si loo daaweeyo.

Mar Cabdikariim oo ay BBC-da wax ka weydiisay shaqsiyaad ku sugan Laascanood oo xiran dareeska cad, isla markaana meydad ka ururinaya aagga dagaalka, ayuu xusay inay la shaqeeyaan hay’adda Bisha Cas oo ay u tababareen sidii loo maarayn lahaa meydadka, isla markaana ay gaarsiiyeen kiishash lagu qaado meydadka.

Pascal Cuttat, madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in maxbuus kasta loola dhaqmo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada.

ICRC ayaa sheegtay inay maxaabiista gaarsiyeen firaashyo iyo agabka nadaafadda, sidoo kale BBC waxay u xaqiijiyeen in agab cafimaad ay horay u gaarsiyeen isbitaalka Laascanood.

Cabdikarim ayaa sheegay in uusan sheegi karin xog ku saabsan xaaladda caafimaad iyo tan daryeel ee maxaabista lagu hayo Somaliland iyo Laascanood sababo la xiriira shuruucda ICRC, balse wuxuu sheegay in ay ka shaqeeyeen sidii maxabiista labada dhinac lagu hayo ay ula xiriiri lahaayeen qoysaskooda.

Booqashada ICR ee xabsiga Hargeysa

Sida uu BBC u xaqijiyay Cabdikariim, waxaa u suurtagashay in ay booqdaan xabsiga dhexe ee Hargeysa oo ay xaqiijiyaan in maxaabiista ay helaan cunto iyo biyo, si la mid ah sidii ay Laascanood ka sameeyeen.

Intaa waxaa dheer, oo ay sheegtay hay’adda inay wada hadal la yeesheen mas’uuliyiinta si loo hubiyo u hoggaansanaanta shuruucda caalamiga ah ee daryeelka dhaawacyada iyo kuwa la xiray.

Cabdikariim ayaa xusay in ICRC ay qorsheyneyso inay dib ugu laabato Laascanood iyo Hargeysa, si xaaladda maxaabiista looga war hayo.

Axmed Siciid, oo ah mas’uul ka tirsan ICRC ayaa iftiimiyay dadaallada ay sameeyeen xafiisyada ICRC iyo bisha cas ee Hargeysa iyo Garoowe si ay dadka uga caawiyaan sidii ay u heli lahaayeen xubnaha qoyskooda ee maqan.

Colaadda u dhaxaysa ciidamada Somaliland iyo Khaatumo ayaa billowday horraantii sanadkan, taasoo sababtay in boqolaal kun oo qof ay ka barakacaan guryahooda.

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa noqotay goob dagaal oo aad u xooggan, taasoo keentay burbur xooggan oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha.

Ma Saan-saan dagaal ayaa jirta

Somaliland waxay sheegtay in ay ka jawaabi doonaan wax ay ku tilmaameen “weerarkii lagu soo qaaday ciidanka Goojacadde jooga”. Dhanka odayaasha dhaqanka ee deegaankaasna waxay sheegeen inaysan weerar qaadi doonin oo ay “sugayaan xuduuddahooda”, haddiise la soo weeraro waxayse BBC u sheegeen in aysan “gacmaha laaban doonin”.

Suurtogalnimada ah in dagaal uu mar kale dhaco lama baciidsan karo. Hogaamiyaha maamulka Khaatumo oo maanta hadal ka jeediyey masjid-jaamaca Laascaanood wuxuu dadka weydiistay in aan magaalada lagu soo celin dadka nugul sida carruurta.

Inkastoo uusan sheegin sababta, misna waxaa loo fasirtay in weli dhiillo ay taagan tahay.

Xaaladda Maxaabiista Laascaanood

Shan iyo labaatankii bishii hore ee Agoosto dagaalkii dhacay Laasacnood ayaa la sheegay in ciidamo ka badan boqolaal askari oo saraakiil ku jiraan laga qabsaday Somaliland. Somaliland waxay walaac ka muujisay sida loola dhaqmay maxaabiista.

“Dowladda Somaliland waxay si adag u cambaareyneysaa wararka iyo sawirada internet-ka lagu faafinayo ee ku saabsan tacadiyada ka baxsan bani’aadannimada ee lagula kacay ciidamada Somaliland ee 25-kii Agoosto la qabtay”.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in baraha internet-ka lagu wadaagayo muuqaalo ciidamo Somaliland oo si arxan darro loo jirdilayo.

Somaliland ayaa sidoo kale ka dalbatay beesha caalamka in ay xaaladda degdeg wax uga qabato oo ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijiyo in ciidamada iyo meydadka loola dhaqmso si waafaqsan sharciga.

Cabdulqaadir Axmed Aw Cali oo ah hoggaamiyaha SSC ayaa sheegay in maxaabiista ay si wanaagsan oo sharciga waafaqsan ula dhaqmeen.

“Xeerarka caalamiga ee maxaabiis dagaal la marsiiyo ayaan raaceynaa, dhawaca waxaan siineynaa daawo iyo daryeel oo ay xaq u leehyihiin”

Hay’adda ICRC ayaa shalay markii ugu horeysay ku booqatay Laascaanood maxaabiis gaaraya 300. Sidoo kale hay’adda waxay sheegtay in ay booqdeen maxaabiis kale oo laga qabsaday Khaatumo oo ku jira xabsiga Hargeysa.

“Ujeedka booqashooyinkan waa bani’aadannimo oo kaliya iyo si loo xaqiijiyo in dhammaan maxaabiista loola dhaqmo si bani’aadannimo ah iyo in ay qoysaskooda ogaadaan halka ay joogaan”.

Arrinta aadka isha loogu hayaa ah haddii dagaal uu mar kale ka dhex qarxo labada dhinac, waxa ay ku dambayn doonaan maxaabiistaas.

SAWIRO MEYDADKA ASKARTII SOMALILAND OO MAALINTII 9AAD LA URUURINAYO

meydad ciidamada somaliland1

Shaqaalaha gargaarka ee Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegay in ay maalinkii 9aad aruurinayaan meydadka dagaalkii dhexmaray ciidanka SSC-Khaatumo & Somaliland, 25kii bishii August.

Sida ka muuqata sawirada ay Bisha Cas baahisay, meydad cusub ayay maanta aasayaan shaqaaluhu, taas oo ka dhigan in dagaalkii Somaliland looga saaray Sool uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee soo gaara ciidanka Somaliland.

MADAXWEYNAHA KHAATUMO OO SHACABKA UGA DIGAY INAY LAASCAANOOD KU SOO LAABTAAN

hogaamiye ssc cabdiqaadir axmed firdhiye1

Hogaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa ka hadlay dad uu ku sheegay in ay ku xoomeen dhulka Goojacade iyagoo doonayo inay dhul ka qabsadaan. Hadalkan ayuu ka sheegay khudbada saaladda jimcaha oo uu kula tukaday dadweynaha Laascanood.

Mudane Cabdiqaadir oo arrimahaas ka hadlayay ayaa yiri, “waxaa soo baxay dad badan oo ku dareeray degaanka Goojacade oo calaamadeysanaya [dhulka], waxaan leeyahay dhulkaasi waxaa iska leh maamulka, hadii ay jirto cid kale ee sharci u haysata dhulkaas waa eegaynaa”

Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday xaalada maxaabiista, isagoo sheegay in loola dhaqmayo sida ugu wanaagsan.

Ugu dambeyntii waxaa uu dadka ka maqan magaalada ugu baaqay in aanay ku soo noqon magaalada, gaar ahaan caruurta.

SALEEBAAN YUUSUF KOORE GURIGII HOOYADIIS WAA KAAS

saleebaan koore iyo gurigii hooyadiis

Sawirka Guriga idiin muuqdaa waa Gurigii Saleebaan Yuusuf Cali Koore Hooyadiis ka deganayd laascaanood, waxaana sidaa u burburiyay madaafiicdii aan loo meel deyeyn ee Maleesiyadda Somaliland, nasiib wanaag ilaahay waa ka badbaadiyay Hooyada duqayntii cadowga ee maalin taas burburisay guriga.

In Saleebaan Koore uu weli saxaafadda la taagan yahay in dadkiisa ay khaldanaayeen isaguna saxan yahay waxay kuu cadeynaysaa inuu ka dhintay dareenkii dadnimadda ee qofka ku khasabta inuu waxyaalaha xun xun ka joogsado.

Maanta waxaad tiri boqol iyo konton kun oo qof baa maalintii i cayda, adiga waxaa kaa liita kuwa adiga oo kale naf moodaya oo weli haysta, dhib ma leh, waxkasta oo aad ku hadasho tolkaa wuxuu kaa quustay maalintii aad ku faantay inaad “Hargeysa Nin iyo Naagba ka noqotay”.

guriga saleebaan koore hooyadiis

TRUMP OO LAGU WAAYEY IN LA MUSUQMAASUQAY DOORASHADA GOBOLKA GEORGIA

trump2

War hadda soo dhacay ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump lagu waayey dambigii ahaa kiiska musuqmaasuqa doorashada ee goblka Georgia, tan oo meesha ka saaraysa inuu ka soo muuqdo maxkamadda toddobaadka soo socda.

Wararka kasoo kordha halkan ayaan idinkula socodsiin doonnaa.

MAXAA SACUUDIGU U MAALGASHANAYAA KUBADDA CAGTA

al hilal

Naadiga Al Hilal waa kooxda ugu badan ee hanatay koobabka waxayna ku guuleysatay ilaa 66 koob. Waxay sidoo kale ku guuleysteen Horyaalka AFC Champions League ilaa afar jeer, taasoo ka dhigtay naadigan Riyadh ka dhisan kooxda guulaha ugu badan gaartay ee qaaradda Aasiya.

Marka laga soo tago taariikhdeeda cajiibka ah, taageerayaal badan, ayaa 19 August 2023 xusay billowga waa u baryay kooxda markii Neymar Junior lagu soo bandhigay in ka badan 65,000 oo taageerayaal ah hortooda.

Bulalleerro ayaa is qabsaday cirka Riyadh, markii weeraryahankan u dhashay Brazil uu soo muuqday isagoo xiran dharka buluugga ah ee naadiga.

“Maalin aad u qiimo badan ayay inoo tahay. Neymar waa xiddig weyn. taageerayaal badan ayuu usoo jiidi doonaa Al Hilal. Waxaan u maleynayaa in dhammaanba Brazil ay haatan na taageeri doonto. Naadiga meel walba ayaa laga garan doonaa,” taageere kooxda Al Hilal ah oo lagu magacaabo Abdullah Almutawa ayaa sidaas u sheegay BBC.

MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO BOOQDAY SALINTA GUUMAYS EE GOBOLKA SOOL

axmed kharaash

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa maanta socdaal ku maray degnaanno ka tirsan Gobolka Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa ugu horrayn lagu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool halkaas oo uu uga sii gudbay degaannada Yagoori iyo Guumays.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale booqday jiidda hore ee Salinta Guumeys oo ay ku sugan yihiin ciidamada halganka SSC.

Madaxweyne Karaash ayaa jiidda hore kula kulmay Saraakiisha  sare ee ciidamada SSC, isagoo ku bogaadiyey difaaca nafhurnimada leh ee ay dhulkooda iyo dadkooda ku difaaceen waxaana uu ku boorriyay in ay sii xoojiyaan difaac degaankooda.

INGIRIISKA: BOQOLAAL DUULIMAAD OO MAALINTII 2 AAD HAKAD GALAY

ukflag

Qalalaasaha ka jira guud ahaan garoomada diyaaradaha ee UK ayaa weli ah mid baahsan maalinkii labaad.

Falanqaynta xogta duullimaadyada mareegaha wakaaladda wararka ee PA ayaa muujinaysa ugu yaraan 281 duullimaad, kuwaas oo la rabay inay yimaadaan ama ka dhoofaan lixda garoon ee ugu mashquulka badan Boqortooyada Ingiriiska oo baaqday maanta.

Duulimaadyada baaqday ee garoomada waaweyn:

75 Gatwick

74 Heathrow

63 Manchester

28 Stansted

23 Luton

18 Edinburgh

Duulimaadyo kale oo badan ayaa si weyn dib ugu dhacay, kumanaan rakaab oo diyaaradeedna wali way xanniban yihiin.

Sida ay wax u socdaan, ma jirto jawaab sugan oo ku saabsan sababta saxda ah ee dhammaan carqaladaynta.

Waxa aan ognahay in ay tahay cillad farsamo oo shalay sababtay in nidaamka otomaatiga ah ee lagu farsameeyo duullimaadyada uu shaqeyn waayo, taasoo ka dhigan in wax lagu maamulayo gacanta.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY