Home Blog Page 287

Awoodda militari Turkiga oo soo ifbaxday kadib dagaal dadban oo dhexmaray Russia

madaxweyne erdogan

Tuulada Dadivank, ee ku taalla gobolka buuraleyda ah ee Caucasus, ayaa ah mid soo jirtay 800-oo sano waxaana ku yaalla dhismooyiin qadiimi ah.

Waxaa goobtaasi sidoo kale ku dhagan boor uu ku sawiran yahay, baadarigii reer Armenia ee lagu magacaabi jiray, Aabe Hovhannes, waxaana goobta ku qoran, “waad ku mahadsan tahay in aad halkan timaado,” isaga dhoolacadeynaya.

“Waxaan haysaa amar ah inaan ka hortagno in goobtan qadiimiga ah la burburiyo,” waxaa sidaasi yiri askari ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Ruushka ee halkaas jooga.

Dowladda Ruushka ayaa dagaal qaraar oo ka dhacay gobolkii lagu muransanaa ee Nagorno-Karabakh ka dib, waxay halkaas u daad-gureysay 2,000 oo ah ciidamo nabad ilaalin ah oo heshiiska qeyb ka ahaa.

“Caado ahaan Ruushka ayaa damaanad qaaday xasiloonida gobolkan,” waxaa sidaasi sheegay askariga Ruushka.

Dadivank waxay ka tirsan tahay degmada Kalbajar: waa mid ka mid ah dhowr goobood oo ay dhawaan Armenia ku wareejisay Azerbaijan, ka dib heshiis xabbad joojinta ahaa ee Ruushka uu dhex-dhexaadiyay.

khariirad muujinaysa heshiiska Heshiiska nabadda ee Karabakh

Xukuumadda Moscow ayaa bogaadisay heshiiskan waxayna sheegtay in heshiiska u caddeyn u yahay in Ruushka uu weli yahay mid saameyn ku leh Konfurta Caucasus.

Balse dagaalkii socday muddo lix toddobaad ah, ayaa sidoo kale soo shaac bixiyay sida ay awoodda Rushka u xaddidan tahay marka la eego goobihii ay ka talin jireen xilligii Midowgii Soofiyeet.

‘Galaangalka iyo raadka uu Turkiga yeeshay’

Turkiga ayaa dhankiis soo ifbaxay oo door ka ciyaaray goob Ruushka aan ka fogeyn oo lagu tirinayay in saameyntiisa ay aad u sareyso.

Waa arrinta la xiriirta taageerada Militari ee xukuumadda Ankara u fidisay Azerbaijan oo gacan ay ka siisay dagaalka, taasi oo looga adkaaday saaxibkii uu Ruushka ku lahaa gobolka ee Armenia.

Ruushka imika waxay ogolaadeen in kormeerayaal militari oo ka socda Turkiga, oo ka tirsan gaashaanbuurta Nato, ay yimaadaan koonfurta Caucasus, si ay u indha-indheeyaan xaaladda xabbad joojinta.

“Waxa ka dhacay gobolka Karabakh runtii waa musiibo juquraafi siyaasadeed ah oo ka dhan ah Moscow, taasi oo aan ku ekeyn oo kali ah Koonfurta Caucasus, balse sidoo kale saameynaysa guud ahaan goobihii ay Midowgii Soofiyeet ka talin jireen,” waxa sidaas sheegay Konstantin von Eggert oo ah khabiir arrimaha siyaasadda ka faalooda.

“Xaqiiqadii waxaan aragnay ciidamada Armenia oo ay Ruushka tababareen, oo ay ka adkaadeen ciidamadii Azerbaijan ee ay Tababareen Turkiga ayna qalabeeyeen”, ayuu hadalka ku daray.

Madaxwaynaha Turkiga Erdogan ayaa saameyn muhiim ah ku yeeshay gobolka”, ayuu yiri Konstantin von Eggert.

“Gabagabada arrinta waxay tahay in dalalka doorka ka ciyaaraya gobolka ee kala ah Turkiga, Iraan iyo Shiinaha, ay awoodooda ku sii ballaarin doonaan bartamaha Aasiya iyo gaar ahaan Koonfurta Caucasus, iyaga oo aan wax wadaxaajood ah kala galayn, cabsi na aan ka qabin cawaaqib xumo uga timaadda Kremlin,” ayuu yiri Mr von Eggert.

Meel 15 daqiiqo oo masaafo ah u jirta magaalada Dadivank ayaa horey u ahayd goob ay ka taliyaan Armenia, waxaa se imika ku sugan ciidamo nabad ilaalin u jooga.

Ciidamadan waxay difaacayaan dadka asalkoodu yahay Armenia.

Balse shacabka ku sugan magaalada Getavan, kuma faraxsana inay askartan arkaan.

“Haddii aan nahay dadka reer Armenia, waxaan mar walba u maleyn jirnay in Putin uu yahay nin wanaagsan oo anaga na garab taagan,” waxaa sidaasi yiri Araik.

“Balse heshiiskan waxaa uu wax badan siiyay Azerbaijan, waa-na qalad,” Ayuu sheegay.

Laakiin qof walba fikirkaasi lama qabo. Markii aan la hadalnay qaar ka mid ah askarta Armenia oo iyagu dib uga soo gurtay gobolka Karabakh, waxay sheegeen in ay uga mahadcelinayaan Ruushka in uu dagaalka soo afjaray.

“Haddii uu dagaalkani sii socon lahaa dhammaanteen waa nala dili lahaa,” waxaa sidaasi yiri mid ka mid ah askar Armenia.

“Azerbaijan waxay haystaan lacag badan, hub iyo qalab militari oo ka badan kan aan inaga haysano.”

Cadaadis Ruushka uga imanaya dalalka dariska

Ruushka wuxuu sanadkan 2020 u ahaa mid ay culeysyo badan oo dhanka siyaasadda iyo Juquraafiga ah ka soo wajaheen wadamadii horey uga tirsanaa midowga Soofiyeet.

Dalka Belarus – oo madaxwayanha ka taliya ay Ruushka aad isugu dhaw yihiin, waxaa ka socda dibadbaxyo ay dadka ku dalbanayaan in uu xilka ka dego hoggaamiyaha kaligii-taliska ah.

Bishii October kacdoon ka dhacay dalka Kyrgyzstan ayaa la yaab iyo kadis ku noqday Ruushka.

Bishii aanu soo dhaafnay musharaxii ay Moscow taageereysay ee doorashadii Moldova ayaa madaxwaynanimada looga adkaaday.

Waxaa doorashada ku guuleystay musharaxii u janjeeray dhanka reer galbeedka, Maia Sandu, oo ka adkaatay madaxwaynihii xilka hayay ee gacan saarka la lahaa Ruushka, Igor Dodon.

Balse wali tusaalaha dalka Moldova, oo dib u dhac uu ku yimid Ruushka, ayaa hadana mujinaya in Moscow ay wali galangal ku leedahay qaar ka mid ah dalalka dariska la ah.

Dalka Ruushka waxay ciidamo ka joogaan dalka Moldova.

Askarta Ruushka ayaa halkaasi u jooga si nabad ilaalin ah.

‘Wadamada ha iska tagaan’

Ma faa’ido ayaa ugu jirta in Ruushka uu saameyn ku yeesho dalalka dariska la ah?

“Haddii aan xisaabino, dhaqaalaha Ruushka uga baxa maagelinta saameyntiisa in ay sii jirto intee buu la eg yahay? Imisa se Ruushku uu dhaqaalo ahaan, ganacsiga ku bixiyaa amaanka iyo maalgashiga iyo in aysan isku dhicin suuqa way ee uu Yurub ku leeyaha? Waxaan u maleynayaa in qiimeyntu ay noqoneyso, ‘ha la iska fasaxo dalalkan’,” waxa sidaasi yiri Alexander Gabuev, oo ah khabiir ka tirsan xarunta Xarunta Carnegie ee magaalada Moscow.

“Balse Aqalka Kremlin-ka dareen ahaan way ku xiran yihiin dalalkan, waxaana aqalka looga arrimiyo Ruushka joogo dad horey sirdoonka uga soo shaqeyn jiray kuwaasi oo meel kasta halis ka arka, una arka in geed kasta uu sirdoon reer galbeed ah ku hoos jiro,” ayuu intaa ku daray.

Waxaa muuqata in saameyntii Ruuushka ee Jamhuuriyadihii Midowga soofiyeed la soo xaddiday ayna soo baxeen dalal kale oo saameyn ku leh arrintan, sida Turkiga, Shiinaha, Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Xukuumadda Moscow wuxuu meeqaamkeedu yahay hadda sida boqortooyadii hore.

Ciidanka Dowladda oo lagu eedeeyay iney dhibaato ka geystaan Gedo

Axmed Madoobe1

Madaxweynaha  dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay iney wiiqeyso heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhawaan.

Axmed Madoobe oo shir gudoominayay shirka golaha xukuumadda Jubbaland ayaa golaha wasiirada uga waramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha amniga iyo dhismaha maamulka Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha wuxuu si qoto dheer uga hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka la filayo inuu dalka si guud u galo, wuxuuna ku adkeysanayaa in Jubbaland ay xaq u leedahay in loo madax banneeyo guddiga doorashada sida lagu qoray heshiiskii ay dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ku gaareen Muqdisho bartamahii sanadkaan.

Axmed Madoobe wuxuu si cad u sheegay in ciidamada Soomaaliya ay dhibaatooyin aan loo adkeysan karin ka geysanayaan gobolka Gedo, wuxuuna intaas raaciyay iney caqabad ku yahiin xasiloonida deegaankaas.

Wasaaradiisa arrimaha gudaha wuxuu ku bogaadiyay iney yagleeleen maamul loo dhiso degmada Afmadoow oo ay shacabka soo doorteen, wuxuuna qabaa iney bilow u fiican u tahay dhismaha dowladaha hoose ee maamulkiisa.

Baarlamanka Kenya oo ka hadlay xiisadda Soomaaliya iyo sida ay doonayaan in laga yeelo

kenyan parliament

Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa shalay ka dooday khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex qarxay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, waxayna xubnuhu ka doodeen sida ay u arkaan xiriirka xumaaday ee labada dal, waxaana idiin soo gudbineynaa khudbadihii ugu sameynta badnaa ee xildhibaanada.

Dawladda Soomaaliya ayaa todobaadkan u yeeratay safiirkeedii Nairobi, iyadoo kii Kenya dalkiisa wadatashi ugu dirtay, waxayna Soomaaliya ku eedeysay dowladda Kenya inay farogelin ku heyso arrimaheeda gudaha, isla markaana ay fashilineyso heshiiskii siyaasadeed ee laga gaaray doorashada.

Dhowr xildhibaan ayaa aragtidooda ka dhiibtay xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, waxayna qaarkood qabaan in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqaaqday diblumaasiyad qar iska tuurnimo ah, isla markaana aysan Kenya ku dhaqaaqin faro-gelin ka dhacday arrimaha gudaha Soomaaliya.

Xildhibaan Katoo Ole Metito oo ah gudoomiyaha guddiga baarlamaanka Kenya u qaabilsan gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda ayaa ka hadlay seddax qodob oo ku saabsan xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna yiri, “Mudane guddoomiye waa nasiib darro in arimahaa muhiimka ah la soo hadal qaadayo maalintii ugu dambaysay kalfadhigan. Ilaa haatan ma jiro waxa xiriirka rasmi ah afka diblomaasiyadda lagu yiraa ‘ Note Verbal’ oo ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay uga codsanaysayo danjiraha Kenya u fadhiya Muqdisho inuu Nairobi u tago wadatashi dheeraad ah.”

“Tan labaad tallaabada la sheegay in ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaaday waa wax laga xumaado, maadaama lagu saleeyey sheegasho iyo eedayn aan la caddayn karin oo ah in ay iyagu sheegteen in Kenya farogelinayso arimaha gudaha ee Somalia. Eedahaa lama caddayn.”

“Ta seddaxaad, waxaan doonayaa inaan dhaho Dawladda Kenya way ixtiraamtaa oo ku dhaqantaa mabaadi’da ma dhaafaanka ah ee diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee aayo ka tashiga, madaxbanaanida siyaasadeed iyo dhawrsanaanta dhulka wadamada oo dhan, gaar ahaan kuwa Afrika, waxaanan doonayaa in aan idhaa xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican ayaa Soomaaliya inaga dhexeeya sidaas ayaanu ahaan doonaa,” ayuu yiri Xildhibaan Katoo Ole Metito oo jka tirsan baarlamaanka Kenya.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale aya yiri, “Ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya muu saamayn khilaafkan diblomaasiyadeed. Gaar ahaan qaadka dalku u dhoofiyo iyo waxyaabaha kale ee la dhoofiyo iyo la soo dejiyo ee labada dal ku kala ganacsadaan. Mahadsanid gudoomiye.”

Xildhibaan Aadan Barre oo sii hadlaayey ayaa yiri “Waxaan doonaya inaan u mahadnaqo gudoomiyaha, intaan dhegaysanayey wuxuu ku celiyey oo akhriyey uun warbixintii ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Kenya markii safiirada loo yeedhay. Laakiin waxa jira waxyaabo badan oo labadeena dal mideeya oo ka badan waxa ina kala qaybiya markaa gudoomiye waxaan doonayaa in aan gudoomiye Katoo ugu mahadnaqo jawaabtaa waafiga ah ee uu bixiyey.”

Xildhibaan Cabdullaahi Bashiir Sheekh oo laga soo doorto Mandera North ayaa isna yiri, “Codsiga aan u jeedinayo dawladdeenu waa in ay ma huraan tahay in arintan sida ugu dhakhsaha badan loo furdaamiyo, sababta oo ah waxa jira ganacsi aynu la leenahay iyo dad dalkaa kale ka yimaad oo wadankan maalgashada. Maadaama oo aan ka mid ahay gudidaa gudoomiyaheedu hadlayna waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaynu u baahannahay in aynu xaqiijino in dalkeena iyo Soomaaliya labaduba ahaadaan laba dal oo saaxiiba oo barwaaqaysan.”

Xildhibaan Nuux Juneed Sheekh oo laga soo doorto Suna East ayaa yiri, “Mudane Gudoomiye waxaan doonayaa in aan taageero hadalka gudoomiyaha gudida. Waxa iga yaabiya ee ku saabsan Soomaaliya waa in xiliga doorashada ololaha ka socda halkan Nairobi uu kaga xamaasad badan yahay Muqdisho qudheeda. Oo waxaad is odhanaysaaba malaha doorashadu halkan Nairobi ayay ka dhacaysaa ee kamaba dhacayso Muqdisho.”

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Mudane Gudoomiye hadaad imika magaalada dhex marto hudheelada oo dhami way buuxaan, waxayna noqotay in dhamaan musharaxiinta madaxweynenimo ee Soomaaliya ay Nairobi yimaadaan olole adagna halkan way ka wadaan, markaa waxaynu u baahannahay in gudida gaashaan dhigga iyo arimaha dibadu ay baadhitaan dheer samayso si ay inoogu sheegaan sababta ay musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ololaha ka badan kay Muqdisho ka wadaan uga wadaan Nairobi.”

Somaliland oo si adag uga hortimid magaabista Yuusuf Garaad

astaanta somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga hortimid xil uu madaxweynaha Soomaaliya maalintii shalay u magacaabay Yuusuf Garaad Cumar, kaasi oo ahaa inuu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay in magacaabistaasi ay tahay mid laga leeyahay ujeedo lagu rabo in lagu maran habaabiyo aragtida iyo fahamka bulshada caalamka ee ku aadan madax-banaanida Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madax-bannaan oo si buuxda oo u maamula xuduudihiisa dhul, bad  iyo hawo. Somaliland waa dal bogcad muhiim ah kaga yaal qaaradda Afrika, gaar ahaan Badda Cas iyo  marin biyoodka istaraatejiga ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden)” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Somaliland ayaa magaabista Yuusuf Garaad ku tilmaamtay mid ah “riyo maalmeed iyo sheegasho aan jirin”, iyadoona ku dooday in Soomaaliya aysan meelna ku laheyn gacanka cadmeed, marka lagu saleeyo xuduudihii  gumeysiga ee khariidadda Qaaradda Afrika.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in arrintaasi ay tahay fara-galin qaawan iyo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadeeda, isla markaana ay diyaar u tahay difaaca madax-banaanideeda iyo xuduudahaba.

Waxay ku wargalisay beesha caalamka, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD inaysan Somaliland marnaba aqbaleyn magacaabista uu shalay sameeyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay wax wal oo ay ku kacayso naf iyo maal ay ku difaacan doonto qadiyadeeda.Ergeyga uu shalay

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Somalland tahay mid si madax bannaan u maamusha Xaduudaheeda, sida, Dhul, Bad iyo Hawaba, sidoo kalena Bugcad weyn kaga yaal Qaarada Afrika gaar ahaan Badda cas iyo marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka cadmeed.

“Magaacabista ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed ee maamulka  Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada la ga leeyahay na waa sidii loo marin  habaabin lahaa aragtida iyo fahanka bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida  Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Waxa kale oo lagu yiri “Waxay Somaliland u caddaynaysaa bulshada caalamka in aanay jirin xildhibaanno ku matala  dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha sida dadban loo gu doorto Soomaaliya, balse ay  yihiin ashkhaas aan cidna ku matalin xilalka ay ku magacaaban yihii. Waana xilal ujeeddada la ga leeyahay  ay tahay indho sarcaad siyaasadeed”.

Janeraal Mukhtaar oo gaaray Beledweyne si uu wax uga qabto Jeneral Xuud

gen mukhtar xuseen afrax

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federalka Soomaaliya, Janeraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo lagu soo dhoweeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle, kan gobolka Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa wasiirka ku soo dhoweeyey garoonka Ugaas Khaliif, iyadoona kadib loo galbiyey gudaha magaalada, gaar ahaan xarunta maamulka gobolkaasi.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa ah sidii uu uga qeyb qaadan lahaa xalinta xiisada ka taagan Beledweyne ee ka dhalatay doorashadii dowlad goboleedka HirShabelle oo lagu qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiir Mukhtaar oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doono waxgarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Beledweyne waxaa haatan ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi oo u tegay arrimo la xiriira xal u helida tabashada ay qabaan beelaha qaar ee degan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dillaacay maleeshiyo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud oo kasoo horjeeda maamulka HirShabelle, taasi oo diiday in madaxweyne Cali Guudlaawe uu magaalada yimaado

Wasiir Jeneral Mukhtaar ayaa la filayaa inuu isku dayo inuu arrintan xal u helo, isaga oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka beesha ay kasoo wada jeedaan isaga iyo Jeneral Xuud.

Yuusuf Garaad oo ballanqaad sameeyey kadib xilka cusub ee loo magacaabay

yuusuf garaad

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Yuusuf Garaad Cumar oo shalay loo magacaabay ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo dhoweeyay xilkaasi loo magacaabay.

Ugu horreyn Yuusuf Garaad ayaa uga mahadceliyey madaweynaha Soomaaliya, kalsoonida uu siiyey iyo xilka sare ee uu u magacaabay.

Sidoo kale wuxuu ballan-qaaday inuu si daacadnimo ah, kartina ay ku jirto uu u gudan doono mas’uuliyadda culus ee loo xil-saaray.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale intaasi ku daray inuu si hufan oo khibrad leh uga qeyb  qaadan doono xilli kasto arrimaha waa weyn ee mandiqadda Geeska Afrika.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan uga mahadcelinayaa kalsoonida uu ii muujiyay in uu ii magacaabo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee arrimaha Gobolweynaha aan ka tirsan nahay oo bad iyo berriba leh kuna baahsan laba qaaradood.

Waxaan ballanqaadayaa in aan si daacadnimo ah kartideyda, khibraddeyda iyo  aqoonteyda oo dhan aan u dul dhigo mas’uuliyadda la ii xilsaaray aniga oo ka amba qaadaya halka la soo gaarsiiyay, lana kaashanaya howlwadeennada iyo hey’adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso.

Xilli doorasho iyo xilli kastaba, Arrimaha waaweyn ee mandiqaddan ka taagan waa kuwo toos u saameeya Dowladnimada, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyo dadkeenna Soomaaliyeed.

Saameyntaasi waa mid maanta ah iyo mid istaraatiijiyadeed oo mustaqbalka ah.

Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo taageerayaasha tirada badan oo ay ardaydeydu ugu horreyso oo fool-ka-fool, farriin cod ah, mid qoraal ah iyo baraha bulshadaba iigu hambalyeeyay, i dhiirri geliyay, iiguna duceeyay.

Ducada Aammiin.

Dalka waan wada leennahay, waana in aan u wada adeegnaa. Sabab kasta ha keentee, qofkii aan taasi suurta gal u ahayn am aka ahayn, ugu yaraan waa in uu dalku ka nabad galaa, sidoo kalena ay ka nabad galaan inta u adeegeysa iyo inta hore ugu soo adeegtay.

Baarlamanka Puntland oo xasaaanadda ka qaaday 8 mudane

baarlamaanka puntland2

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, ayaa Saaka oo Khamiis ah xasaanadda ka qaaday 8 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland.

Mooshin ayaa saaka lagu riday 8 xildhibaan oo loo jeediyay eedaymo kala duwan, kuwaas oo si adag u mucaaradsanaa Guddoomiyaha Baarlamanka, islamarkaana doonayay in ay mooshin ku ridaan.

35 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Puntland, ayaa u codeeyay xil ka xayuubinta xildhibaannada, 3 mudane ayaa diiday, halka mid kalena ka aamusay.

Xildhibaannada xasaanadda laga qaaday waxay kala yihiin; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Xil. Saleebaan Faarax Ciise, Xil. Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud (Dhoore), Xil. Muuse Siciid Xassan, Xil. Maxamuud Maxamed Barre, Xil. Cabdicasiis Siciid Maxamuud iyo Xil. Maxamuud Axmed Caalin.

Askar ka tirsan ciidanka Kenya oo la waayey kadib weerar ay qaaday kooxda Al-Shabaab

ciidamada kenya

Dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Faafi oo hoostaga magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray dagaal-yahanada Al-Shabaab ee weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Taliyaha Booliiska gobolka Waqooyi Bari, Runo Bunie oo hadal siiyey warbaahinta ayaa sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay u badnaayeen, islamarkaana ay ku hubeysnaayeen bam-baanooyin iyo garnayladda garbaha laga gano.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weerarka kadib la waayey hal askari oo ka tirsan Booliiska oo ay haatan baadi goobayaan, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray.

Runo Bunie oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ka ciidan ahaan ay bixiyeen dadaallo badan oo lagu sugayo amniga, balse wuxuu shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan.

“Wax kasta oo karaankeena ah waanu sameynay,balse waxaanu garab uga baahanahay dadweynaha. Weerar noocaan ah ma dhici karo ka warqab la’aantooda,” ayuu yiri.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

Wiil hooyadiis iyo walaalkiis ku dilay Muqdisho kadibna isaga la dilay (Faahfaahin)

muqdisho no4

Dhacdo aad u murugo badan ayaa ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii wiil lagu magacaabo Cabsiiye Caddaan uu hooyadiis oo 70 sano jir aheyd si xun u dilay, isla markaana dhaawacay walaalkiis la dhashay iyo wiil kale oo qaraabo ahaayeen.

Cabsiiye ayaa dilka hooyadiis u adeegsaday tooreey kuna dhaawacay walaalkiis iyo wiilka kale ee qaraabada yihiin, kadib markii ay ku murmeen dhaxal dhul oo uu doonayay Cabsiiye in la iibiyo.

Markii uu falkaasi dilka iyo dhaawaca isugu jira geystay Cabsiiye ayaa waxaa goobta yimid ciidamada booliska degmada Kaaraan, halkaasi oo qeybaha danbe ee lugta kaga toogteen markii uu diiday inuu dhigo mindidada uu hooyadiis ku dilay kuna dhaawacay walaalahiis.

Dhaawac soo gaaray kadib ayaa loola cararay isbitaal Keysaney hase ahaatee saacad kadib ayuu ku geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in marxuumka dilay hooyadiis uu ahaa qof maandooriyeysnaa oo balwadaha maskaxda dooriya isticmaalay xiligaasi.

Falalka noocaan ah ayaa mudooyinkii danbe kusoo badanayay guud ahaan dalka Somalia.

47 ka mid ah xildhibaanada DIR oo soo saaray go’aan ka dhan ah Cabdi Xaashi

aqalka sare

Xildhibaanada kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee ku jira Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hor-yimid guddoomiyaha aqalka sarre, Cabdi Xaashi oo muddooyinkii dambe ku doodayey inuu xaq u leeyahay soo magacaabista guddiga metelaya goboladaasi.

Xildhibaanada oo war-saxaafadeed kasoo saaray kulamadaas ayaa sheegay in Cabdi Xaashi uu gebi ahaanba ku metelin hadalada iyo qoraalada uu maalmihii u dambeeyay soo saaray, kuwaasi oo uu kaga soo horjeeday dhismaha guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi.

War-saxaafadeedka oo ay ku saxiixnaayeen 47-xildhibaan oo ka tirsan labada aqal, isla markaana kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa waxa lagu taageeray xukuumadda, iyada oo lagu sheegay in guddiyada doorashada ee qeybta ka yihiin kuwa gobollada Waqooyi ee uu ku dhawaaqay ra’iisal wasaare Rooble, lagu dhisay hab waafaqsan heshiiskii siyaasaddeed iyo hab-raacyada ka farcamay kadib wadatashi baaxad weyn oo lala yeeshay xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo hogaanka dhaqanka ee kasoo jeeda goboladaasi.

“Waxaanu caddaynaynaa in guddoomiyaha aqalka sarre, in kasta oo uu yahay odey aanu aad u qadarino, in aanu ku metelin Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka JFS iyo odeyaasha dhaqanka hadalada iyo qoraalada uu soo saaray ee uu ku durayo dhismaha guddiyada doorashada ee gobollada Waqooyi iyo habraacyada loo maray, maadama oo aanu nala tashan waxna naga weydiin,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxa warsaxaafadeedka xildhibaanada lagu taageeray heshiiskii siyaasadeed ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ku gaareen magaalada Muqdisho, isla markaana uu meelmariyey baarlamaanka, kuwaasi oo ay kasoo baxeen habraacyada lagu dhisay guddiyada doorashooyinka.

Waxay ugu dambeyntiina ku tilmaameen nasiib darro in siyaasiyiin ujeedooyin siyaasadeed leh ay isku dayaan inay ka dhigtaan doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi dariiq ay usii maraan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen doorashooyinka Qaranka ee lagu heshiiyey.

Khilaafka ka dhashay guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi ayaa muddooyinkii dambe isasoo tarayay, iyada oo ay u muuqato inay ku adkaatay xukuumadda, maadama ay dhabarka u jeediyeen Cabdi Xaashi tiradii u badneyd ee labada gole ku matelaysay gobolada Waqooyi.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka ay soo saareen xildhibaanada.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY