Home Blog Page 29

DAAWO DOOD ADAG OO DEXMARTAY XILDIBAANADDA SSC-KHAATUMO IYO SOMALILAND

xildhibaan cabdi qawdhan4

Dood adag oo ku saabsan wax-ka-beddelka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta dhexmartay Xildhibaanadda Maamulka SSC-Khaatumo iyo kuwo Somaliland ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

DOLLAR IYO DAHAB LAGA HELAY DIYAARAD OO LA SHEEGAN WAAYEY

dollar

Diyaarad gaar ah oo lagu helay in ka badan $5m (£4m) oo caddaan ah, dahab been abuur ah, qori iyo rasaas, ayaa lagu baarayaa caasimadda Zambian ee Lusaka.

Qof walba wuxuu ogyahay in diyaaraddu ay kasoo duushay caasimadda Masar ee Qaahira, ayna u socotay Zambia, balse cidna labada dalba Masar ama Zambia ma sheegan alaabtan.

Su’aalo badan oo aan laga jawaabin ayaa la isla dhex marayaa.

Cidda iska leh ma noqon kartaa saraakiil sare oo siyaasadeed amaba milatari oo Masar ama Zambia ka tirsan? Kani duullimaadkii ugu horreeyay miyaa mise kuwo kalaa hore u jiray?

Waxa la ogyahay ayaa ah in dhammaanba lixda qof ee diyaaradda saarnaa ee Masar u dhashay iyo qaar kaleba oo kaga soo biiray garoonka Lusaka maanta la horkeenayo maxkamad,

Qaar ka mid ah dad Zambia u dhashay ayaa xukun lagu riday, balse weli kuwa Masar eedeymo laguma soo oogin.

DAAWO ISIMADA SSC OO HABARJECLO DIGNIINTII UGU DAMBEYSAY U DIRAY

isimada ssc3

DAAWO ISIMADA SSC OO HABARJECLO DIGNIINTII UGU DAMBEYSAY U DIRAY.

DAAWO MADAXWEYNAHA SSC-KHAATUMO OO XALAY KHUDBAD DHINACYO BADAN JEEDIYEY

hogaamiye ssc cabdiqaadir axmed firdhiye1

Daawo Madaxweynaha SSC-KHAATUMO Cabdiqaadir Axmed Firdhiye oo xalay khudbad dhinacyo badan jeediyey.

AKHRISO TIRADA IYO NOOCYADA HUBKA CIIDAMADDA SSC AY SOMALILAND KA QABSADEEN

qaniimadii somaliland lagahelay

Weerar balaadhan oo shalay Ciidamadda SSC Khaatumo ku qaadeen Ciidamada Somaliland ee duleedka Laascaanood ku sugnaa ayey waxay ku gaarsiiyeen Khasaare naf iyo hub ah, hoos ka daalaco tiradda iyo noocyada hubka Somaliland laga qabsaday ee ilaa hadda la diiwaangeliyey.

DENMARK OO SOO SAARTAY CIQAABO CIDDA GUBTA QURAANKA KARIIMKA

kitaabka quraanka

Dowlada Denmark ayaa soo jeedisay hindisa sharciyeed lagu mamnuucayo in lagu gubo quraanka kariimka ah goobaha fagaarayaasha ah,kadib markii dhowr jeer oo hore kutub la gubay ay dalalka Muslimiinta ka caroodeen.

Wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard ayaa sheegay in kitaabka quraanka oo la gubo ay waxyeello u gaysatay Danmark, isla markaana ay halis geliso ammaanka muwaadiniinteeda.

Sharciga la qorsheeynayo ayaa dambi ciqaab lagu muteysan karo ka dhigaya cid waliba oo si xun ula dhaqanta Qur’aanka ama Baybalka. Waxaa qofka falkan lagu helo uu muteysan karaa ganaax iyo xarig muddo 2 sano ah.

Xukuumadda midig-dhexe ayaa sheegtay inay doonayso inay caalamka u dirto farriin. Bilihii la soo dhaafay, dhowr nuqul oo qur’aanka kariimka ah ayaa lagu gubay dalka Denmark , taasi oo ay caro ak dhalatay

CIIDAMADA SSC GACANTA KU DHIGAY FAYSAL CABDI BOOTAAN

faysal cabdi bootaan

Taliyihii ciidamada Somaliland ee guutada 12aad Jen, Faysal Cabdi Bootaan ayay gacanta ku dhigeen ciidamada SSC-Khaatumo.

Waa mid kamid ah Taliyihii ugu sareeyey ee ciidanka Somaliland, kaas oo lagu xasuusan doonaa ficiladii bahalnimo ee laga geystay Laascaanood mudooyinkii lasoo dhaafay.

CIIDAMADDA SSC OO LA WAREEGAY MAGAALADA YAGOORI

garaad mukhtaar yagoori

Ciidamadda Maamulka SSC-Khaatumo oo aroortii hore ee saaka weerar dhinacyo badan qaaday ayaa cagta-mariyey Ciidamaddii Somaliland ee Gobolka Sool mudada dheer ku sugnaa.

Ciidamadda Somaliland oo jabweyni ku dhacay ayaa Boqolaal qof ayaa dhimasho iyo dhaawac laga dhigay, waxaa lagala wareegay tikniko iyo hub kale oo aad u tiro badan, ilaa haddana waxaa lasii cayrsanayaa, iyadoo laysla dhaafay Magaalada Yagoori waxaana laysula gudbay dhanka Magaalada Guumeys.

Qaar ka mid ah Isimadda SSCKhaatumo ayaa Gaaray Degmadda Yagoori si ay ciidamada u dhiirigeliyaan.

MAAMULKA SSC OO GUULLO KA GAARAY DAGAALADA DULEEDKA LAASCAANOOD

calanka khaatumo

Warsaxaafadeed uu soo saaray Maamulka SSC Khaatumo ayey ku cadeeyeen saaka aroortii hore ay soo weerareen Ciidamadda Maamulka Somaliland, kuwaas oo ay u jilib dhigeen shacabka iyo Ciidamadda SSC jab weyn ay gaarsiiyeen.

DAGAALLO AAD U CULUS OO DULEEDKA LAASCAANOOD KA SOCDA

war deg deg

Dagaal culus oo aan noociisa horey loo arag ayaa saaka abaara 4 saac ka bilowday dhamaan jiidaha ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Maamulka SSC – Khaatumo iyo kuwa Somaliland ee duleedka Magaalada Laascaanood.

Dagaalku wuxuu xoog uga socda Aagga Maraaga, Jabka Qoriga ee dhinaca bari magaaladda iyo Boholaha Xargaga.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya ciidamadda Xaq u dirirka ah ee SSC Khaatumo oo dhulkoodda difaacanaya iyo kuwa Somaliland.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY